BIYO’BIYO’ MISE WADO!!! Q/2aad Qalinkii: A.A.Kaahin

0
118

Qalinkii: A.A.Kaahin

ahmedckahin@gmail.com

kur calarWaxa maanta dhacay waxay dhawaaq dheer u diraysaa in baahiyaha dadku ay kala horeeyaan dadkuna ay noolaan karaan wado la’aan noolaayeen qarniyo fogaa iskuna gudbijireen, balse taariikhdu waxay sugaysaa in dagaalada ugu badani ka dhici jireen biyo ama wax la xidhidhdha, baahidaasina waa mid jirta jirina doonta inta qof waxa uu afkiisa u cabo u baahan yahay, inaga dheer amaan la isku haleeyo iyo mid lagu gam’o, waxa iyana mudan in bulshadu ay dareento muhiimada amaanka iyo aqabka umada ka dhexeeya ilaalintiisu ay tahay astaan wadaninimo.

Lagana dheeraado in la taabto arrimo lama taabtaana taasi oo ah Amaanka Qarankan oo ay dad badani inagaga soo dhinteen, laabtana lagu haa kalala horaysiinta biyaha iyo amaanka, waad soo dhaansan kartaa foosto biyo ah meel aad u fog lakiin amaanka lama kabi karo haddii uu jabo, amaan daradu waxay  inoogu soogali guryaheena haddii aynaan gacmaheena kuwada ilaashan inagoo si haboon usheeganayna tabashadeena. Mudaraadkuana maaha mid umadeena iyo afrikaanku u bislaadeen,

 

Maanta Caasimada, waxa ugu qaalisan ee laga fikiraa waa biyo, reer guuraaga waxa ay ku riyoodaan waa biyo, beeraheenu waxay u jilaal dhadheen waa biyo la’aan, dumarka iyo ragu waxay habeenkii usoo jeedaan waa dhibic biyo ah,

Isku soo wada duub siyaasadana ka durug, maanta maxaa inoogu baahi badan, guud ahaan iyo gaar ahaan dawlada iyo dadkaba, waa biyo ama diid ama yeel, sidaa daraadeed waxaad moodaa in arimo badan oo bulsho la siyaasadeeyay, mucaarad iyo muxaafadba, taasina ay keeni karto in bulsahdu ku dhex jahawareerto, sidaa daraadeed waa in xukumada oo u igman wax qabadka dadka iyo dalku ay xil iska saartaa, kala horaysiinta baahiaya umadeena, waa in aynu helnaa wax marka lasoo qaado adadku u riyaaqaan, taasi oo ah biyo,

Ka hadli maayo arrimaha siyaasada ee kala jiidanaayo, aragtida bulshada, balse waxaan yar eegi donaa

·         sidee wado loogu baahan yahay,

·         iyo sidee Ceelal Riiga dalka iyo dadku ugu baahan yihiin

75 milyan iyo dheeraadlka xukuumadu ku qiimaysay wadadaasi imisa ceel bay inoo qodaysaa

·         Imisa Dugsi bay dhisaysaaa,

·         Imisa Saldhig Booliish bay dhisaysaa

·         Imisa imisa sii wad uun

Hadaba wadada, waxa ugu muhiimsan ee lagu qabta waa in la mariyo khayraadka, Khayraadkaasina waa 2 nooc mid dalku leeyahay iyo mid dibada ka yimaada, hadaba waxsoosaarkii dalka oo daciifa, miyaanayn haboonayn in mashruucan lagu maal galiyo beero, si wadada loo mariyo waxa beerahaasi kasoo baxa, mise waxa inooga soo daga dibada ayaynu wado u dhisaynaa, waa su’aal dul saran cida riixaysa mashruucan,

Sikastaba ha ahaato dadku waxy leeyihiin BIYO BIYO BIYO

A.A.Kahin

ahmedckahin@gmail.comk