Tirsigii 58-aad ” Mudane Wasiir Miyaa Ilowdeen dhaartii Qodobka 129- aad ee aad tidhaahdeen waxaanu ilaahay ugu dhaaraney in aanu daacad u-noqon-doono shacabkayaga, diintayada, iyo dalka-yaga kuna maa-muli doono sinaan iyo cadaalad inta aanu xilka hayno‏

0
115
Tirsigii 58-aad ” Mudane Wasiir Miyaa Ilowdeen dhaartii Qodobka 129- aad ee aad tidhaahdeen waxaanu ilaahay ugu dhaaraney in aanu daacad u-noqon-doono shacabkayaga, diintayada iyo dalkayaga, kuna maamuli doono sinaan iyo cadaalad inta aanu xilka hayno. Qalinkii A/rahman fidhinle.
Waxaa ogtihiin in uu dhawaan uu golaha wakiilada uu hor yimi wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland, Waxaa Wasiirka la weydiiyey su’aalo ay xaq ugu lahaayeen golaha wakiiladu oo ku saabsanaa heshiisyadii ay dawladu la gashey shirkadaha shisheeyaha ah ee shidaalka ka sahamiya degaano ka mid ah  Somaliland, taas oo ay golaha wakiiladu uu xaq u siinaayo  qodobka 53-aad ee dastuurka qaranku, qodobkaas  oo  cadeynaaya awooda ay golaha wakiiladu uleeyihiin ogaanshaha iyo ansixinta heshiisyada ay xukuumadu la gasho shirkadaha shisheeyaha ah iyo kuwa maxaliga ah ee wadanka ka hawlgala. Waxaa arin laga yaq-yaqsiyooda ah in wasiirku ka war-wareegay su’aalahaa ay golaha wakiiladu ay tooska u-weydiiyeen laakiin uu nasiibdaro ku-mergadey jawaabtoodii oo uu ka war-wareegay, in uu jawaab waafi ah ka bixiyo,Kuy’e qodobkaa 53-aad ee dastuurka  dood golaha wakiilada dhexdooda ah ayaa ka taagan.Waxaa wada daawaneyseen ama wada dhegeysateen in badankii golaha wakiiladu ay cod-dheer ay goobta kaga dhawaaqeen oo qireen in aan qodobkan doodi ka jirin. Waxaanu leenahay Wasiirka mudane wasiir “Falaadhi gil-gilasho kaagama godo”  ee waxaa lagaaga fadhiyaa in aad baarlamaanka  aad u-cadeyso xogaha ay xaqa kuugu leeyihiin in ay ansixiyaan ama ay wax ka ogaadaan maadaama uu qodob dastuuri ahi uu qeexaayo. Mudane wasiir waxaa il-qoodha kugu wada daawanaayey kuguna wada dhageystey ummadda reer Somaliland oo dhan gudo iyo debedba kuwaas oo u-baahan in aad ka qanciso xogaha iyo ogaanshaha ay xaqa iyo xeegaankaba  kuugu leeyihiin.
 Iyada oo aaney wadanka ka jirin wax sharci shidaad ahi ayaa waxaaa nasiibdaro ah in  xukuumada Siilaanyo ay qol-madow  heshiisyo aan bireysneyn oo booli ah ay kula gashey shirkadahan tirada badan ee hoose oo liisamo u wadda haysta in ay shidaal ka sahamiyaan qaar ka mid ah degaanada Somaliland waxaana ka mid ah shirkadahaa: Genel Energy, Assante oil, Ras-Gass LLC, ASDAN, DNO international,Ophin Energy,Jacka Resource, Sterling Energy, Petrosoma iyo East African resource group, Waxaa xukuumada Siilaanyo looga fadhiyaa in shirkadahaa la xalaaleeyo oo baarlamaanka laga ansixiyo. Waxa xaaraan ah in koox yar  oo golihii sare ee kacaankii Siyaad Bare oo kale ahi ay sife sharciga wadanka baalmarsan ay kheyraadkii shacabka Somaliland wada lahaa in ay si qarsoon oo iyaga u-gaar ah uga faa’ideystaan iyaga oo ka faa’ideysanaya sharci la’aanta shidaalka iyo kheyraadka maguuraanka ah ee wadanka ka jira isticmaalaayana mansabyadooda iyo awooda dawladnimo.
Waxaan usoo-jeedinayaa Golaha Baarlamaanka iyo Xisbiyada mucaaridka ahba in aaney marna ka yeelin Xukuumada Siilaanyo in ay Dabool-Madow ka saarto Golaha Baarlamaanka xogihii ay xaqa ugu lahaayeen in ay ogaadaan kadibna ay ansixiyaan. Waxaa habaqleysiga iyo hormo-qamaamka ay qaar ka mid ah golaha wakiiladu ay beryahan danbe ku hayeen xeyndaabka madaxtooyada ay ummadda u-cadeyneysaa in la mustafeysiiyey oo baraf-lasaarey sidii caadiga u-aheyd si loo xalaaleysto hantidaa badan ee shirkadaha shidaalka sahamiya laga qaadey.Waa in uu wasiirka macdanta iyo tamartu cadeeyaa Saamiga ay dawladu ku yeelan doonto ( Production sharing agreements ) marka shidaalka la soo saaro hadii ay dhacdaba.Waa in uu cadeeyaa Wasiirku macdantu cadadka lacagta ah ee xaqul-qalinka ah ee ku-dhacdey khasnada dawlada.Mise xaalku wuxuu noqdey  “ka dhufso oo ka dhaqaaq”  ! !
Guntii iyo Geba-gebadii qormadan: Maanta jiritaankii qaranimada Somaliland wuxuu ku soo ururay in shaqsiyaad kooban oo qaar shirkado sheegtaan in loo sadqeeyo laguna ilaaliyo, intii u-soo dhafartey ee dhididka, dhiiga iyo dheecaankaba usoo hurteyna in la-takooro,la bahdilo oo ay indhaha ka daawadaan filimkaa boobka ah ee wadanka ka socda taasina xeer iyo xaqtoona ma-aha??  Intii  nidaamkan uu Siilaanyo gadhwadeenka  ka yahay uu qabtey hogaanka  S/land, Waxaa xadhkaha goostey musuq-maasuqii iyo boobkii hantida ummadda,Waxaa ramiimka noqdey oo baaba’ay oo meesha ka baxey hanaankii iyo sharaftii dawladnimo, bro-takoolkii, burjigii, buruudkii iyo burhaantii qaranimo,kala sareyntii, kala-danbeyntii, kartidii,karaamadii maamul iyo maareyntii dawladnimo . hamigii,higsigii,horumarkii iyo  habsami u-socodkii himilooyinkii qaranimo ee la higsanaayeey ee lagu taamaayey oo iyana wada hintaaqmey.wada majare-habaabey oo wada gaabis noqdey. Danta guud ee Somaliland  waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba  in xal  la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo maamuus,midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd, waxaana hada shacabka reer Somaliland ee gudo iyo debedba la gudboon in la taageero oo talooyin lagu biiriyo Shirka Dood Cilmiyeeda Qaranka ee ay xisbiyada qaranku ku baaqeen si loola xisaabtamo oo miisaanka loo saaro xukuumadan dheelidey ee dhiilihii awrka u-saarnaa ay dhinaca u-sii ciirayaan marba marka ka danbeysa.
Alleh ayaa Mahad leh,
Wa-Laahum-Aclum Wa-Billhi Tawfiiq
Wehelkiin Waa Alleh & Nebi (scs)
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London