Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtidda oo Feedhay Xoghayaha Guud ee Golahaasi

0
79

Hargeysa(Waaheen) Xildhibaan Muuse Ciise Xamari oo ka titsan Xildhibaanada Golaha guurtiddaGuurtidda eek a soo jeeda Gobolka Sool ayaa saaka si lama filaan ah ula dagaalamay Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda C/laahi Dheere, kaasoo Feedh ku bilaabay isagoo ku sugan xarunta Golaha Guurtidda.

Xildhibaanka dagaalamay ayaa la sheegay in uu ka cadhaysan yahay Mooshin Maamuus ka xayuubin ah oo uu Golaha Guurtidu ku qaadayo kaasoo ka dhashay Eedayn loogu soo jeedinayo Xildhibaankaasi in uu Garoowe u raacay C/raxmaan Uur-bayte oo Somaliland ka goostay toddobaadkii hore isla markaana isku sharaxay madaxweyne ku-xigeen, hase yeeshee markii danbe Maamula Puntland ay Xabsiga dhigeen.

Xildhibaan Muuse Ciise Xamari ayay Golaha Guurtiddu ku eedaynayaan in uu Garoowe uga Ololaynayey C/raxmaan uur-bayte taasoo ah danbi, maadaama oo Somaliland iyo Maamulka Puntland kala yihiin laba Dawladood oo aanay xildhibaanadoodu midna awood u lahayn in uu Dalka kale hawlo siyaasadeed ka fuliyo.

Xildhibaan Muuse Ciise Xamari ayaa lagu eedayn jiray in uu maleegayey in uu C/raxmaan uurbayte ka Iibiyo kursigiisa, hase yeeshee waxa dagaal ku dhex maray Xildhibaano iyo Siyaasiyiinta Beeshooda kaga jirta Baarlamaanka Somaliland kuwaas oo diiday in uu u baneeyo, waxaanu C/raxmaan Uurbayte intii aanu u wareegin Garoowe isku dayey in uu hawaysto kursiga Guddoomiyaha Golaha Guurtidda, hase yeeshee waxa uu qancay markii duufaano siyaasadeed dhinac walba lagaga kiciyey.

Xildhibaanka ay gacan saarka lahaayeen Uurbayte ee saaka feedhay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda ayaa laga yaabaa dacwada hore in tana loogu biiriyo isla markaana Goluhu uu guda galo sidii uu anshax marin gaadhsiisan illaa maamuus ka xayuubin ugu samayn lahaa.