C/xakiin X Cumar Camay oo ku guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Puntland

0
22

Garowe(Waaheen) C/xakiin X Cumar Camay oo ka soo jeeda Gobolka Buuhoodle isla markaana ay qoys hoose yihiin wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa ku guuleeystay  jagada Madaxweyne ku-xigeenka Maamulgoboleedka Puntland, kaasoo 48  cod, halka uu helay ninkii la tartamayey  16 Cod oo kali ah, waxana Xumaaday hal Cod, Xildhibaana wuu ka maqnaa sidaasuna ku noqday madaxweyne kuxigeenka Puntland.  .
C/xakiin X Cumar Camay waxa uu ka mid ahaa kooxdii Saleebaan Ciise Xagla toosiye wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland u soo raacday Somaliland markii uu ka imanayey dhinaca Khaatumo oo ay markaas qab qablayaal ka wada ahaayeen, hase yeeshee markii danbe waxa uu ku noqday buuhoodle.