Booyadlaydii dhawaan Mudaharaaday iyo Xukuumadda oo isku af-garan waayey kulan ay shalay ku yeesheen wasaaradda Arrimaha gudaha

0
53

Hargeysa(Waaheen) Guddida Booyadlaydii dhawaan shaqo joojinta samaysay ee uu ka dhashay mudaharaadkii balaadhnaa ee Hargeysa gil-gilay iyo guddi ka kooban Wasaaradda warArrimaha gudaha, Maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa, Maayarka Caasimadda iyo masuuliyiin kale ayaa shalay ku dhamaaday natiijo la’aan kadib markii ay xukuumaddu soo bandhigtay lacagtii cashuurta ahaa ee ay booyadlaydu ka cabanaysay in ay boqol iyo konton kun (150,000) oo ka mid ah ay ka dhintay.

Qiimo dhimista Xukuumadda ayay Booyadlaydu ka biyo diiday, waxanay ku doodeen in aanay ku filnayn, iyagoo masuuliyiinta ay la kulmeen ka dalbaday in ay lacagta lagu soo rogay Xukuumaddu ka wada dayso dhamaanteed ba.

Sida ay waaheen wararka ku heshay kulanka shalay ayaa ku dhamaaday is af-garan waa mana jirto xili kale oo loo balamay in la isku soo noqdo, hase yeeshee waxa ka muuqda dhinaca Booyadlayda intooda badani ku adkaysanayo in laga wada dhaafo, halka xubno kooban oo ka mid ah Booyadlaydu u guuxday talaabada Xukuumaddu kaga dhaaftay boqol iyo kontonka kun.

Si kasta ha ahaatee lama oga kooxda diidani in ay dib u istaadhi doonto shaqo joojintii iyo in ay aqbali doonaan go’aanka xukuumadda maadaama oo ay xukuumaddu kala badh lacagtii ay ka cabanayeen ka daysay.

Dhinaca kale, Golaha Guurtidda ayaa shalay dhagaysatay warbixin ay ka soo samaysay dhibaatada u dhaxaysa Booyadlayda iyo Xukuumadda Guddi uu guddoomiyaha Golahaasi u saaray toddobaadkii hore kuwaas oo kulamo kala duwan la soo yeeshay qaybaha ay arrintani khusayso oo dhan.