Shirweynahan Kulmiye Malaha Wuxuu Ku Haboonnaa In Geedkii Gar-Adag lala Hoostago

0
132

siyad_digaalle

Shirkan xisbiga Kulmiye ee saldhigi waayey waxaa qabbaa inuu ku fiicnaa in Geedkii caanka ahaa ee Gar-adag lala hoos tago.

Waxaan xusuustaa in shirweynihii xisbigaasi ee lagu qabtey magaaladda Burco ay xisbiga dhextaalay arimo aad u ad adagi. Meel kale oo lagu goyn karayeyna may jirin oo aan ka ahayn in oday Siilaanyo xaafadiisii la agtago. Waana tii la wada ogaa sidii loogu kala jabay ee rag badan oo miisaan lahaa banaanka loogu tuuray. Kii kaas ku xigay ee ay doorashadii M/weynaha ku galeen ee bishii September 29/2009, lagu qabtey Huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa waa tii la waayey cid odayga isla soo sharaxda, oo xitaa shirgudoonkii iyadoon shirba la qaban banaanka lagu sii doortey. Kii xusuusta weyn lahaa ee siyaasigii C/raxmaan C/qaadir banaanka looga soo tuuray baa jiray. Haddaba, maanta markaad eegto ifafaalaha yaalla waxaa muuqata in Kulmiye ay u qorshaysantahay in rag badan daaqadda laga tuuro la rabo. Marka la eego dhacdooyinkaa horena kolba cida loo gol leeyahay ayaa lala fogaan jiray oo meel xaafadooda ka fog iyo reero muskood lala tegi jiray. Markaa waxaad mooddaa in maanta ay taasi malaha ka warwareegayaane, anigu waxaan usoo jeedin lahaa in bahalkan shir ahi waakannoo Hargeysa ku qabsoomi waayye lagu dayo xagaa iyo Geedkii magaca lahaa ee Gar-adag.

Siyaad C/laahi Digaalle

Hargeysa, Somaliland

Phone: 063-4355555

Email: siyaaddigaale@hotmail.com