Wasaaradda Duulista oo xabsiga dhigtay Tagsiilayaashii Madaarka

0
72

Hargeysa(Waaheen) Wasaaradda Duulista hawada Somaliland ayaa xabsiga dhigtay afar dirawal oo ka mid ah tagsiilayaashii madaarka Hargeysa ka xamaalan jiray ee uu Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi ka mamnuucay in ay soo galaan soonaha Madaarka.

madaarkaAfartan dirawal ma cada danbi ay sameeyeen oo loo xidhay, wasaaradda Duulistuna kamay hadal hase yeeshee waxay u muuqataa sida ay waaheen wararka ku heshay in ay ka dhalatay shaki ay wasaaraddu ka qabto in ay ku mudaharaadaan, iyadoo la sheegayo Eeda loo hayo in ay sidaas u dhigan tahay.

Wasiirka wasaaradda duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dhawr cisho ka hor soo saaray Amar cad oo uu Tagsiilayaashii hore eek a shaqaysan jiray madaarka kaga mamnuucayo in ay ka shaqaystaan Madaarka, kaasoo ka danbeeyey kadib markii ay ku gacan saydheen Shirkad kale oo uu yidhi kaayaysta shaqada.

Tagsiilayaasha ayaa la filayey inay sidii Booyadaha Muadaharaadaan hase yeeshee xogo hoose ayaa sheegaya in la kala fur furay isla markaana qaarkooda heshiisyo lala galay, halka kuwan xabsiga ku jiraan Booliiska loo dalbaday. Wasaaradda Duulista ayaa hore u sheegtay in ay doonayso in ay madaarka Tagaasida ka shaqaysa habeeyaan si uu u noqdo mid Caalami ah.

Dhinaac kalena shirkadda Raaxo Taxi ayaa maamulaheeda guud sheegay in aanay jirin kooto loogu xidhay adeegii Tagsiilayaashu madaarka ka qaban jireen, laakiin laga hor istaagay in iyaga in ay ka shaqaystaan. Si kasta ha ahaatee wararka la xidhiidha xadhiga Tagsiilayaasha ayaa sheegaya in shalay lagu xidhay madaarka isla maalin kadibna loo soo dhaadhiciyey Salsgiga Dhexe ee hargeysa iyada oo aan illaa hadda maxkamad la hor geyn.