Wasiirka Madaxtooyadda oo kormeer ku maraya Burco iyo Oodweyne

0
92

Burco(Waaheen) Wasiirka wasaaradda madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan iyo wefti uu hogaaminayo ayaa xalay gaadhay magaaladda Burco, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay xirsimadaxda Heer Gobol iyo Degmo ee Goblkaasi, halka uu kulamo hoose kala yeeshay qaar ka mid ah Hor-joogayaasha beelaha Gobolkaasi.

War faahfaahsan lagama hayo ujeeddada rasmiga ah ee Wasiir Xirsi, hase yeeshee wararka hordhaca ah ee uu ka soo diray wariyaha waaheen ee gobolkaasi waxa uu sheegay in uu kulamo hoose la yeeshayq aybaha kala duwan ee Burco.

Wariyuhu waxa kale oo uu soo sheegay wasiir Xirsi iyo weftiga la socdaa in ay maantaba u ambabaxeen dhinaca Oodweyne halkaas oo ay kulamo kale ku leeyihiin dadka deegaanka, hase yeeshee lama oga in uu u dhixi doono iyo inkale.

Warar kale ayaa sheegaya safarka Xirsi in uu ku lug leeyahay laba Arrimdood oo kala ah xalinta khasaarihii ka dhashay mudaharaadkii lagaga soo horjeeday Taliyihii Booliiska ee la bedlay, kaasoo keenay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiray, iyo arrinta kale oo ah Kormeer dhinaca wadooyinka ah.

Arrinta Wadooyinka ayaa la sheegayaa in safarka Wasiir Xirsi u badan yahay, waxaana la hadal hayaa in Lix kun oo Nee foo ay reer Oodweyne ugu talo galeen Horumarinta Jidadka ay ku soo wareejinayaan Wasiirka isla markaana ay ka codsan doonaan dhismaha Oodweyne iyo Burco isku xidha sidii ay Xukuumaddu u fulin lahayd wixii ka dhiman.

Wasiir Xirsi ayaa toddobaadkii ugu danbeeyey bilaabay dhaqdhaqaaq dhinaca wadooyinka ah isla markaana waxa uu kormeero kala duwan ku sameeyey Gobolka Gabilay magaaladiisa Wajaale, Berbera iyo Hargeysa jidka u dhaxeeya iyo kan u danbeeya oo ah Burco iyo Oodweyne.

Dhaqdhaqaaqyada Xirsi ayaa ku soo beegmaya xilli ay suuqa aad ugu jirto hadal hayn badan oo la isla dhex marayo oo sheegayey in khilaaf ba’an oo ka dhex taagan nidaamka maamul ee xukuumadda sare saamaysay firfircoonidiisii hore, hase yeeshee sida ay waaheen wararka ku helayso todobaadkii ugu danbeeyey waxa uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo xoogan oo lidi ku ah kooxaha weerarka ku qaaday bilihii u danbeeyey, waxaanay u muuqataa xiligan in uu rajo buuran ku qabo in uu soo ceshado awoodihiisii kadib markii ay fashilmeen kooxihii ku kacsanaa ee Madaxtooyadda u weydaartay, kuwaas oo laba qof kala saari kari waayey.