Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo wali Bambadii siyaasadeed ee loo dhiibay Biinka ka furi kari la’

0
86

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ku soo Oogay laba Dacwadood oo midi Maxkamadda Sare ahayd halka ta kale ka ahayd mid Dastuuri ah sida gqaraeenku cadayd jawaab celintii Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu kaga jawaab celiyey Kiiska uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u furay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiiladda Somaliland Bashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, kuwaas oo ay saxaafaddu heshay dhamaantood.
Waxa laga joogaa wakhtigii uu dacwadaas furay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare muddo ku dhaw laba toddobaad isagoo furay Kiiska lagu Eedaynayey Cirro isla maalintii la soo gaadhsiiyayba, hase yeeshee waxa muuqata in aanu illaa hadda go’aan ka soo saarin Dacwadaasi oo ay dadku aad ugu dheg taagayaan waxa uu ka soo saaro.
Guddoomiye Yuusuf Ismaaciil ayaa u muuqda nin loo dhiibay Bam siyaasadeed oo aan qarxayn balse lagu tijaabiyey cadaaladda uu hayo, iyadoo uu illaa hadda ka maagayo in uu Biinka ka jaro, taas oo la odhan karo waxa uu ka baqayaa waxa kaga soo bixi doona.
Guddoomiye Cirro ayaa isla markii Kiiskaas loo gudbiyey Maxkamadda iyo ka hor ba ku tilmaamay shirqool kaga socday dhinaca madaxtooyadda isagoo farta ku goday in ay aka danbeeyaan kooxo kuraas ka waayey guddiyada uu isku shaan-dhaynta ku sameeyey ee Golihiisa.
Sidoo kale, Ururka Qareenada Somaliland SOLLA ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saareen xiisadii ka dhalatay khilaafkii Golaha Wakiiladda ku tilmaamay iyaga oo dhinaca sharciyadda ka eegayey mid siyaasadaysnaa oo aan u Oolin Garsoorka, hase yeeshee uu ahaa mid xalkiisu ku koobnaa Golaha dhexdiisa.
Hadalada ay sida is-daba jooga ah u yidhaahdeen Cirro iyo Ururka Qareenada kadib maalmo kooban waxa si lama filaan ah Golaha uga dhex muuqday Shirguddoonkii la moodayey in ay birta iska aslayaan oo iyagoo gacmaha is haystay wada guddoominaya fadhigii Golaha, iyaga oo aan sugin jawaabta Maxkamadda Dastuuriga ah, waxaanay taasi mar kaliya muujisay in khilaafku Maxkamad horteed ba dhamaaday isla markaana uu ahaa mid aan gaadhsiisnayn heer Maxkamadeed.
Illaa hada lama oga sababta uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ugu dhawaaqi la ‘yahay kiiskaas, mana muuqato cadaymo la helay oo  muujinaya in ay labadii Guddoomiye ku-xigeen ee u gudbiyey Maxkamaddu ka noqdeen, sidaas darteed wali waxay bulshadu ka sugaysaa Maxkamadda Sare jawaab iyo go’aan ay ku cadayso Bambada loo dhiibay nooca ay ahayd ilayn “Dameero Adari ninkii Ooda ka qaadaa isagaa Foofiya’e”