Faa’iidooyinka Dhirta Shumburo!

0
797

dhirtaShumburo   II- Sharax Guud Shumburadu waxay ka mid tahay dalagyada dhulkeena laga beero, loona yaqaano Geed-gaabka muddo gaabana ku baxa, inkasta oo dadkeenu isticmaalaan (Cunaan) keliya midhaha Shumburada marka beerta laga soo jaro ee ay qalasho. Waxa jira qaybo kale oo fara badan oo Geedka Shumburada ka mid ah oo la cunno nafaqooyin heer sare ahna leh, dadkeenuna aanay aqoon sida caleemaheeda yaryar ee dhuudhuuban oo qaydhiinka iyo bisaylkaba (inta la kariyo) lagu cuno, midhaheedu inta ay Geedka ku yaallaan ee ay Doogga (Cagaarka) yihiin ee ay caanaha leeyihiina toos baa loo cunaa. Nafaqadeedu waa heer sare, jidhkana waxay siisaa tamar iyo awood firfircooni iyo dardar cusub gelisa muruqyada dhammaantood. Waa Dhiig Sifeeye, Balqan iyo Xaako bi’iye, Dheef-shiid Caawiye, Xummad jebiye, Xannuun ilawsiiye iyo wax ka qabashada Qufaca iyo duriga.   III- Waxay ka kooban tahay: 1- Shumburada waxa laga helaa Protein. 2- Caleenteeda waxa ku jira Vitamin A 3- Laamaha yaryar ee cusub waxa ku jira Vitamin C, B, E   IV- Fiiro Gaar ah 1.       Caleenta iyo laamaha curdinka (Biqilka) ahba waa la cunaa si looga helo Vitamin A, B, C iyo E. 2.       Midhaha Shumburada galkooda ha lagu kariyo oo hala wada cunno si jidhku uga helo Protein waafi ah. 3.       Xad-dhaaf yaan loo cunin, waxa dhici karta in ay keento dheef-shiid xumo iyo shuban. 4.       Marka la cuno dabadeed lama ogola cabbitaan badan in laga dambaysiiyo, sababtoo ah Shumburadaa Caloosha dhexdeeda ku faaxda oo waxa laga yaabaa in ay Calool istaag iyo dheef-shiid xumo horseedo.   V- Waxtarkeeda Caafimaad ahaan  A) Tamar-siinta Guud 1. Beegal/abuur ama biqlin (macnaheedu yahay in iniinyaha caleentu ka soo booddo), taas oo looga dan leeyahay in marka iniintu beegalka tahay fiitammiinnada C, B iyo E aad ugu badan yihiin si buuxdana looga heli karo. Habka Radinta iyo Isticmaalka Shumburada: Midhaha Shumburada ku radi biyo Xagaaga Hal (1) maalin, Jiilaalkana Laba (2) maalmood, dabadeedna ka shaandhee midhaha kaga shub maro qoyan oo meel ka soo laalaadi (Deldel) Laba (2) maalmood, la soo bax midhihii oo biqlay (Caleemo soo saaray ama soo saari raba), kuna kor daadi in yar oo Sinjibiil tuman ah, in yar oo milix ah, in yar oo Filfisha madow oo tuman ah iyo Liin-dhanaan aad korka kaga wada tuujiso, halkaa waxaad ku haysataa Quraac aan la heli karine sideeda ku cun (Gaar ahaan dadka Ubad raadiska ah ee u baahan Vitamin E). 2.Ku Quraacashada 200ml oo Caano ah oo habeenimadii lagu radiyey 20gm oo midhaha Shumburada ah (Caanaha iyo Shumburada waa la isku cunayaa) waa lagu xoogaystaa. 3.Shumburadu marka ay Geedka ku taalo ee ay doogga (Cagaarka) tahay waxay dhistaa Lafaha iyo Muruqyada Jidhka. 4. Joogtaynta Isticmaalka Shumburadu wuxuu si weyn u xoojiyaa dhammaan Muruqyada Ragga, waxaanu siiyaa Himilada Wanka, Tumaatida Dibiga iyo raajinta Awrka (Xagga kulanka Ragga iyo Dumarka). B) Dhiig yaraanta Ku Quraacashada Shumburada la beegaliyey  way daaweeysaa dhiig yaraanta. C) Xanuunka iyo Bararka kala goysyada Midhaha Shumburada oo biyo lagu kariyo oo Malab lagu cunaa Quraacda aad bay u debcisaa (Jilcisaa) Xubnaha. D) Wadna Xanuunka Shumburada la Saloolay waxay aad ugu wacan tahay Bukaanka Wadna xannuunka qaba. E) Dheef-shiid Xumada & Calool Xanuunka 1. Cunista Shumburada la Beegaliyey Subaxa hore waxay furtaa rabitaanka Raashin cunista (Appetite). 2. Suugo yar oo ka samaysan midhaha Shumburada oo ridqan, in yar oo Xawaash Hilib marka hore la saloolay ah oo tuman iyo in yar oo Biking Boodhar (Khamiirad) ah, si fiican buu u dhammaystiraa Dheef-shiid xumada iyo Calool xanuunka maroojiska leh. F )Calool Istaaga Cunista midhaha Shumburada oo habeenkii biyo lagu radiyey (Lagu bariiyey) oo xawaash Hilib ridqan iyo Sinjibiil tuman korka lagaga daadiyey subaxnimada, isla markaana la cabbo biyihii xalay lagu radiyey  midhaha shumburada Calool istaaga way ka takhalusaan.   G) Qabowga (Duri, Hargab iwm) 1. Cunista Shumburo saloolan oo caano laga daba dhamo habeenkii hurdada ka hor waxay soo saartaa balqanka, dhuunta hawadu martona way nadiifisaa. 2. Ursashada Shumburo Saloolan oo maro lagu guntay waxay joojisaa hindhisada. 3. Cunista Loxoox (Kimis) laga sameeyey midhaha Shumburada, xildiid yar, filfisha madow in yar iyo Misir yar, waxay daawo u tahay Duriga culus.   H). Dhagaxda (Kelyaha, Xammaytida iyo Kaadi haysta) 1.       Ku Quraacashada Midhaha Shumburada oo Malab habeenkii lagu radiyaa, waxay soo daadisaa dhagaxda Kelyaha, Xamaytida (Xanshareerida) iyo Kaadi-haysta. 2.       Midhaha Shumburada iyo Qamadi habeenimada iyagoo isku jira ku radi biyo, subaxnimadana dabka isku wada saar oo kari, dabadeed midhaha iyo maraqa (Fuud) wada isticmaal waxtar weyn bay u leeyihiin soo daadinta dhagaxda. 3.       Cunista Loxoox (Kimis) laga sameeyey Shumburo iyo Qamadi si joogto ahi, waxay burburiyaan Dhagaxda, waanay soo daadiyaan.   I) Xiiqda 1.       Ku Cashee 40—50gm oo Shumburo la Saloolay ah, dabadeedna Caano kulul dhan (Cab), waxay laabta ka soo dareeriyaan Xabka ku duugan. 2.       Cunista Basal lagu dhex guray midhaha Shumburada iyo cabbitaanka caano kululi waxay tirtiraan balqanka faraha badan ee Neefmareenka.   J) Xabeebta Midhaha Shumburada oo lagu radiyo habeenimada biyo, subaxnimadana la ridqo, dabadeedna lagu kariyo 250ml oo Caano ah iyo laba (2) Qaaddo oo malab ah, si fiicana dab fudud loogu kariyaa, waxay sifeeyaan dhuunta, Xabeebtana way daweysaa.   K) Xanaanaynta Maqaarka 1.       Budada Shumburada oo Wajiga loo mariyo sida qasilka ama Huruuda, dabadeedna biyo diiran lagaga maydhaa waxay dawaysaa Haaraha iyo waliba duuduubka wajiga 2.       Budada Shumburada iyo Saliid-seed yar oo lagu cajiimay oo wajiga 30-40 daqiiqadood la mariyo oo dhawr jeer si debecsan (Fudud) gacanta wajiga iyo dhabanada loogu duugaa waxay sameeyaan Qurux badan iyo Nadiifin dhammaystiran. 3.       Budada Shumburada, Caano ama golmudka (biyaha Caanaha dhanaan) oo la isku daro, wajigana la mariyo ilaa 30 Daqiiqadood, waxay soo saaraan hilaac iyo qurux kala yaac ah. 4.       Cunista shumburada iyo sabiibkuna waa la mid.   L) Timaha Timaha oo la mariyo budada Shumburada oo biyo lagu badhxay, laguna daayo 10-15 Daqiiqadood, dabadeedna lagaga maydho biyo diirani timaha waxay ka ilaaliyaan Qalaylka iyo Jajabka, way jilciyaan, dhalaaliyaan, toxobtana way ka saaraan.   M) Cuncunka Maqaarka 1.       Cunista Loxooxda Shumburada oo bilaa Subag iyo Milix ah, laba (2) Bilood oo joogto ahi, waxay keenaan dhiigga oo sifaysma, taasina waxay horseedaa dabargoynta Cuncunka Maqaarka. 2.       Cunista Shumburada la Beegalay iyo Cabbitaanka biyihii lagu radiyey waxay dhiigga ka saaraan dhammaanba wixii Wasakh (Qashin ah). 3.       Dheecaanka Geedka Shumburada oo inta la tumay laga maroojiyey, laguna daray Saliid seed yar oo jidhka dhammaantii la mariyo inta aan la maydhan 30 daqiiqadood ka hor wuxuu tirtiraa curiyeyaasha cuncunka ee jidhka. 4.       Cabitaanka Maraq laga sameeyey geedka Shumburadu Maqaarka wuu nadiifiyaa, tamar badana waa laga helaa.   N) Matagga/ Hunqaacada 1.       Cabbitaanka Biyaha lagu radiyey Shumburadu way joojiyaan hunqaacada. 2.       Cunista Shumburo iyo Heed la isku saloolay oo la isku ridqay, waxay ilaaliyaan lalabada Wallaca.   O) Shubanka Buushiga midhaha Shumburada oo maro lagu gunto oo 30 Daqiiqadood biyo lagu radiyo, dabadeedna biyaha laga maroojiyey la cabbaa shubanka way joojiyaan.   P) Babaasiirta Cunista Shumburo la saloolay oo diirani waxtar bay u leedahay Daaweynta Babaasiirta.   Q) Dhiciska (Daadashada Ubadka) 1.       Marka Ilmuhu calool galo ilaa inta uu dhallanayo si joogto ah u isticmaalka 200gm oo midhaha Shumburada ah oo lagu kariyo 400ml oo biyo ah, dabkana lagu kor daayo ilaa inta Biyaha kala badh soo hadhayaan, dabadeedna la isku cunaa waxay ka hortag u yihiin dhiciska. 2.       Muddada Haweeneydu ay uurka leedahay waxa dhicis ka hortag fiican ah, in ay si joogto ah u cunto 10gm oo shumburo ridqan ah iyo Sonkor lagana dambaysiiyo cabitaan koob caano kulul ah. 3.       Sifaynta Ilmo galeenka, dhalmada ama dhiciska dabadeed, waxa ku haboon cunista loxoox ka samaysan midhaha shumburada iyo isku dhaf ka kooban midhayaasha kale ee kala duwan oo Qadada iyo cashada la cuno.   R) Macaanka 1.       Shumburada oo lagu radiyo caano habeenimada oo subaxa la isku cunaa macaanka way daweysaa. 2.       Shumburada iyo Heedda oo ridqan oo la isku kariyey oo la cuno Qadada iyo Cashadu way daweeyaan macaanka.   S) Caano kordhinta Naaska Hooyada Midhaha Shumburada oo huwan Qoloftiisa iyo malab la isku cunaa (dabcan waa Shumburada oo Qolofteeda lagu kariyay) Caanaha Naaska Hooyada way badisaa.   T) Gooryaanka Midhaha Shumburada ayaa habeenimada lagu radinayaa Khal, waxa lagu Quraacanayaa iyadoo lagu kor daray in yar oo Milix ah iyo Basal yar oo lagu kor jarjaray, hubaal Gooryaanka bannaankay u soo daadinaysaa. Digniin:- Maalintaa Sharaab intii la doonaba waa la cabbi karaa, waxa ka Reeban oo aan la ogolayn waxa kale oo la cuno Quraacdaa iyo Qadada toona.   U) Mannida 1.       In is leeg oo Shumburo Saloolan ah iyo Loos ama (Almond) oo la isku cuno, dabadeedna Caano la dhammaa, Mannida (Shahwada) Ragga way badiyaan, Qaro adagna way u yeelaan. 2.       Midhaha Shumburada la radiyey oo la cuno habeenka iyo Subaxda way xoojiyaan baahida galmada.   V) Indhaha 1.       Cunista Shumburada markaa uun la saloolay (Cusub) way dejisaa Indhaha Daalkooda, Bararkana way ka bi’isaa. 2.       Cabbista Maraqa Shumburada oo lagu daro Subag Burcad ah, araga Indhaha aad bay ugu wacan yihiin. 3.       Midhaha Shumburada marka la Saloolo, haddii maro lagu gunto oo iyagoo diirran indhaha buka lagu kubeeyo, laguna tiixiyo dhibic Maa’ul Wardi ah (Rose Water), casaankoodu hoos buu u dhacaa, xanuunka iyo ololkana waa laga raystaa.   W) Hammad yaraanta   Midhaha shumburada biyo ku radi subaxa ilaa fiidka, ka miir biyaha oo cab , kana dambaysii cabbitaanka koob caano ah oo aad ku dartay 2.5 mg oo sinjibiil ridqan ah laguna macaaneeyey malab, saacad dabadeedna shaqo tag.   X) Burooyinka   Shumburo kari, fuudka cab. Midhahana ridiq oo ku dhoob meelaha burooyinku ku yaallaan, kuna xidh fiidka ilaa waabariga