Maareeyaha Wakaaladda Burco oo isku shaan-dhayn ku sameeyey shaqaalihiisa

0
99

Shaqaalaha oo Eedo musuq maasuq iyo maamul xumo kaga jawaabay talaabada uu qaaday

Burco(Waaheen) Maareeyaha wakaaladda Biyaha Burco ayaa isku shaan-dhayn ku sameeyey shaqaalaha wakaaladdaasi, waxaana ka mid ah shaqaalaha uu bedelay Xisaabiyihii iyo qaar kale oo xilal muhiim ah ka hayey xafiiskaasi.

Hadaba shaqaalaha wakaaladda Biyaha Burco ayaa xalay magaaladda Burco ku qabtay shir jaraa’id oo ay kaga jawaabayaan talaabada uu Maareeyuhu ka qaaday shaqaalaha iyagoo Eedo musuq maasuq iyo kuwo maamulba u xambaariyey.

 Xasan C/laahi Ciise  oo ahaa Xisaabiyihii Wakaaladda Biyaha Burco ayaa ka mid ah shaqaalaha weeraray Maareeyaha waxaanu yidhi “Anigoo ah xisaabiyihii wakaaladda Biyaha waxa uu maareeyuhu nagu sameeyey bedel aniga iyo agaasimaha maaliyada taas oo uu noo aaneeyay ama isqabadkayagu ka kacay xaga xisaabaadka, oo niman Ganacsato ah ayaa qaan-sheeg noola yimi kuwaas oo leh lacagbaa nalaga qaaday oo waxa naga qaaaday niman dhalinyaro ah, waxaanu ninkaas lacagta doonayey yidhi maareeyaha ayaa ila soo hadlay oo yidhi sii dhalinyaradaasi waa ciryaartoye, lacagtaasina dalab ma lahayn, ganacsatada kaashka doonaysay ee lacagtaas leh waanu bixinay ee wakaaladu hana siiso waa ABCO, abco-na kaash may bixin jirin qalab gaadiid uun baanu ka qaadan jiray, lacagtaas markii aanu aragnay inaanay sifo sharci ah aanay ku baxayn ee ay hanti umadeed tahayna waanu diidnay, dabadeed si ay taasi u suurto gasho oo hantida ugu tagri falo ayuu xilka nooga qaaday, dee hadii markuu qofku hantida umada diido in la isticmaalo xilkiisa waayayo waa fawdo taasi.” Ayuu yidhi Xisaabiyihii wakaaladda ee xilka laga qaaday.
Hanti dhawrka wakaalada Biyaha Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa shaqaalaha shirka jaraa’id qabtay ayaa isna yidhi”Anigu waxaan ahay hanti dhawrkii wakaalada Biyaha shaqadaydii ma hayo oo layma ogola oo awood hanti dawr kuma shaqeeyo oo meeshu waa fawdo.”
Barkhad Xasan dhuux-yare oo ka mid ahaa shaqaalahaas ayaa hadalkiisii ku bilaabay”isku shaandhayn buu maareeyhu sameeyey waxaa wax lala yaabo ah Madaxii farsamadu isagoo xafiiskiisii ka maqan oo siminar jira ayaa shaqadiisii lala wareegay oo la tirsaday.”
Mukhtaar Cabdi ayaa isna shirka jaraa’id ka sheegay “meeshan wakaalada Biyaha waxaa ka jira cadaalad daro oo shaqaalaha isku giraydhka ee isku shaqada ah ayaa hadana kala mushahar ah, ilaa intaas shaqaalaha dawlada mushaharka loo kordhinayey wakaalada shaqaalaheeda mushahar looma kordhin.” Ayuu kaga baxay