Madaxweyne Siilaanyo oo shir saacado qaatay xalay qasriga kula yeeshay Guddida Nabadgelyada Qaran

0
58


dddddHargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xalay qasriga Madaxtooyadda kulan saacado badan qaatay kula yeeshay guddida Nabadgelyda heer Qaran oo ay ka mid yihiin Taliyayaasha Ciidamadda Milatariga iyo Booliisku.

Kulankan oo xalay Madxweynuhu kula kulmay guddida Nabadgelyadda waxa uu ka danbeeyey kadib markii ay soo baxeen xaalado cabsi galiyey dadweynaha Reer Somaliland, kuwaasoo saamayn ku yeeshay amaanka Dalka, haddii ay tahay Rabshadaha ciyaalka xaafaduhu ka sameeyaan magaalooyinka gaar ahaan Caasimada oo meelaha qaarkood habeenkii aan la mari Karin, Baadhayaashada oo duhurka cad soo siyaadaysa iyo Mudaharaadyada ka abuurma xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa bulsho, oo dhimasho iyo dhaawac keena.

Si rasmi ah looma oga go’aanka ay Madaxweynaha iyo xubnuhu ka soo saareen sidii loola tacaali lahaa duruufaha dhinaca amaanka ka taagan hase yeeshee waxa maalmahanba soo baxaysay Eedo loo jeedinayey Booliiska iyo wasaaradda Arrimaha gudaha kuwaas oo lagu eedaynayey in aanay waxba ka qaban dhinaca amaanka gudaha dalka oo beryahan rasaas goos goos ahi ku dhex maraysay Booliiska iyo ciyaala xaafahada is shiida, kuwaas oo mararka qaarkood ay soo baxdo in ay booliisku kaba baqaan.

Habeenadii ugu danbeeyey waxa ay Booliisku shaaracyda iyo guryaha kala baxayeen dhalinyaro badan oo ay booliisku u arkaan kuwa falalka amaan darada ah samaynaya, waxaanay qaarkood hor geeyeen maxkamadaha oo ku xukumay xukuno kala duwan oo u dhaxeeya lix bilood iyo sanad, halka kuwii danbiga lagu waayeyna la sii daayey, halka qaarkoodna ganaax la saaray.

Si kasta ha ahaatee kulanka xalay qasriga ku dhex maray guddida Nabadgelyada Qaranaka iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa in lagu soo bandhigay dhaliilaha hadheeyey nidaamka iyo hawl galada Booliiska, isla markaana waxa la iskula qaatay go’aamo gacan bir ah lagaga jawaabayo sugida amaanka Dalka.

Xukumadda talada haysa ayaa markii ay talada ku guulaysatay laashay xukun deg deg ahaa oo ay xukuumadihii hore ku maarayn jireen marka duruufo caynkan oo kale ahi yimaadaan, hase yeeshee waxa ay u arkeen wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen in loo adeegsan jiray sidii loogu cabudhin lahaa mucaaradka, wallow aad moodo in ay xukuumaddu imika baahi u qabto adeegsiga arrintaas oo ay iska cabin dhalinyaradu uga hesho Garsoorka hadana wali xukuumaddu kumay dhawaaqin in ay kulamada ay kaga arrinsanayso dhinaca amniga ku soo ceshato iyo in ay xeelado kale kula tacaalaysao.