Qul-qulato Ganacsi oo ka socota Laascaanood iyo wariye Idaacada Bar-kulan ah oo la xidhay

0
64

Laascaanood(Waaheen) khilaaf Ganaci oo u dhaxeeya Ganacsato ka soo jeeda beesha laascaanood degta iyo kuwo ka soo jeeda Beesha Raxan-weyn (RRA) ayaa sababay qul-qulatooyin soo noq noqday oo ku dhex maraya Suuqa magaaladaasi.
indexIska hor imaad maanta labada Ganacsato dhex maray ayaa la sheegay in uu khal khal galiyey Suuqa ay ku wada ganacsadaan, waxaana lagu soo waramayaa in loo xidh xidhay dhacdadaasi ilaa tobaneeyo Haween ah oo ka qayb qaadanayey dhagax tuur ka dhacay Suqaasi.
Wariye C/raxmaan Cali Ducaale oo ku sugan magaaladda Laacsaanood ayaa isaga oo ku hadlaya Af-ka suxufiyiinta Gobolka Sool Waaheen u sheegay in maanta badhasaab ku-xigeenka Gobolkaasi C/rashiid Xirsi Dalmar oo goobta rabshaduhu ka dhaceen ka qabtay Wariye Faysal Jaamac Aadan oo ka shaqeeya Idaacadda Radio Bar-kulan isla markaana isagoo adeegsanaya awooda maamul uu wariyahaas xabsiga u dhaadhiciyey, iyadoo sababta kali ah ee uu ku haystaa tahay maxaad war uga duubaysay goobta shaqaaqadu ka dhacday.
Wariyayaasha Gobolkaasi oo si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id ayaa badhasaab ku-xigeenka ku eedeeyey in uu sifo sharciga ka baxsan wariyaha ku xidhay isal markaana waxay ku tilmaameen in ay ahayd qaabka uu wariyahaas ula dhaqmay mid cadawtinimo ah.
Waaheen waxa ay isku dayday in ay dhiniciisa ka weydiiso badhasaab ku-xigeenka Eedaha ay wariyayaashu usoo jeedinayaan hase yeeshee waxa uu ka jawaabi waayey Telefanka gacantiisa oo aanu garaacnay.
Qul-qulatooyinkan Ganacsi ayaa ka socda magaaladda Laascaanood maalintii sadexaad, waxaanay hore Booliisku u xidheen shan iyo soddon haween ah oo ka soo jeeda Laascaanood, halka kuwa RRA-da ay xukuumaddu u aragto in la dhibaataynayo maadaama magaaladda ay ka ganacsadaan oo aanay deeganku ku ahayn isla markaana Xukuumadda Somaliland hore ugu dhawaaqday in aan Somalida la sheegan Karin Dhulka.
Gadoodka ay Ganacsatada Reer Laascaanood ku hayaan kuwa ka soo haajiray dhibaatooyinkii Somaliya ayaa waxa keenay kadib markii uu Wasiiru-dawlaha Goboladda barri Cali Sandule hor istaagay heshiis ay hore beesha RRA ula gashay ganacsatada oo ahaa in ay magaaladda ka guuraan isagoo talaabadaas u arkay mid sharci daro ah oo aanay dadweynuhu xaq ugu lahayn ganacsatadaas.