Axmed Ismaaciil Samatar oo Qud-bad ka jeediyey Jaamacdda Admas

0
134

1524965_10201768846077721_1681262652_n 1520764_10201768837637510_956609893_n 66 12Hargeysa(Waaheen) Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa shalay jaamacadda Admas ee magaaladda Hargeysa ka jeediyey Qudbad dheer oo uu kaga waramay sida Dal Horumar ku gaadho, waxaanu Ardayda iyo Macalimiinta Jaamacadaas hoga tusaaleyey Dalna inaanu Horumar samayn Karin illaa uu Dadkiisa horumariyo.

Axmed Ismaaciil Samatar Qudbada uu ka jeediyey Jaamacadda waxa uu ku yidhi “horumarka dalka hadii aad  maqashaan dalkaasi wuu horumaray waxa horumarsan dadkiisa oo leh aqoon iyo isku duubni ay daacadnimo ku dheehan tahay ”.

Isagoo sii wata sharaxaada uu ka bixinayeye Horumarka waxa uu Professor Samatar ku tilmaamay waxaan dhamaan balse ay tahay uun inuu socdo inta uu dalkaa dadkiisu jiro “hormarku waxa uu leeyahay meel uu ka bilawdo ee malaha meel uu ku dhamaado” ayuu yidhi.

Waxaanu tusaale ahaan u soo qaatay dalka Maraykanka oo ah ka dunida ugu dhaqaalaha badai inuu wali ku mashquulsan yahay sidii uu wali sare  ugu qaadi lahaa horumarka baaxadda leh ee ka jira dalkiisa “maantadaa aan idinla hadlayo ee aan ka hadlayno horumarka dalka Maraykanka waxaa laga doodayaa sidii sare loogu qaadi lahaa horumarka dalka” ayuu yidhi Professor Samatar.

Mr Samatar waxa uu xusay lagama maar maanimada ay leedahay inay umaddu marka hore ee la doonayo in dalka la horumariyo tahay mid isku duuban oo aaminsan wax wada lahaanshaha iyo inay dalka iyo dadkuba ka dhexeeyaan “dalka marka ladoonayo in la horumariyo waa inay dadkiisu midaysan yihiin isla markaana ay aaminsan yihiin inay wax ka wada dhexeeyaan oo dalka iyo dadka ay wada leeyihiin”ayuu yidhi.

Mr Samatar waxa uu hoosta ka xariiqay inaanu dal-na horumari Karin hadii aanay dadkiisu aqoon lahayn  oo aanay wax baranin “dalna horumar ma gaadhi karo hadii aanay dadkiisu aqoon lahayn oo caalamka la tartami Karin”

“Horta intiinaa isoo horfadhidaa [ardayda Jaamacadda Admas] waan idin caashaq-sanahay waxaan idiku caashaq sanahayna waa aqoonta,edabta iyo anshaxa suuban ee iiga kiin muuqda” ayuu yidhi isaga oo Professor-ku Jaamacadda Admas iyo ardaydeedaba ku sifeeyey kuwa kaliya ee maanta rajada laga qabo inay dalka dadka Somaliland-ba wax ka badali doonaan mustaqbalka dhaw ee soo socda “ardaydiinaa reer Admas waxaa Iiga kiin muuqda mustaqbalkii dalka iyo dadka inaad tihiin kuwii soo celin lahaa ee badali lahaa siyaasiyiinta maanta ee meelahaa qaadka la fadhiya” ayuu yidhi.

 

Boqolaal arday oo Iskugu jira Hablo iyo wiilal oo ku soo lebistay dharkooda kiisa ugu bilicda samaa isla markaana hamad badan u hayey dhagaysiga khudbadda Professorka ee uu maamulka hufan ee Jaamacadu soo qaban qaabiyey ayaa sacabka u tamayey marka uu Professor-ku carabka la helo erayba erayga uu ka xiisaha badnaa ee khudbadii la yaabka lahayd ee uu halkaa ka jeediyey shalay.

“aqoonyahan-ka marka aan leeyahay waxaan u jeedaa inaan is-fahano aniga iyo Gabadhaa quruxda badan ee isoo hor fadhida” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “hadii aydaan isfahmi Karin adiga iyo dadka aad la hadlaysaa dee aqoontaadu meela ma gaadhsiisna horumarkoodana kama shaqayn kartid”

Professor Samatar waxa uu sheegay inay Somaliland ka  jirto rajo fiican taas oo qayb ka ah waxyaabaha dalka dib ugu soo celiyey “waxaan leenahay dal iyo dad fiican waana tan igu soo kiin celinaysa ee hadii aydaan fiicnayn idin kumaan soo noqdeen waayo dee maraykan baan iska joogay oo waan dharagsanaa e  maxaan isaga joogi waayey Maraykan-kaygii” ayuu dhi Professor Axmed Ismaaciil Samatar.

 

Professor-ka oo aad u gu dheeraaday sharaxaada horumarka isla markaana waxbadan ardayda u higa tusaaleeyey siyaabaha lagu gaadhi karo hormarkaasi waxay ardaydu gabagabadii khudbaddiisa ka waydiiyeen dhawr su’aalood oo la xidhiidhay mawduuca uu ka hadlay waxaana kamid ahaa “sideebaanu ku gaadhi karraa hormarka dalka bal wax  nooga tilmaan?

waxaanu ku jawaabay “marka hore waa in idinka wax laydingaliyaa oo dee laydinku tabcaa kadibna aad idinkuna markaa ka dib dalka iyo dadkaba wax gashataan oo aad soo gudaan abaalkii laydiin galay”

waxaa kale oo la waydiiyey ” makula tahay aqoonsi raadiskan ay Somalilandk u wareersan tahay intaynu iskagaba hadhno inaynu u leexano xagga hormarka iyo wax soo saarka? waxaanu ku jawaabay “haa oo  maya” waayo markii ay aan dalka imanayey waxay lahaayeen Samatarbaa aqoonsigii keenaya sideen ku keeni karaa anigu maanigaa keeni kara”

“waa muhiin oo sidaa aad tidhi baan kugu raacsanahay inaynu u leexano xaga wax soo saarka iyo hormarka balse waa lagamma maarmaan inaynu dee caalamkaa kalana la xidhano oo ayu calaaqaad la yeelanaa” ayuu yidhi Professor Samatar.

waxaa kale oo kamid ahaa su’aalihii la waydiiyey “waxaa jira caqabado farabadan oo hor yaalla dadka doonaya inay dalka maal-gashadaan ee ganacsatada ah tusaale ahaan hadday damcaan inay meel warshad ka dhisaan waxaa  markiiba ka hor imanaya oday dhaqameed iyo qabiilkoodii oo wada socda oo leh meeshan reer hebal baa iska leh ee ka leexda markaa cabaqadaha noocan oo kale ah sideebaan kaga gudbi karaa?

waxaanu ku jawaabay ” hadii aad doonayso inay dadku qabyaaladda daayaan adigu marka hore waa inaad naftaada ka bilawdaa oo aad bahashaa fooshaxun [qabyaaladda] ee ay la roorayaan iga leexiya ku tidhaadaa kuwa aad isku reerka tihiin” ayuu yidhi Professor Axmed Ismaaciil Samatar.