Dawladda Somaliya oo ka cudur daaratay wadahadaladii Turkiga iyo weftigii Somaliland ee saaka u xadhko xidhnaa oo la baajiyey

0
91

Dawladda Turkiga oo xalay Somaliland ku soo wargelisay in aanay soo lu gu’in maadaama Somaliya wakhti aan la garanayn dib u dhigtay

bnreeaHargeysa(Waaheen) Wasiiradii xukuumadda Somaliland uga qayb gali lahaa wadahadalada Somaliya ee uu doraad wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis sheegayey in ay kaga qayb galayaan shir wadahalada Somaliya ayaa la baajiyey kadib markii xalay Dawladda Turkigu ku soo war-gelisay in ay Dawladda Somaliya ka cudur daaratay ka qayb galka shirkaasi.

Sida ay Waaheen warar rasmi ah ku heshay weftiga Somaliland ayaa saaka baaqday kadib markii uu safiirka Turkiga u fadhiya Somaliya xalay Madaxtooyadda Somaliland ku soo war-geliyey in aanay wadahadaladu diyaar ka ahayn dhinaca Somaliya oo xiligan ku andacootay in uu dalkeedu galay marxalad xaasaasi ah oo siyaasadeed.

Wararka Somaliya la xidhiidha ee keenay in ay ka baxaan wadahadaladii loo balansanaa toddobaadkan ayaa sheegaya in ay ka dhalatay khilaaf culus oo u dhaxeeya Madaxwey naha Somaliya, Baarlamaanka iyo Raysal wasaaraha kaasoo ka dhashay qaabka loo soo xulayo Golaha wasiiradda, taasoo Madaxweynuhu doonayo in uu ku soo daro xubno ka mid ah Xukuumaddii dhacday ee Raysal Wasaare Saacid, halka Baarlamaankuna uu arrintaas ka diidan yahay.

Khilaafka ku saabsan dhismaha xukuumadda Somaliya ayaa ragaadiyey hawl maalmeedka Dawladda Somaliya waxaana ka taagan dood iyo muran gaadhay meel adag oo sababi karta in la isla dhaafi waayo murankaas, taasoo khatar ay somaliya ugu jirto in dagaalo qabaa’il ay dib ugu noqdaan maadaama dooda ugu badani ka taagan tahay dhinaca saami qaybsiga Beelaha, gaar ahaan Kursiga Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya kaasoo uu Madaxweyne Xasan ku dhegsan yahay in looga dhigo Wasiirkii hore xilkaas u hayey.

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaan ku wacyi gashanayn waxa Somaliya ka socda, waxaanay mar walba ku Ordaysaa Wadahadalada iyadoo go’aankii kali ahaa eek a soo baxay shirkii hore ee Turkiga ee dhinaca hawada Dawladda Somaliya si toos ah u fulin weyday, isla markaana aanay illaa hada Ogolayn in laga wadahadlo qoddobka Madax banaanida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland iyo wasiir ka tirsan Dawladda Somaliya ayaa dhawaan midkoodba dhinac Dawladda Ingiriiska ugu gudbiyey qoraalo mid dhinaca kale ku durayo in ay wadahadalada hortaagan yahah dhinaca kale, arrintaas oo ay xukuumadda Somaliland daadifaysay waxa fashiliyey go’aanka ay Dawladda Somaliya ku diiday shirkii toddobaadkan loo balansanaa wallow Somaliland diyaar u tahay dhib kasta oo ka haysata war wareega Somaliya ay ka biyo diidsan tahay wadahadalada.