Af-miishaarkii Sanaag aragnay halkuu ka fad-kuduyee, wasiiradda Sanaag Barri maxaa laga filan karaa

0
40

C/raxmaan Uur-bayte oo ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa dhawr beelood ka hor Madaxtooyadda ku dawakhiyey in uu Somaliland cudud ciidan beeleed iyo mid siyaasadeedba ku soo kordhinayo isagoo isku soo habaystay Maleeshiyo iyo Odayaal Reerkooda ah, cali buureedqorshahaas oo ahaa mid uu ku doonayey dano dhaqaale balse aan ahayn mid Somalind dan u ah, waxaanu ka fad-kudiyey halkuu danta u lahaa. Maaha makii koowaad ee Siyaasi Barri ka yimid uu Somaliland wiiqo hase yeeshee waxa ka liita xukuumadaha soo maray Somalilland ee godkii shalay kii ka horeeyey laga qaniinay hadana dib u raacaysa iyadoo kolba aaminaysa nin Indha-sarcaad u dhigaya isla markaana Jab la maagan sidii uu boqnaha u goyn lahaa. Ciriqa uu Ina Uur-bayte soo raacay waxay ahayd in uu Somaliland oo u jilicsan weerarada siyaasadeed iyo kuwa Ciidan ee kaga iman kara Puntland ka difaaci doono, isagoo cudud Ciidan beeleed soo tumay Fiqi-fuliye madax badan oo Somaliland ah oo waliba inta ay taladu ka go’do ee Mus-danbeedada ka mid ahi hogaaminaysay intay ka hor tagtay usoo galbisay Qasriga si Madaxweyne Axmed Siilaanyo looga Iibiyo ciyaartoygaas, laakiin digniino loo jeediyey maanta horteed may dhaadin. Uur-bayte galbay foorihii siyaasadeed ee Puntland na siyaabo kala duwan inoo saamee iyadoo waliba cabsi xoogani ka soo fool leedahay Doorashada Madaxtinimada Puntland oo uu isaga laftiisu u cumaamatay, hase yeeshee su’aasha taalaa waxay tahay Wasiiraddii Siilaanyo ku soo darsaday xukuumadiisani ma yihiin kuwo u babac dhigi kara duufaanada siyaasadeed eek a soo fool leh doorashada Puntland haddii dagaal ka qarxo. Madaxweyne Siilaanyo waxa si hoose loogu keenay wasiiradda ka soo jeeda Sanaag Barri ee xilka ka haya Wasaaraddaha Kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax (Buureed) iyo wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Macdanta C/salaam Maxamed Xasan, labada wasiir midkood marka Sooyaalka Taariikheed dib loo raaco waa Buureede waxa uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha ka soo noqday Puntland isagoo muddo badan ahaa Cadawga Somaliland sida ka muuqata taariikhda uu ku sun tan yahay ee dagaaladdii Somaliland iyo Puntland ku dhex maray Dhahar iyo Badhan, waxaanu ahaa hal-doorkii ku adkaa Sanaag Barri in Somaliland laga xorreyo. Sida aan ka milicsaday Waraysi VOA-du ka qaaday maayarka Ceerigaabo Ismaaciil X Nuur iyo Wasiir Cali Buureed dagaalkii Badhan kadib waxa uu Cali Buureed si macangagnimo ah ugu adkaa Somaliland in ay tahay Beel Badhan iyo Dhaharna yihiin dhul ay beeshiisu leedahay oo aanay Beel kale ka talin Karin, isagoo wakhtigaas dagaal dhimasho iyo dhaawac ku keenay la galay Ciidankii Somaliland oo ay saraakiil muhiim ahi kaga naf waayeen, halka dagaalkaasi khilaaf maamul xiligaas galiyey Somaliland gaar ahaan Wasiirkii gaashaandhiga Marxuum Aadan Waqaf iyo Madaxweyne Rayaale, dhacdadaasoo sababtay in wasiir Waqaf Xilka lagaga qaaday. Cali Buureed Waxa uu usoo diga rogtay Somaliland waxaanu ka noqday Wasiir Xil Qaran haya sida uu doono ha ku yimaadee, waxaanu kursigaasi ka bara bixiyey Wasiir Taariikh ku lahaa Somaliya isla markaana muddo Somaliland kaalin muhiim ah ugu jiray, kaasoo danbi uu galabsaday oo xilka lagaga qaado aan la sheegin, illaa hada lama hayo Buureed waxtar muuqda oo uu ku soo kordhiyo Gobolkii uu ka soo jeeday ee uu ku dagaalamayey markii uu Puntland ahaa ee uu lahaa Reerkayga ayaa leh ee Somaliland ha ka baxdo halka maanta isagoo Somaliland ah inta la ogyahay uu Gobolkaas booqday Hal mar waliba uu ku tagay sidii madaxda gobolkaasi ka soo jeedaa ku tagi jireen iyagoo shicib ah. Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Macdanta ayaa isna sidoo kale maalmihii xilka wasiir nimo loo dhiibay farad fardayn ku tagay gobolkaasi isagoo ka hor dhacay wakhtigii ay ku haboonayd, balse fadala cadaantiisii dib looma arag, waxaanay kaga eekaatay is muujintii xilka loo dhiibay oo kali ah, iyadoo maalmihii Ololihiisa Amaantiisu suuqa jiidhay iyadoo kooxda Qasriga Madaxtooyadda ka talisa ee u gogol xaadhaysay ka dhigaysay kii kali ahaa ee Puntland ka xorraynayey Gobolka Sanaag barri. Cali Buureed iyo C/salaam Maxamed Xasan waxay labadoodaba looga fadhiyaa in ay ka soo baxaan Xilka loo dhiibay ee ah in ay Dadkoodii iyo deegaankoodiiba ku soo daraan Somaliland ama in aanay sida Ina Uur-bayte masaariifsanin Somaliland’e ay baneeyaan kuraasta ilayn la arag in aanay wixii ay shalay diidanaayeen maanta u danaynayne ama aanay lahayn awood ay ku soo xero galiyaane.

Maxamuud C/raxmaan Jaamac