Theatre-ku Laba tun oo la kala qalo ma leh..‏

0
119

Asalamu allaikum. Bacda salaan, Waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa Warbaahinta madaxa-banaan ee Somaliland oo ah rukunka ugu muhiimsan ee dimuqraadiyada Somaliland ku taagantahay.

Maqaalkayganai wuxuu ibo-fur u yahay Tiyaatar -ka Caasimada Hargeisa oo xukuumadu qas iyo fawdo la damacsantahay. Xukuumadii hore ee Riyaale ayaa waxay ku wareejisay Tiyaatar -ka caasimada Hargeisa ganacsade Cumer Ceydiid si uu u maalgeliyo. Markii xukuumada Siilaanyo xukunka la wareegtay ayaa waxaa soo baxay damac uu dabada ka riixayay ninka lagu magacaabo Sul. Saleebaan(Habaar), iyadoo xukuumadu aan waxba hubsan ayaa Cumer Ceydiid laga horjoogsaday dhismihii uu ka wadey Tiyaatarka. Kadib markii arinkaas laga hawl-galay iyadoo ganacsaduhu uu soo bandhigay document -kii lagu wareejiyay Tiyaatarka Hargeisa inuu maalgashado iyadoo ay waqtigaa goobjoog ka ahaayeen duqii caasimada Engr. Jiciir & Wasiirkii arimaha gudaha Dr. Gaboose. Markii xukuumada Siilaanyo ay weyday meel ay ka marto heshiiskii ay wada galeen Xukuumadii Riyaale & Ganacsade Cumar Caydiid waxaa loo fasaxay inuu sii wado maalgashiga iyo dhismaha Tiyaaatar-ka, iyadoo uu ganacsaduhu lacag iyo dhaqaale badan geliyay dhismaha Tiyaatarka oo hada gebogebo ku dhaw.
Waxa layaab iyo amakaag noqotay in Madaxweynse Siilaanyo uu ka soo daba saaro warqad uu ku siinayo qayb dhulkii kamid ah isla ninkii dhulka tiyaatarka markii hore ku haystay ganacsadaha, Sul. Habaar iyo nin kale oo la yidhaa Sul. C/raxmaan. Arinkaas oo dadkii reer Hargeisa ku noqotay fajac iyo amakaag. Waxaany dadku is-weydiinayaan sababta waqtigan keliftay in Tiyaatarkii oo dhismihiisii gabo-gabo ku dhawyahay hadana la soo siiyo dad kale?
Hadii madaxweyne lagu hoos-dhigay warqadaa oo adigoon ka fiirsan lagaa saxeexay waxaan kugula talin lahaa inaad imika ka ka istaaqfurulaysato oo ka noqoto.
Ugu dambayntii, waxaan u sheegi lahaa xukuumada in Tiyaatarka Hargeisa aanu lahayn laba tun oo la kala qalo. Sidaas daraadeed waa in xukuumadu ka fiirsataa go’aankaas keeni kara xasilooni darada. Hadii kale xukuumadu iyadaa ka masuul ah wixii halkaa ka yimaaada.
Deeq Aw Jaamac
Hargeisa.