Xukuumadda Somaliland oo xidhay Ina Uur-bayte walaalkii, baadhis na ku wada Taliyihii ciidan Beeleedkii Fiqi fuliye ee Somaliland laga kireeyey

0
92

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa shalay xidhay C/naasir Xirsi Faarax bbbUur-bayte oo ay walaalo yihiin C/raxmaan Xirsi Faaraxa Maamulka Puntland xidhay eek a baxsaday dhawaan Somaliland, kaasoo loo haysto Mushaharkii iyo Raashinkii Ciidan Beeleedkii ay Somaliland ka kireeyeen oo ay af-ka iska mariyeen.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland waxa ay baadhis ku haysaa taliyihii ciidankaasi Maxamed Raage oo lagu eedaynayo in uu C/naasir Xirsi Faarax Uur-bayte u gacan geliyey mushaharkii Ciidankaasi oo ay Somaliland ugu dhiibtay, halka C/naasir uu Raashinkii qandaraaska Xukuumaddu ku siisay uu Leexsaday isla markaana Ciidankii ka qatan yahay.

Xukuumadda Somaliland ayaa intii aanay Taliyah xabsiga dhigin waxa ay Xilkii Ciidan Beeleedka Fiqi Fuliye u magacawday Sarkaal la yidhaahdo C/risaaq Naf-yar kaasoo Ciidan beeleedka markii hore taliye u ahaan jiray hase yeeshee goor dhexe C/raxmaan Uur-bayte ka qaaday.

Laacagaha iyo Raashinka ay Xukuumadda Somaliland u gacan galisay labada nine e ay imika xidhay ayaa qayb ka ah boqolaal kun oo Dollar oo ay ciidankan ku kharash garaysay isla markaana sababteeda ay lahaayeen madax ka tirsan xukuumadda, Madax dhaqameed iyo ninka imika ku xidhan Garoowe ee C/raxmaan Uur-bayte eek u dhawaaqay in uu u taagan yahay jagada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

C/raxmaan Uur-bayte oo ah ninka isku xidhka lacagahan lagu dhacay Somaliland sameeyey ayaa urursaday dhamaan lacagaha ay Somaliland xiligan ku baraarugtay in la Lunsaday halka ay in ka badan tirade ay doon doonayso gacanta ka siisay Uur-bayte.

Uur-bayte ayaa isla maalintii uu u goostay dhinaca Puntland Somaliland ku eedeeyey in aanay dawlad ahayn ee ay qabiil haystaan isla markaana waxa uu Puntland ugu baaqay haddii la doorto in uu goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ka xorayn doono Somaliland.