“Anigu Gob baan la hadlayee, Gun aan xaqeeda u doonayey baa iga daba hadashay. Golaha Wakiiladda iyo Waaheen ba waan Hambalyeynayaa” Suldaan Naasir

0
103

Hargeysa(Waaheen) Suldaanka Guud ee Beesha Muuse dhariyo ayaa Hambalyo ujeediyey naaGolaha Wakiiladda Somaliland oo maanta go’aamiyey in xubintii beeshaasi ku lahayd Guddida Cadaaladda Qaranka Kooto loogu xidho kadib markii Suldaanka Guud iyo Cuqaashu si adag uga hadleen kursigaasi oo laga qaadayey.

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo go’aanka Golaha wakiiladda kadib la soo xidhiidhay Wargeyska Waaheen ayaa Hambalyo u diray Golaha Wakiiladda, shacbiweynaha Reer Somaliland iyo Wargeyska Waaheen oo uu sheegay in ay u soo celiyeen Xaq ay lahaayeen oo ay Cod dheer ku dooneen.

Anigu Gob baan la hadlayey oo aan Xaq aan lahaa uga doonayey Gun, laakiin Gun baa iga daba hadashoo waa lagu yaqaaney, hase yeeshee waxaan kaga gam’ayaa in Golaha Wakiiladda iyo Somaliland ba ii hiilisay oo ay maanta noo go’aamiyeen kursigii aanu ku hadlaynay inay na siiyaan” sidaas waxa ku tiraabay Suldaan Naasir oo ku faraxsanaa go’aanka Golaha Wakiiladda.

Suldaan Naasir oo ka sii hadlayey dareenkiisu waxa uu intaas raaciyey “ maalintii dhaweyd waxay ahayd markii iigu horaysay ee dareenkaygu sidaa aad ogaydeen u kacay xaq aan lahaabaanan ku doonayey oo iga hadlinayey, sidaan waraysigii aan siiyey waaheen ku sheegayna Dal aan Somaliland ahayn ma lihin, Beelaha Somaliland na meel aanu kala tagaynaa ma jirto, gaar ahaana beesha Isaaq ee aanu Ood-wadaagta nahay, laakiin waxaan ila garan kuwii aanu madarasadaha u dhiibnay ee aanu Telesom Mushaharka uga qornay oo isku kay dhereriyey, Telesom waxaan leeyahay Mushaharkii dad illaahay garanaya oo aan siyaasad ku jirin baa jiree noogu bedela kuwa siyaasadda u soo ban baxay”

“Nimanka salaadiinta sheegtay ee iga daba hadlay ee aanu malcaamadaha u dhiibnay ee telesom mushaharka noo siisay waxaanu leenahay nimankaasi siyaasad bay u soo baxeene hanala tartameena ka jara wixii aanu idiinka qaadi jirnay oo noogu bedela dadka wanaagsan.”

Suldaan Naasir waxa kale uu ka hadlay kooxo lala xidhiidhiyey waxaanu yidhi “Waligay al-shabaab maan noqon mana noqonayo, sidaan Waaheen u sheegay anigu fidno maan kicinayn laakiin kuwo si kale u turjuntay ayaa naxli doonaya in ay walaalahayo na dhex dhigaan waanay ku guul daraysteen oo maanta waa kaas Golihii codsigayagii ajiibay, anigu intaan Somaliland ku noolaa Wanaag mooyee maalina dibin daabyadeeda kamaan shaqayn, dagaalkii aan idhi waanu ku qaadaynaana maan Odhan qori baan kala hor tagayaaye waxaan idhi dagaal Af-ka ah baan ku qaadayaa taasina waa ta aan xaqa u leeyahay” ayuu yidhi

Suldaan Naasir waxa uu ugu danbayntii aad ugu mahadnaqay Waaheen “ waxaan ugu danbayntii u mahad naqayaa Wargeyska Waaheen oo ay bulshada ugu sun tan inuu warar hufan oo dhab ah baahiyo, hore ayaan ugu hadlay markii la xidh xidhi jiray iyana imikay ii hadleen waanan filayey in tabashadayda ay sidaa u bandhigaan” ayuu kaga baxay