Warbixin: Cunista Cuntada Waddaniga Ah Oo Hargeysa Ku Soo Badanaysa Iyo Faa’idadeeda

0
129

Hargeysa: Cunista cuntada waddaniga ah ayaa muddooyinkan danbe ku soo badanaysa magaalada Hargeysa. Marka aad tagto meelaha lagu sameeyo cunto waddanida ee ku yaalla suuqyada magaalada waxay indhahaagu qabanayaan dad koox-koox u hadhuudhfadhiya oo cunaya, kuwo baabuur ku iibsanaya iyo qaar daaqanaya oo guryahooda la tegeya. Waxaana beryahan magaalada ku soo kordhaya hudheelada waa weyn ee sameeya cuntada waddaniga ah.

Halkani waa hudheelka cunto waddanida sameeya ee loo yaqaanno Gaafuun oo ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeysa. Markii aan hore u galay meheradda waxay indhahaygu qabteen dad kala duwan oo cunaya cunto waddani, kuwo dalbanaya iyo kuwo socodka ku iibsanaya. Aniga laftayda ayaa dalabka ka qayb galay: “Aniga waxa aad ii siisaa garaw.” Garawga maxaan kuugu daraa: “Waxa aad iigu dartaa saliid macasaro iyo caano-geel.”
Hudheelkan cunto waddanida sameeyaa ee Gaafuun oo aan booqosho ku tegay, ayaa waxa aan halkaa kula kulmay mulkiilaha hudheelka Ibraahim Gaafuun Yuusuf, waxa aan waydiiyey sababtii ay ku kalliftay inuu hudheelkan sameeyo maadaama oo uu hore u lahaa hudheel cubtooyinka caadiga ah kariya, wuxuuna ku jawaabay oo uu yidhi: “Marka ugu horraysa waxa aan iibin jiray cuntooyinka ay ka midka yihiin Bariiska, Baastada iyo Hilibka oo hudheel noocaas ah ayaan haystay. Markii aan arkay in aanay cuntadaasi dheef badan dadka u lahayn, ayaan is-idhi kol haddii aad wax karinayso wax ummada wax u taraaya oo u wareeg. Waxaana aan kariyaa cuntada waddaniga ah sida garawga, gellayda oo iyada oo galka leh (baalka) la kariyo, gellayda oo iyadoo fara-cad la yidhaahdo oo baalka la qaaday la kariyo, Gellayda oo ridqan oo iyadoo shuuro la yidhaahdo la kariyo, Digirta iyo cuntooyin kale oo waddani ah.”

Maxaad ula jeeddaa wax bulshada wax u taraaya: “Laba wax labada-ba waan uga jeedaa, mid waa xagga caafimaadka oo meheradda gudaheeda waxa aan ku qoray ‘cuntada baalka lehi waa caafimaadka caloosha.’ Waxa aan arkay ummadii oo leh kana cabanaysa xanuunno ay ka mid yihiin macaan, dhiig-kar, faalig iyo xanuunno kale. Waxaana sababaya sida ay dhakhaatiirtu na yidhaahdeen cuntooyinkaa dibadaha laga keenayo iyo saliidaha. Markaa intaas oo xanuun dadka lehi way ii yimaadaan oo way iga iibsadaan.” Ayuu ku jawaabay Ibraahim Gaafuun.

Ibraahim Gaafuun Yuusuf waxa kaloo uu ii sheegay inay nafarka amma inta qof cuno ee cunto waddani ah inay ku iibiyaan 3000 oo shilin Somaliland ah una dhiganta nus doollar.

Samaynta cunto waddanidu waxay u baahantahay qof yaqaanna oo xirfad u leh samaynteeda: “Waxa jira dad gaar ah oo karin yaqaanna oo aanu u tababarnnay. Dadkaasaa sameeya oo xitaa milix kuma darno. Inta aanu qofka milixda u ag-dhigno ayaanu ku nidhaahdaa ku darso. Maadaama oo meheradda ay wax ka iibsadaan oo ay joogaan dad xanuunnada aan sheegay qaba oo ay badan yihiin. Markaa saa qofka aan xanuunka qabine na yidhaandaa ‘waar maxaad milixdii ugu dari waydeen.’ Waxaana aanu ku nidhaahnaa ‘waar waa tan ee ku darso.’ Runtii dadka xaafadan ku nooli waxa yihaahdaan ‘dhakhtar caafimaad ayaad noo tahay. Beryihii hore waxa aanu ku cashayn jirnay roodhi yar amma haaf baasto ah. Mida kale dee sixirku waa bilaash waa wax jaban waa 3000 oo lacagta Somaliland ah una dhiganta nus doollar. Qofka aanu u siyaadinayno ee nafar saa’id ah la siinayo waxa aanu kaga iibinnaa 4000. laakiin qofku ma dhammaynayo saddexda kun.” ayuu yidhi Ibraahim Gaafuun.

Ibraahim wuxuu qiray inay hadda soo badatay cunista cunto waddanidu isla markaana ay dadku si weyn u isticmaalayaan.“Waxa aanu dareemaynaa inay hadda soo badanayaan dadka cunaya cuntada waddanigu. Maalmihii hore dadka xaafaddu waxa no odhan jireen ‘waar bariis amma baasto ma haysaa.’ Annaguna waxa aanu ku odhan jirnay waxa aanu haynnaa cuntadii waddaniga ahayd oo jaban oo dawo ah oo calooshaada wax u taraysa. Waxa kale oo aanu samaynnaa canjeelo (laxoox) oo aanu ka samaynno cunto waddani badan sida misir, garaw, qamandi iyo waxyaabo kale oo runtii aad loo isticmaalo, oo aanu ragga ku nidhaahno ‘waar sida aad bashan ugu soo qamaamaysaan malaa xaafadaha ayaad iskukaayo diri doontaan. Marka aad dumarka ka soo wada kallahdaan.’ Markaasay ku odhanayaan ‘waar daqiiq ayay noo walaaqayaan.’ Subaxa ayaa laxooxdaa kagu quraacdaa oo way culustahay. Qofku marka uu bartana wuu u xaraaradoodaa.

Muddoohiyinkii hore waxa badanaa cuntooyinka noocan oo kale ah cuni jiray dadka waa weyn, hasayeeshee waxa hadda bartay oo cuna dhalinyarada oo ardaydu ugu badan tahay sida uu tilmaamayo Ibraahim Gaafuun oo yidhi: “Waxaaba immika u badan ardayda, oo dadka yaryar iyo kuwa waa weyni-ba si wacan yay nooga iibsadaan. Dadkuna si fiican ayay immika u barteen oo ay ula qabsadeen. Dadka qaar ayaa ku odhanaya haddii aanaan cunin habeenkii seexan kari waynno. Dadka xanuunnada lehi-na si aad ah ayay nooga iibsadaan. Cuntooyinka aadka u badan ee aanu samaynno waxa ka mid ah sida aan sheegay laxooxda oo subixii lagu quraacdo, garawga, gelleyda, shuurada, intaaba aad ayaa loo isticmaalaa oo xitaa xaafadaha ayaa qaata. Immika dhuxushu waa tan qaaliga ah oo dumarku kayuu ayay kuu soo gelayaan oo waxay ku odhanayaan ‘waar naga iibi ogaygii ayanu u iibinaynaaye.”

Ibraahim Gaafuun wuxuu tilmaamay in dadka macmiilka u ah ee ee ka iibsada cuntada waddaniga ah ay ka manno-sheegtaan qiimaha ay ku iibiyaan cuntooyinkan waddaniga isagoo sheegay in cuntada waddaniga ah ee ay sameeyaan inay isugu jirta mid dalka ka soo baxda iyo mid laga keeno dalka deegaannada jaarka la ah Somaliland sida Itoobiya, isla markaana wuxuu xusay inay xil iska saaraan ilaalinta nadaafada cuntada iyo samaynteedaba.

Intii aan ku sugnaa meheradda Gaafuun waxa dhegahayga soo jiitay sanqadha milqacadaha amma qaadooyinka iyo jabcadaha cunto waddaniga lagu cuno. Waxa aan halkaa kula kulmay Dr. Siciid Sheekh Maxamed oo ka mid ah dadka sida joogtada wax uga cuna Gaafuun oo xilligaa cunayay Shuuro amma Gelley la ridqay: “Cuntada waddaniga ahi waa noloshii, laakiin dadkeennu nafaqada ku jirta sida ay ugu jirto uma cunaan ee way ka saaraan. Cuntada waddaniga ahi waxay ku wacan tahay haddii ay hadhuudh, gellay amma sarreen tahay in la cuno iyaga oo buushahoodii wata. Markaas ayuu buushahaasi dadka cafimaad-gelinayaa oo qofka jidhkiisa xoogaynayaa oo waxa uu muruqu ka samaysan yahay-na samaynayaa, lafuhuna ay korayaan. Laakiin inta badan Soomaalidu buushaha way ka saartaa. Sidaa ay tahay haddana reer miyigu waxay yaaqannaan waqtiyada ay u baahan yihiin inay garawga buushaha leh cunaan oo waa marka ay lafi jabto amma waa marka ay qofka TB ku dhacdo ee la doonayo in la xannaaneeyo waxay odhan jireen ‘hilib, caano iyo garaw isha laga tuuray siiya.”Ayuu yidhi Dr. Siciid heekh.

Faa’ida ugu badan ee uu tilmaamay Dr. Siciid Sheekh in laga helo cunista cuntada waddaniga, ayuu ku sheegay inay qofka koriyaan jidh ahaan iyo xoog ahaan ba. isaga xusay in cunta baalka lihi ay tahay cunto dabiici wax-tarkeeduna sugan yahay, isaga ayaa tusaale isu soo qaadanaya: “Waxa aan dareemaa oo faa’idada ugu weyni a tahay calooshayda yeemis kumaba dhacaba waa faa’idada ugu horraysa. Mar hadii aanu yeemis igu dhicinna si fiican ayaan habeenkii u seexdaa. Daalna ma dareemo oo waxa had iyo jeer ahay nin firfircoon. Ilaahay baana cudurka iyo caafimaadka-ba hayee cudur iguma dhaco, weliba cudur la xidhiidha nafaqo-darro weligay igumuu dhicin oo raashinkaas waddaniga ah ayuum-baan cuurtaa.”

Dadka qaar ayaa jecel inay cunaan gelleysa fara-cadda loo yaqaanno ee baalka laga saaray amma garawga la tumo ee loo yaqaan buushe-baxa, sida oo kale dadka qaar ayaa iyaguna daqiiqda quraac ka dhigta, Dr. Siciid Sheekh oo dadka uga digaya inay sidaa sameeyaanna ayaa yidhi: “Berigii aanu yar yarayn magaalada Hageysa waxa lagu dhaqan jiray riyo, riyahaa marka garawga la tumo ee buushaha laga saaro laxooxda ayaa laga samayn jiray, dabadeed buusha riyaha ayaa la siin jiray. Markaa dumarku waxay odhan jireen ‘way ku badiyaan caanaha markay buusha cunaan.’ Markaa macnuhu waxa weeye buushu nafaqo weyn ayuu xoolaha gelinayaa, laakiin dumarku sidaa umay garanayn.

Annagana laxoox cad oo buushaha laga saaray ayaa nala siin jiray. Markaa dadkii aniga ila koray waan wada laf-jabnay. Waxaanse dadka kula talin lahaa inay bahasha la yidhaahdo faracadda (waa gelleyda buushaha laga saaray) inay iska joojiyaan oo ay cunaan ta buushaha leh, waa ta aan cunaayee oo shuura shar la’ ayay Soomaalidu odhan jireen. Waxaana cuni jiray oo ay cunto joogto ah u ahayd dadka beeralayda ah oo innaga aad inoomay soo gaadhi jirin. Waxaana la helay wax lagu ridqo oo lagu jilciyo, waana ay macaan tahay oo way wanaagsan tahay ee caruurtiina bara. Laxooxdii caddaydna ka joojiya oo laxooxdaa buusha leh u sameeya. Waana aad ka nasanaysaane in yar oo bikin boodhe ah ku dara oo sida roodhida u sameeya. Laxooxdaasi waxay noqonaysaa laxoox aan khamiirin oo wax ka yar shan daqiiqo intay dabka saaran tahay ku bislaanaysa, dhadhan macaanna leh oo haddii ay caruurtu bartaanna aanay afka ka qaadayn.” ayuu Dr. Siciid Sheekh hadalkiisa ku soo af-meeray.

Ugu danbayntii mar aan booqday goobta lagu iibiyo cuntooyinka waddaniga ee qaydhin waxa la ii sheegay in qiimuhu hadda kor u yara kacay. Waxaana Hinda Siciid Seed oo ka mid dumarka raashinka waddaniga ah ku iibiya xero-dhahuudha Hargeysa ay ii sheegtay in garawga iyo gelleyda aad looga iibsado.