Injineeradii wax ka bartay Jaamacadda Golis oo Baabuur u iibiyey mid ka mid ah Macalimiintoodii

0
173

Hargeysa(Waaheen) injineeradii ka qalin jabiyey Jaamacadda Golis ayaa mid ka mid ah macalimiintoodii wax bartay ku maamuusay GUDDOONSIINBTAgaadhi noociisu yahay Bus (NOHA) ah, halka kuwo kalena ay ka guddoonsiiyeey Hadyado iyo shahaado sharafyo.

Kulan balaadhan oo ay Injineeradii ka qalin jaibiyey Jaamacadda Golis oo dhamaantood ah kuwo ka shaqaysta  Shirkaddo iyo Hay’addo Caalami ah soo qaban qaabiyeen ayay Macaliin Xandulle oo ka mid ahaa macalimiintii wax soo bartay ku wareejiyeen gaadhiga ay u iibiyeen, iyagoo ugu talo galay in uu ku qabsado hawlihiisa gaarka ah.

Injineerada Jaamacadda Golis ayaa ku soo bandhigay xafladda ay gaadhigaas ku guddoonsiinayeen Macalinkooda warbixino kala duwan, waxaanay ku dheeraadeen muhiimadii ay lahayd waxbarashadoodii iyo sida Injineernimadu u tahay fursadaha ugu waaweyn ee Wadanka taala iyagoo soo bandhigay dhamaantood sida ay u wada shaqaystaan.

GHPOLISJaamacadda Golis ayaa ah Jamacaddii ugu horaysay ee Dalka u soo saarta Injineero farsamadoodu aad u heer sarayso iyadoo laga dheehan karo dhismayaasha Waaweyn ee badhtamaha Hargeysa ka mudhay qaarkood oo ay dhiseen iyadoo aan dibeda looga doonin aqoon iyo farsamo toona.

Sidoo kale dhismayaasha Hay’addaha kala duwan iyo shirkadihii hore ayaa iyana ay kaalin weyn ku leeyihiin Injineerada Da’da Yare e ka soo baxay Jaamacadda Hargeysa, waxaanay ku faaneen intooda badani in ay noloshooda iyo ta qoysaskoodaba dabareen, iyagoo aqoonta ka helay gudaha Dalkooda.

BASInjineeradu waxay si gaar ah xafladdan ugu xuseen Mulkiilaha Jaamacadda Golis Siciid Axmed oo ay sheegeen in uu dalka ku soo kordhiyey Tacliin iyo aqoon baahi weyn loo qabay, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in la sii horumariyo tayada xirfadaha ay jaamacadaasi bixiso oo ay ku tilmaameen in ay Hir fog u Ifisay.

xanduleeMacalin Xandulle ayaa markii uu ka guddoomay furaha gaadhigaasi Ardaydiisa aadugu mahadnaqay, wxaaanu ugu hambalyeeyey abaal marinta ay siiyeen oo uu sheegay in ay tahay midhihii ay ka gurteen dedaalkii iyo samirkii ay u yeesheen aqoontii uu siiyey.

Xukuumadda Somaliland illaa hadda hoos umay eegin aqppnta iyo faa’iidada ay Injineeradan iyo xirfadlayaasha kale u leeyihiin Horumarka Dalka, isla markaana kamay faa’iidaysan cuddudooda, maadaama ay yihiin aqoonyahano ay baahi weyn u qabto xirfadooda.

Dhamaan Ardaydii Injineerada ahaa ee Jaamacadda Golis ka soo qalin jabiyey waxa ay tusaale u yihiin sida ay uga badbaadeen dhibaatooyinka iyo Tahriibka naafeeyey da’yarta Dalka kuwaas oo ay shaqo la’aan iyo belwado halakeeyeen halka dhalinyaradan macalinkooda xusuusatay ay badbaaden Ibtilooyinkaas oo dhan.

dhaanMunaasibada  Guddoonsiinta gaadhiga ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka taasoo xafladda ka dhigtay mid qiimaheeda lahayd.