Canbaareyn Xadhiga cam-camiska ah ee lagula kacay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer.Guuleed Daahir Samatar.‏

0
84
Anaga oo ah Qurbojoogta ka soo Jeeda Galbeedka Gobolka Togdheer Waxaanu si mug-leh oo wada jir ah u-canbaareyneynaa
Xadhiga foosha xun ee cam-camiska ah ee lagula kacey Guuleed Daahir Samatar oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka togdheer ahaana Mujaahidiintii u soo halgamey qadiyada iyo qaranimada Somaliland.Waxaanu Xukuumada ka codsaneynaa in ay  Muwaadinkaa ay Xoriyadiisa oo buuxda si-deg-deg ah ugu -soo celiso.
Waxaa dastuurka qaranka Somaliland uu damaanad qaadayaa in Muwaadin kasta oo Somalilander ahi in uu qaabkasta oo uu doono  uu dareenkiisa u cabiro karo Xukuumadana u dhaliili karo. Hadaanu nahay Qurbo-jooga Galbeedka  Gobolka Togdheer anaga oo isku duuban marna ka yeelimeyno in Xukuumadu ay ku xad-gudubto xoriyatalqowlka, karaamada iyo milgihii uu xaqa u-lahaa muwaadinkaa Xisbiga mucaaradka ka tirsanaa ee Xukuumadu ka qaadey selelka,saska iyo sakatiga ee ay u adeegsatey ciidamada RRU-da ee beryahan danbe ummadda lagu bahdilo ee awooda loogu sheegto.ciidamadaas oo ahaa kuwii loogu talo galey gurmadka deg-dega ah ee argagixisada laakiin xukuumadu shacabka ku cabudhiso oo waayadan  u-adeegsato.
Xadhiga iyo  tacadiyada gabood falka ah ee lagula kacey Guuleed Daahir Samatar waa mid baalmarsan qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo qawaaniinta xuquuqda aadanaha ah ee dastuurka qaranka JSL ku yaala.Cabudhinta iyo cago-jugleynta loo isticmaalaayo quwada ciidanka xaaraanta ah ee RRU-da iyada oo aaney jirin amar garsoore oo sababeynaaya xadhiga muwaadiniinta Somaliland ee guryahooda saqda dhexe loogu daa-danaayo waxay baalmarsan tahay dastuurka qaranka JSL. Lagana yeeli maayo xukuumada isnuuga ah ee Siilaanyo.
Waxaa kale oo aanu aad U- Canbaareyneynaa Xadhigii iyagana lagula kacey dhamaan suxufiyiinta iyo abwaaniinta xoriyalqolka u-xidhan Waxaanu aad uga xunahay in maanta Hantidii guud ee ummada reer somaliland oo dhan ka dhaxeysey ee loo sinaa la siiyey shaqsiyaad sita shaadh shirkadeed iyada oo sife bilaa sharci ah oo beeleysan loogu naas-nuujinaayo dadka degaanka ah ee ka hadlana xuquuqdooda lagu xad-gudbaayo oo xabsiyada loo taxaabaayo iyada oo loo cam-caminaayo sifeyaal  ka baxsan karaamada diinta islaamka.
Waxaan ku soo geba-gebeyneynaa:  WAAR – Yaan wixii lagu soo tabcaayey 22 Sanadood lagu duminin Kursi cimri-dherer xukuumada Siilaanyo loogu doonaayo iyo nin shaadh shirkadeed gashan oo hantidii maguuraanka  aheyd ee ummaddu wada eeganeysey  lugu Naaxinaayoo ama lagu naas-nuuginaayo oo tuubadu ugu jirto.
Alleh ayaa Mahad Leh
Waa Bilaahi -Tawfiq.
Gudida Dhalinyarada
Qurbe jooga Galbeedka
Gobolka Togdheer.
Abdirahman mohamoud
UK