Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo RRU iyo SPU ku wareejisay Booyadihii Mudaharaadayey

0
42

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta Ciidamo RRU iyo SPU ah ku wareejisay Booyadihii mudaharaadka waday oo maalintii labaad yaal goobo ku yaala galbeedka iyo Barriga Hargeysa.

breaking newsWariye ka tirsan Waaheen oo booqday goobta galbeed ee ay Booyaduhu yaalaan ayaa kula kulmay Ciidamo RRU iyo SPU ah oo isku gedaamay dayr weyn oo ay ku xaraysan yihiin, waxaanay xoog kula baxeen laba Booyadood oo ka mid ah kuwii mudaharaadayey oo ay Dirawaliintoodii soo qabteen.

Maayarka Caasimada Hargeysa ayaa isna xoog iyo caga cagafyo ku dumiyey Dayrkii ay Booyaduhu yaaleen kadib markii ay waayeen meel ay kala soo baxaan, isagoo waraysi uu waaheen siiyey ku sheegay in aanay u dul qaadanayn in shacbigu biyo waayo iyana ay mudaharaadkan sameeyaan.

Maayar Soltelco oo aanu weydiinay sababta ay Booyadahan ula baxayaan isal markaana Dayrka u dumiyeen ee ay awooda ugu adeegsadeen ayaa ku af-gobaadsaday in ay u soo gurmadeen booyado xoog ay ku haystaan dadka booyadaha dayrka ku soo ururiyey, waxaanu sheegay in ay kuwaas uun ka saarayaan meesha.

“ waxa jira booyado aan mudaharaadkan ku jirin oo xoog loogu haystay Dayrka kuwii baa noo yimi dabadeed waxay noqotay in aanu uga soo saarno si ay u shaqo tagaan” ayuu yidhi

Mar aanu weydiinay sababta ay Ciidanka intaas lee gee RRU iyo SPU leh ugu adeegsanayaan Booyadaha waxa uu yidhi “ dadkan meesha ku soo ururay ayaanu u keenay si ay uga celiyaan si aanay rabshadi u dhicin” ayuu raaciyey

Maayar Soltelco oo aanu weydiinay sababta ay wax uga qaban waayeen cabashada Booyadlaydan oo ka cabanaysa Cashuuro xad dhaaf ah oo ay Xukuumadda Dhexe iyo Dawladooda hooseba saartay waxa uu kaga jawaabay “ iimay iman Booyadlaydu wax cabasho ah oo ay ii soo gudbiyeena ma jirto, arrina maaha in iyada oo aanay naga quusan talaabada intan leeg ee biyihii ku joojinayaan ay ku talaabsadaan”

Mar aanu wax ka weydiinay waxa ka jira in ay Wasaaradda Maaliyadda iyo Arrimaha gudahaba u tageen oo ay jawaab qancisa ka waayeen waxa uu yidhi “ ma ogo maanta ayaanu la balanay odayaashooda illaa hadana ma hayno” ayuu yidhi

Labada Booyadood ee ay kala baxeen Dayrkii ay ku xaraysnaayeen ayay Xukuumaddu saartay midkiiba laba askari waxaanay warar rasmi ah oo ay waaheen ka heshay booyadahaasi sheegayaan in ay Xukuumaddu si xoog ah kaga dhaamisay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, kuwaas oo ay ku khasbayso inay xaafaddaha u dhaamiyaan.

Booyadlayda ayaa dhagaha ka furaysatay in ay u jixin jixaan talaabada ay Xukuumaddu ugu xoog sheeganayso iyadoo cabashadoodii waxba laga qaban waayey, halka ay Xukuumadduna illaa hada ku doonayso inay xoog u adeegsato.

Af-hayeen u hadlay Booyadlayda ayaa Waaheen u sheegay in aanay marnaba aqbalayn in ay Xukuumaddu Xoog u adeegsato iyadoo aan wax gor gortan ah kala galin cabashadooda waxaanu ku hanjabay haddii ay Xukuumaddu mudaharaadkoodaas Salmiga ee ay Booyadahooda ku xaraysteen ugu timaado in aanay ka tanaasulayn.

Labada Booyadood ee ay kala baxeen Dayrkii ay ku xaraysnaayeen ayay Xukuumaddu saartay midkiiba laba askari waxaanay warar rasmi ah oo ay waaheen ka heshay booyadahaasi sheegayaan in ay Xukuumaddu si xoog ah kaga dhaamisay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, kuwaas oo ay ku khasbayso inay xaafaddaha u dhaamiyaan.

Booyadlayda ayaa dhagaha ka furaysatay in ay u jixin jixaan talaabada ay Xukuumaddu ugu xoog sheeganayso iyadoo cabashadoodii waxba laga qaban waayey, halka ay Xukuumadduna illaa hada ku doonayso inay xoog u adeegsato.

Khasaare balaadhan ayey Xukuumadda gaar ahaan Maayarka caasimada Hargeysa u geystay dayrka ay baabuurtu ku xaraysan tahay, isagoon wax wadahadal ah kala galin dadkii lahaa.

Boqolaal booyadood ayaa wali wada mudaharaadkii ay ku diidanaanayeen cashuuraha kala duwan ee ay Xukuumadda Dhexe iyo Dawladda Hooseba saartay, waxaanay u tahay maalintii labaad, iyadoo dadweynihii Hargeysa ee ay u dhaamin jireena Beer-cadaadsan yihiin.

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa wayday xal kale oo aan ahayn bulshada noocyadeeda in ay u adeegsato Ciidamaddii loogu talogalay Argagixisada, iyadoo doraad oo u danbaysay magaaladda Burco ay ku laysay dad shicib ah oo aan waxba galabsan.