Dood-furan: Fan-ceebays! Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

0
27

Heersare dec 22 2013Maalin kasta waxa aad arkaysaa wax ku-yaab-gelinaya. Fajac iyo amakaagna kugu reebaya, isla markaana kugu beeraya su’aalo maankaaga dhex muquuranaya. Waxay ahayd horrantii bishan December ee sannadkan 2013ka mar aan la kulmay dhacdo iga yaabisay. Si kedis ah waxa aan u furay muuqaal ku jiray barta internet-ka ee loo yaqaanno Youtube.com. Waa fannaan ka mid ah fannaaniinta da’da yar ee xilliyadan danbe heesihiisa sida weyn loo xiiseeyo. Wuxuu hees muuqaal ah ummaddiisa ugu soo bandhigay isagoo si anshaxa ka baxdan ula fara-ka-ciyaaraya, u taataabanaya, ugu dheg-dhegaya gabadh ajaanib ah. Taagga wuxuu is-leeyahay muuji ilbaxnimo iyo wax cusub, balse ma oga dhaawaca uu fankiisa iyo naftiisa u gaysanayo.

Fannaankani wuxuu tusaale u yahay qaar ka mid ah dhaliyarada fanka ku jirta oo waxay sameeyaan caqliga saliimka ahi ka xishoonayo oo aad naxayso marka aad aragto. Qaar ka mid ahi waxay xalaasheen in ummadda horteeda ku sameeyaan xumaan ay diinteennu innaga xarrimtay. Waxay samaynayaan wax ceeb iyo meel-ka-dhac ku ah milgaha fanka ummada Soomaaliyeed. Bal ka warrama marka ay inan fannaanad ahi soo qaadayso hees ee ay madaxeeda, laabteedaa iyo meelo kale oo ka mid ah cawradeedu bannaan yihiin oo islaam-islaam dhalayna ay tahay, ilaahay ayaan idinku dhaariyee maxaad ku qiimayn lahaydeen? Maxay iyada iyo ta gaaladda ahi ku kala duwan yihiin? Yaa ku yidhi hablaha heesaya haddii aad is qaawisaan oo aad cawradiinna muujisaan si weyn ayaa la idiin daawanayaa oo raalli ayaa la idinka noqonayaa? Iyamaa mudan in dadka la raalli-geliyo iyo in ilaahay la raalli-geliyo? Waxa laga yaabaa in qaar hablahaas ka mid ahi aaminsan yihiin ilaahay ayaad u soo noqon doontaa oo waad ka toobad-celin doontaa denbiga aad samaysay. Waa dhab in aad ilaahay u soo noqoto oo aad denbi-dhaaf waydiisato, laakiin xumaantii aad samaysay ee meel walba gaadhay ee aad ula-kaca u samaysay yaa masaxaya oo baabiinaya? Kollay su’aalahaas iyo kuwo kale oo badanina way hor yaallaan. Weliba ku darsada’oo marka ay inantaasi dadka caadiga ah la joogto hablaha kama garan kartid, waa qof asturan oo akhlaaq iyo dhibirsanaan huwan. Mar allaale marka ay hawlaha fanka guda-gashon way is-qaawinaysaa.

Dhalinyaradan wiilasha iyo hablaha isugu jiraa marka ay hab-dhaqankan samaynayaan ee ay leeyihiin sidan ayaanu u heesaynnaa, waxa muuqata inay ku dhex milmeen soona gudbinayaan fan ummad kale leedahay. Waayo, inantu marka ay cawradeeda muujinayso ee naasaheedii iyo meelo kale oo jidhkeeda ka ahi muuqanayaan ma qalbiga ayay ralli-gelinayaa oo ay hananaysaa mise dareeenka jinsiga ah ee ragga? Inanku sida oo kale marka uu gabadh isku dhedhejinayo ee uu taataabayo muxuu u dan leeyahay oo uu raabaa? Maxayse tahay farriinta uu gudbinayaa? Waa su’aalo idin horyaalla oo ina hor yaalla oo u baahan in laga doodo.

Arrinta kale ee mudan in la xusaa waxay tahay, haddii uu fanku leexdo waxa ka dhalanaya dhaqan-geddis iyo fasahaad. Waxa wiiqmaya farriintii dhaqan iyo noloshii faca-weynayd ee dadka Soomaaliyeed lahaayeen. Waxa soo baxaya dad aan garanayn waxa saxa a iyo wadda toosan ee fanka. Lama diidana in fanka la horumariyo, lana tartansiiyo ka caalamka ee waxa mudan in maanka lagu hayo inaanu lumin udub-dhexaadka fanka oo ah dhaqan-soomaaliga.

Dadka suugaan-dhaadhiga ah iyo inta ka agdhowi-ba way ka dheregsan tahay kaalinta uu fanku kaga jiro dhaqanka Soomaalida leedahay. Waxaana fanku soo maray maxaaxil kala duwan oo mid kastaa waayadiisa lahaa. Waxaase si gaar ahaan loo xusaa inuu fanku horumarkii ugu ballaadhnaa gaadhay sannaddadii todobaatanaadkii iyo sideetanaadkii, xilliyadaas oo dadku arrimaha fanka u dhuun-daloolaa sheegaan inuu helay maal-gelin, caqli-midayn (sida kooxihii Waaberi, Durdur iyo kuwii la midka ahaa), hal-abuurnimo farshaxankeedu sarreeyo oo laga dhex arko karo salfasooyin heer caalami ah iyo kuwo maxalli ah-ba. Waqtiyadaa aan soo sheegay waxay cid kastaa ka marakacaysaa inuu fanku gaadhay halkii ugu sarreeyey oo qolyaha qaar ayaa ku sheega “xilligii dahabiga ahaa.” Waxaana isla waqtiyadaa bilawday laba loolan oo iska soo horjeeda oo dadna fanka badbaadinayay mid kalena qarribayay. Mid waxa hormood u ahayd dawladdii kacaanka ahayd ee waqtigaa talinaysay oo u arkaysay in fanku yahay meesha keliya ee ay farrinteeda ku gudbin karto kuna kasban karto dadka, halka ka kalena ay gadh-wadeen ka ahaayeen dad isu xil-qaamay badbaadinta fanka iyo dadaalo kale oo siyaasadeed oo xilliyadaa waddanka ka aloosnaa.

Markii ay dhacday dawladdii millateriga ahayd ee Soomaaliya ka talinaysay sannadkii 1991kii guud ahaan bahdii fanku way kala dadaatay. Waxay ka mid noqdeen dadkii faraha badnaa ee qaxoontiga noqday ee u guuray waddamada jaarka ah iyo caalamka-ba. Tan iyo maalintaa waxaad marqaati ka rihiin in aanu fanku helin maal-gelin iyo caqli-midaysan. Marka laga tago dad iskood isu xilqaamay oo dhabarka u ritay badbaadinta fanka iyo faro-ku-hayntiisa-ba. Halkaa marka ay arrintu marayso waxa soo baxday dhalinyaro u heellan inay muujiyaan kaalinta wax-ku-ool-ka ah ee fara-ku-haynta iyo sii noolaynta fanka. Qaar badan oo ka mid ahi waxay ku noolaayeen qurbaha iyo meelihii dalka ka baxsanaa ee loo qaxay. Qolo waxay wax ka bilaabeen inay fanka ku soo dhex-galaan soo cusboonaysiinta heesihii ay hore u qaadeen fannaaniintii hore, kuwo kale waxay ku dhiirradeen inay ummada u soo bandhigaan kuwo ay leeyihiin, halka qaar kale xoogga saareen barashada noocyada kala duwan ee aaladaha la tumo ee muusigu ugu horreeyo.

Dhalinyarada qurbaha jooga iyo kuwii dalka ku hadhsanaa ee ku dadaalayay soo celinta haybaddii iyo kaalintii uu fanku ku dhex lahaa umma Soomaaliyeed, waxa barbar socday caqabadahan. Qolada gudaha joogta waxay caqabadda ugu wayni ka haysatay dhanka dhaqaalaha iyo helista qalabka casriga ah ee la adeegsanayo. Halka ay qolada qurbuhuna ku dhex noolaayeen ummado leh dhaqan iyo fan u gaar ah, taas oo saamayn xooggan ku yeelatay hana-qaadkii fankooda. Waxa kale oo dhalinyarada qurba ee fanka hawlihiisa waday dhibaato kala kulmi jireen helitaanka midhaha heeso cusub ee ay soo qaadaan, inkasta oo sannadadii danbe arrintaa wax weyni iska beddeleen.

Xilligan aynu ku jirno waxa muuqata in dhalinyardii fanka bilawday ay dad waa weyn noqdeen oo laga yaabo qaar ka mid ahi markii labaatan sano soo wadeen inay ka fadhiisteen. Waxaase fanka ku soo biiray sannaddadii u danbeeyey dhalinyaro doonaysa in fankoodu la mid noqda ka caalamka, kuwaas oo isugu jira qaar fiican oo ilaalinayaa hufnaantii iyo toosnaantii fanka iyo qaar u heesaya sidii ay la noqoto. Waxa laga yaabaa in kuwaas u heesaya qaabka ay doonaan in aanay jeclaysan doonin qoraalkan oo ay jidhka isgelinayaa, niyadda ka diidayaan, isna illawsiinayaan. Laakiin waxa aad ogaataan in adduunyadani maalmo kooban tahay, cimriga noloshaaduna uu tirsan yahay, ma waxay idin la tahay in aayaha noloshiinna aad saldhig uga dhigtaan khiyaali iyo fikir marin habaabi ah? Iyada oo ilaahay idinka danbeeyo oo idinla xisaabtami doono.

Farriintani maaha mid cid gaar ah lagu fadeexadaynayo. Mana aha mid fikirkeedu ka dhashay arrin sahlan ee waxay ka digaysaa fool-xumo iyo fan-ceebees si ballaadhan u soo if-baxay. Waxay farta ku fiiqaysaa kooxo fara-ku-tiris ah oo fasahaadiyay milgihii iyo sharaftii uu lahaa fanka ummadda Soomaaliyeed. Waxay ibo-furaysaa dood lagu hilaadinayo laguna falanqaynayo dhaqan u muuqda inuu bahdilaad ku yahay fanka faca-weyn ee dadka afka Soomaaliga ku hadla.

Haddii aan gunaanadka ku soo dhawaado, waxa lagama maar maan ah in si toos ah iyo si dadban-na looga doodo su’aalahan; fanku marxalladan uu galay miyuu ku saxan yahay oo waxba kama qaldana? Mise wuxuu ku sugan yahay marxalad halis ahoo gurmad ayuu u baahan yahay? Fanku ma isaga ayaa is wadaya mise cid wadda oo hogaamisa ayuu u baahan yahay? Yuu xil ka saaran yahay ilaalinta fanka iyo ka warhayntiisaba? Dhalinyaradu ma inay sida ay doonaan yeelaanbaa mise waa inay ilaaliyaan qiyamka iyo karaamada ummada ay ka dhasheen ee afka soomaaliga ku hadasha? Dhammaan su’aalahan iyo kuwii aan hore u xusayba waa qaar u baahan in si qotodheer looga doodo lagama soo saaro wax badbaadiya karaamada milgaha fanka. Sidaa darteed ka qaaybtaada doodan-furan oo fikirradiina ku soo bandhiga warbaahinta.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersaremuxumed.blogspot.com/