Madaxweynaha Somaliland oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Shirkada DNO oo shidaal ka baadhaysa Dalka.

0
69

 

P1060715Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland ayaa Maanta Qaabilay Wafti balaadhan oo ka socday Shirkada DNO  oo ah Shirkad Baadhaysa  Shidaalka iyada   oo hawsha ka bilaabaysa Gobolka Saraar gaar ahaana  Block 18.

Kulankan oo ahaa mid Albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu dhammaaday waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Md.Xusseen Cali Ducaale, waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay ujeedad ay Somaliland u yimaadeen Madaxda Shirkadaasi.

Wasiirka Arrimaah Dibada  Somaliland Maxamed Biixi yoonis oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkadani ay si rasmi ah ay Somaliland uga bilaabayso hawlaha shidaal baadhista waxaanu sheegay in ay Somaliland faa’iido weyn ugu jirto in hawshaasi shiidaal baadhista ah ka bilaaban.

P1060714

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xusseen Cabdi Ducaale ayaa isaguna ka hadlay waftigaasi waxaanu sheegay in ay Somaliland ka bilaabayan shidaal baadhis waxaanu yidhi.“Shirkadani  shirkad inagu cusub ma ah waa Shirkadadii aanu heshiiska la saxeexanay Bishii Afraad sanadkii ina dhaafay, heshiiskuna waxa uu ka dhacay Caasimada Dalka Maraykanka, shirkada waxa la yidhada DNO oo asaaskeedu yahay dalka Norwey, waxaanay ka shaqeeysaa Barriga dhexe iyo Waqooyiga Afrika, shirkadan waxay ka shaqaynaysaa Block 18, lakiin waxa la shaqaynaysa shirkad kale oo la yidhado Pro-gas  o iyaduna 40% Blockaasi ka shaqyanaysa, marka shirkadii way soo degtay hawshiina way qabanaysaa, 2Billood ka hor ayey Hargeysa Xafiis ka furtay, maareeyihii dalka u matalayey oo ah Maxamed Jaamac Diriye isaguna shaqadii wuu bilaabay, marka ujeedada ugu weyn ee dalka u yimaadeena waa in ay madaxweynaha soo salaamaan oo ay u sheegan in shaqadii si toos ah u bilaabayaan, iyaga oo ka yimid Dalka Cumaan, waxa nasiib wanaag ah in markii ugu horeysay aanu aragno shirkad Cumaan ah oo dalkeena maalgashi ku sameynaysa reer cumaan way inaga maqnaayeen waxanau leenahay soo dhawaad, waana dal uu xidhiidh fiicani inaga dhexeeyo.”Ayuu yidhi.

P1060713

Maamulaha sarre ee Shirkada DNO Mr.Markan moran oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay u yimaadeen in sidii ay uga baadhilahaayeen shidaal.

Maxamed Al barwaani oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in farax weyn u tahay in Somaliland hawshaasi baaxadleh ka bilaabaan.

P1060711 P1060710 P1060706 P1060707 P1060708 P1060709 P1060702 P1060703 P1060704 P1060705 P1060698 P1060699 P1060700 P1060701