Guurti dhex dhexaadin ka samaysay khilaafkii Maamul ee Maayarka iyo ku-xigeenka Borama

0
57

Borama(Waaheen) khilaakii u dhaxeeyey Maayarka degmada Borama Saleebaan Xasan Xadi maayariyo ku-xigeenkiisa Maxamed Muxumed dheerayste ayaa lagu soo waramayaa in la dhameeyey kadib markii ay dhex galeen Siyaasiyiin iyo Aqoonyahao ka soo jeeda Gobolka Awdal, kuwaas oo si turxaan la’aan ah u soo af-jaray waxyaabihii ay isku hayeen.

Wariyaha Gobolka Awdal ayaa ku soo waramaya in ay ka guurtiyeeyeen khilaafka Maayarka iyo ku-xigeenkiisa oo gacan ka hadal gaadhay Rag ay ka mid yihiin Proffesor Saleebaan Axmed Guuleed, Wasiirkii hore ee Wershadaha C/risaaq Cali Cismaan, Dr: Maxamuud Aw Xasan Saygoon, Maxamud Sheekh C/laahi badhasaabkii xiligii Rayaal iyo xildhibaan Nuur Riyaale oo ka tirsan Golaha Guurtidda Somaliland.

Kooxda ka guurtiyeysay khilaafka labada Maamulka degmadda Borama ayaa la sheegay in ay isa soo hor fadhiisiiyeen isla markaana mid kasta ka dhagaysteen waxa ay ka kale isku hayaan, iyagoo meel dhexe markii danbe dhigay xalka khilaafkooda, waxaanay mid kasta dhiniciisa kula taliyeen in uu joojiyo ama aanay soo noqon dhacdadii ay ku kaceen.

Odayaashan ayaa Maayarka iyo ku-xigeenkiisa ku heshiisiiyey in ay danta Degmadda meel uga soo wada jeestaan isla markaana khilaafkooda hoos u xalistaan haddiiba ay dhacdo in mar kale ay isku qabtaan xilka ay bulshada u hayaan, waxaanay ku dar-daareen in ay wax ka qabtaan baahiyaha Degmadda ee ay dhaliilaha badani ka taagan yihiin.

Maayarka iyo ku-xigeenkiisa ayuu khilaaf gacan ka hadal ka gaadhay dhex maray  toddobaadkii ina dhaafay, kaasoo warbaahintu baahisay.