Qormadii 56-aad, Ma anigaan dhug-laheyn? mise dhiigbaan cid ku yeedhin ,bal dhugta oo dheehda sida ay xukuumadii u-sadqeysey hantidii maguuraka aheyd ee ummadda u-dhaxeysey.Qalinkii ; A/rahman fidhinle‏

0
37

Somaliland maanta waxay ku sugan tahay marxalad aad u-adag waxaana tusaale kuugu filan Mudaaharaadyadii dhawaan ka dhacey Burco, Berbera iyo Hargeysa. Mudaharaadyadaa oo salka ku haya arimo badan oo is barkan oo ay ugu horeeyaan, musuq-maasuq iyo shirkado indho-adkeyg-yahan ah oo jini boqor ah oo hantidii ummadda baahan boobaaya oo bilaa damiir ah .Taas oo shacabkii Somaliland ay xukuumadii tustey la haan-shaha ay beelkeliyi  yeelatey anfacii,iidaankii, hantida maguuraanka, illha dhaqaalaha, iyo dhulkii danta guud ahaa ee ummadda baahan loogu shaqeyn lahaa oo lagu laa-luushey shaqsiyaad shirkado sheeganaya.

– Dhamaan mansabkii, manfacii, magantii, agabkii, iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka  oo dhinac u-ciirey oo lagu kala qeybsadey hab-qabali ah. waxaana ay taasi markhaati ka tahay in ay xukuumada beelnimadu ay kala weyn tahay qaranimada iyo dawladnimada. Taas oo uu maanta jiritaankii qaranimada JSL uu ku soo ururey in ay shaqsiyaad koobani ay manaafacaadsadaan amaba ay laa-luush u-qaataan dhulkii danta guud ahaa ee wadanka. Xukuumadani waxay ummadda u-cadeysey in ay beelana beelo noqdaan oo xukunka ku xoogsadaan kuna u-gaadhsadaan, beelana laga saaro saaxada siyaasada oo afka ooda laga saaro,beelana ay laac u-lusho hoostana kala heshiiso iyo in shirkadana shirkado noqdaan oo hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda lagu naas-nuujiyo oo loo sadqeeyo,shirkadana lafo toobin ku hayaan oo dalabkooda dheg jalaq loo siinwaayo oo dhegaha laga fureysto. Taana waxaa kaaga sii daran cabsi gelinta iyo cago jugleynta joogtada ah ee ay ku sugan yihiin dhamaan suxufiyiinta Somaliland iyo dhamaan xorriyal-talqowlkii hayadahii madaxa banaan oo ay ugu horeyso saxaafadii madaxa banaaneyd oo iyadu meeshaba ka baxey oo lagu tuntey sharciyadoodii iyo xuquuqdoodiiba.
Waxaa arin  laga yaq-yaqsiyooda ah wasiirka macdanta iyo tamarta oo markii la weydiiyey in uu shirkadaha uu shidaal baadhista kula hesiiyey uu u soo bandhigo golaha barlamaanka yidhi , meelna kagama qorna dastuurka in aan u soo bandhigo baarlamaanka, kuye’ waxaan u soo bandhigey golaha wasiiradda oo ah golaha fulinta.Taasi waxay waxgaradkii wadanka u-cadeyneysaa in uu wasiirku u-badheedhey in uu ka faa’ideysto gol-daloo-looyinka ka jira dastuurka wadanka ee qabyada ah ee ay aheyd in uu wax ka qabto oo uu soo bandhigo markii xilka loo dhaariyey. wasiirka macdantu wuxuu si dadban iyo si toos ahba loogu tuhmey loona dareemay in uu lunsadey hanti aad u badan oo looga fadhiyey in uu golaha sharci dejinta ka hor cadeeyo halkii ay lacagtaasi martey waxaana looga fadhiyaa in uu is cadeeyo oo uu sheshiisyadaa uu shirkadaha la galey oo dhan uu fagaaraha ka cadeeyo. Xukuumadan Siilaanyo waa xukuumad dhukusta oo dhuuni raac ah oo aan weli soo bandhigin heshiisyadii kala duwanaa ee ay la gashey shirkadaha shisheeyaha ah hadii ay noqdaan shidaal baadhis, macdan baadhis ama shirkado horumarineedba.
Bud-dhiga qaranimada Somaliland waxaa loo soo marey halgan adag  iyo jihaad dheer, maalin kasta iyo sanad kastana talaabo ayey hore u qaadeysey Somaliland oo hore ayaa loo sii wadey, Madaxweyne kasta oo hogaanka qabteyna wuxuu ka tegay xusuus reeb diiwaanka taariikhda loogu duugey, hadaba madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa waxaa diiwaanka xusuusta loogu daabacey: qabyaalad qadhmuun oo duluca furatey,Boob hantidii maguuraanka aheyd ee wadanka oo si qaawan oo qaraabo kiil ah loo boobaayo, sida boobkii malaayiinka doolar ahaa ee laga lunsadey Madaarka Hargeysa iyo Berbera ee aaney xukuumadu iska baracin ceebtii iyo fadeexadii ka raacdey madaarka.-Hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda oo inta sheerar hoosta lagala galo shirkado loo sad-burinaayo amaba loo sadqeynaayo hantidii ummadda shirkado aan bireysneyn oo booli ah oo bilaa karaamo indho-adeyg-yahan ah.Musuq-maasuq dabarka goostey oo ku baahsan hayadaha dawlada ee anfaca iyo iidaanka leh taas oo dabada ay ka riixaan dilaaliin darban oo xukuumadani ku caan baxdey oo madaxtooyada ku xeeran.Waxay xukuumadani shacabka u-cadeysey in ay beeluhu kala xigaan yuhuunta iyo lahaanshaha qaranimada iyo dawladnimada maadaama ay shacabku indhahooda ku arkayaan qabyaalada qaawan iyo qaraabo kiilka shirakadaha qaar loo naas-nuujiyaayo.Waxaa ummaddu aragtaa Madaxweynaha barafka la saarey ee qabyaaladu qudhunsatey ee ay ku xeeran yihiin 4-ta wasiir ee ceeb-kasaliimka lama taab-taanka ah ee khushi-taabsanaya ee shuruucda wadanka aan u-hogaansaneyn ee aan shacabka u aheyn adeegayaal, Jiheeyeyaal ama mideeyeyaalba  laakiinse isu haysta in ay yihiin Taliyayaal qaran.Waxaa shacabku indhahooda ku arkeen dhawaanahan xildhibaano beeleysan oo la soo xuley oo hormo-qamaamka ay xayn-daabka madaxtooyada ay ku hayaan ummaddu wada daalacatey oo wada dareentey. Taasina waa ceebey tacaal iyo na arkaay na maqalaay in aanu cadeysaney !!!.
Guntii iyo Geba-gebadii qormadan: Maanta jiritaankii qaranimada Somaliland wuxuu ku soo ururay in shaqsiyaad kooban oo qaar shirkado sheegtaan in lagu laa-luusho laguna naaxiyo, intii u-soo dhafartey, u-soo dheemaashey ee dhididka, dhiiga iyo dheecaankaba usoo daadiseyna in la-takooro,la bahdilo oo ay indhaha ka daawadaan filimkaa aan u-dha-dhameyn ee ay hore usoo daawadeen taasina xaq-maaha??  Intii  nidaamkan uu Siilaanyo gadhwadeenka  ka yahay uu qabtey hogaanka  S/land, Waxaa ramiimka noqdey oo baaba’ay oo meesha ka baxey hanaankii iyo sharaftii dawladnimo, bro-takoolkii, burjigii, buruudkii iyo burhaantii qaranimo,kala sareyntii, kala-danbeyntii, kartidii,karaamadii maa-mul iyo maareyntii dawladnimo. higsigii, horumarkii iyo  habsami u-socodkii himilooyinkii qaranimo ee la higsanaayeey ee lagu taamaayey oo iyana wada hintaaqmey.wada majare-habaabey oo wada gaabis noqdey. Danta guud ee Somaliland  waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba  in xal  la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo maamuus,midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd, waxaana hada shacabka reer Somaliland la gudboon in la taageero oo talooyin lagu biiriyo Shirka Dood Cilmiyeeda Qaranka ee ay xisbiyada qaranku ku baaqeen si loola xisaabtamo oo miisaanka loo saaro xukuumadan dheelidey ee dhiilihii awrka u-saarnaa ay dhinaca u-sii ciirayaan.
Alleh ayaa Mahad leh,
Waa-Lahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh & Nebi (scs)
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London