Mashruuc ka xun Jiif oo Jaqdii lagu jabay oo dhaqan xumo weheliso oo la fashiliyey iyo xukuumadda oo aan wali talaabo qaadin

0
58

Hargeysa(Waaheen) Mashruuc isugu jira Jiif oo Jaqdii Reer Hargeysa hore loogu dhacay iyo mid dhaqan xumo tii ugu danbaysay ah oo Hargeysa muddo sanad ah ka socday oo algu lataestaduufsaday Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho isugu jira ayaa shalay lagu fashiliyey Hoolka Hay’adda Shaqaalaha oo uu muddo laba maalmood ah albaabku hoosta ugu xidhnaa, kadib markii Arday iyo shaqaalaha Machadka Dawladdu xoog ku galeen Hoolkaas oo la isla Lug iyo Laanba beelay.

Dhacdadaas waxa Waaheen uga soo waramay qof ka mid ah Ardaydii fulisay hawl galkaas, hase yeeshee markii lagu baahiyey Mareegta iyo Wargeyska Waaheen dad badanina daalacdeen waxa nala soo xidhiidhay mid ka mid ah dhalinyarada mashruucaas lagu duufsaday isagoo sheegay xogaha dhabta ah ee mashruucaasi xambaarsan yahay.

Qof-kan oo nagula soo xidhiidhay Telefoonkiisa isla markaana magaciisa ka gaabsaday waxa uu warbixintan noogu soo diray Farriinta SMS, waxaanay u dhignayd sidan:-

Warbixin kooban oo ku saabsan mashruuc la mid ah kii sheerka ee magaaladda hargeysa oo ay niman somalilander ah iyo nin xabashi ahi kaga shaqaystaan dadweynaha Reer Somaliland, nimankaas oo la kala yidhaahdo C/raxmaan iyo Cawaale, halka ninka xabashiga ahna laga yidhaahdo Masaanad

Mashruucan oo dalka ka socday illaa muddo sanad ah waxa u badan dadka ku xidhan ee ay ka shaqaystaan nimankaasi dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 15-25 jir iyo Dumarka waaweyn, waxaana qofkii laga qaadaa lacag dhan $220, waxaana lagu yidhaa la kaalay 25 qof oo kale oo Komishan laga siiyo, waxaana hal ku dheg u ah ‘is-qor dawada Isticmaal dadkaagana u sheeg’ dawadaasi waa ta qofka ka dhigaysa inuu rabaayad u noqdo mashruucan Jiif oo jaqda ah, waxaana intaas u dheer buugaag iyo wacyigelin joogto ah oo qofka la siiyo oo maqal iyo muuqaal ah.

Qofka soo gala waxa la yidhaa waa shirkad la yidhaa ‘Tayaanas’ oo ka shaqaysa Adduunka oo Shiine ah inagaana ugu danbayna waxaanay ka diiwaan gashantahay wasaaradda Caafimaadka iyo Ganacsiga, waxaana ina haysa lacag la’aan, gaadhi la’aan iyo guri la’aan, waxaas oo dhana halkanaynu ka helaynaa.

Waxa intaas dheer dhaqan xumo ah tumasho, daawasho filimaan xun xun, caariyaad cidlo la isugu keenay kuwo yar yar iyagoo guryo qarsoon oo billaa boodh ah kolba u kiraynaya, waxay ka fureen Hargeysa Club agtiisa, mar na Hotel Union agtiisa, imikana Istaanka Kililka agtiisa (maqaaxida Riyaha), waxaana la yaab ah waxa sanad socday ee bulshadu shalay aragtay illaa hadana socda ee aanay ogayn hay’addaha Amnigu, masuuliyiinta ku shaqada leh, Waalidka Ubadka yar yar dhalay ee ay Hablahooda ama inamadoodu kaga soo qaadayaan lacagta hadaad  na siin weydaan waanu Tahriibi, iyagoo ku beerlaxawsanaya waxaanu ku galaynaa shirkad la yidhaahdo Tayaanis oo aanu ku badhaadhaynee, dawana ka helayno.

Hadaba waxa jirta illaa hada inaan cid wax ka qabanaysaa muuqan oo xumaantaasina ay marba meel ka bilaabmayso markii Da’yartu weyday cid si saxa u hagta dawladduna ay kaga mashquushay waxaan waxba u tarayn.