SOMALILAND IYO SOMALIYA : INTAANAY WADA HADAL BILAABIN ,WAA IN

0
159

Waxa xukuumadda somaliland ee uu madaxwaynaha ka yahay axmed ,go aansatay inay somaliyada koofureed wada hadal la yeelato ,oo ay arimo badan oo meel ay u marto ay garan la dahay ,iyo meel ay ka bilaabtoba . xukuumaddii ka horeysa (udub) ee uu hogaaminayay daahir ee gaadhiga taagan saarnayd ee meella dalka u dhaqaajin . hadaba arinka lagu doortay xisbiga kulmiye ,waxay ahayd inay dalka ictiraaf u keenaan ,waanay ku balan qaadeen ,ilaa iminkana wax ay hayaan iyo meel ay u dhaqaajiyeen midna ma jirto ,ama raja fiican oo ay sugayaana ma jirto .

wuxuu arinkii xukuumadda ahmed isugu soo biyo shubtay ,somaliyada koonfureed waa inaynu la hadalnaa ,oo ictiraafkeena ka dhamaysanaa .
Hadaba waa maxay barnaamijka ay xukuumadiisu ay haysaa ee ay kula hadli doontaa koonfur ?
waa maxay qorshaha uu hayaa ee uu kaga midho dhalin karaa ,in uu wada hadalkaa ku guulaysto ?
somaliyada koonfureed ma ognahay waxay odhan doonaan ? halkay taagan yihiin waynu wada ognahaye ?
maxaase ka horeeya intaan la wada hadlin ?
Hadaba waxa weeye in xukuumadda somaliland ay diyaarsato wada hadalka ka hor ,shuruudo aad u adag oo ay xukuumadda muqdisho liqi  kari waydo ,meel ay kamaraana ay waydo . oo ahna mid ay ku qasban yihiin inay fuliyaan , afkii (luqaddii) aduunku uu fahmayayna ah ,luqad siyaasadeedna ku qoron , oo aan hanjabaad ama aflagaado ,ama jileec  ama tanaasul ka muuqdo lahayn. shuruudahaa waxa ka mida :
1-  in uu madaxwaynaha somaliyada koonfureed raali gelin sameeyo iyadoo af iyo qoraalba ahna aduunka u sheego …(shacabca somaliland waxaanu ka raali gelinaynaa  xasuuqii iyo dilkii iyo burburkii ………..
..iyo iyo …ay xukuumaddii somaliyeed kula kacday shacabka somaliland (ee gobolada waqooyi dega )
2-in baarlamaanka somaliyada koonfureed u raali gelin ka bixiyo (af iyo qoraalba) wixii xukuumaddii somaliya u gaysatay shacabkii reer somaliland(gobolada waqooyi)     ee xasuuqa iyo burburka iyo dilka -qaxa =dhiiga ……………….iyo iyo ………………………….
3-waa in ay ogalaataa xukuumadda somaliyada koonfureed inay  bixiyaan ( tacwiid) badhigooyo , dhan 800 oo bilyan ,muddo 25 sano gudahood ,khasaarihii ay u gaysteen ,shacabka reer somaliland (gobolada waqooyi) , siday ku bixinayaanna ,waa inay wixii dalka soo gala boqolkiiba 15 siiyaan somaliland (gobolada waqooyi). arintan oo ay dacwad u gudbiyaan maxkamadda aduunka ,kana soo ansixiyaan  ,arin qasab ku ahna noqota xukuumadda somaliyada koonfureed inay fuliyaan ,beesha caalamkuna taageerayso .
4-waa inay ogalaataa xukuumadda somaliyada koonfureed  inay bixiyaan  (tacwiid)   badhigooyo ndhan 800 oo  bilyan , muddo 25 sano gudahood ,dilkii iyo burburkii iyo qaxii iyo ….. ay kula kaceen shacab somaliland (gobolada waqooyi) ,    arintan oo ay maxkamadda aduunkana u gudbiyaan dacwad ,ka soo ansixiyaan ,oo ahna arin sharci ah  . kuna  qasab ah inay xukuumadda somaliyada koonfureed fuliyaan ,   beesha caalamkuna kugu taageerayso go aankaa maxkamadda aduunka ansixisay .
5- go aamadan ciddii ka hortimaada ,fulinwaydana , maxkamada aduunka ayaa la horkeenayaa …………………………………………………………………………….
6-waa in ay qirataa xukuumadda somaliyada koonfureed inay ay ciidamadii qarankii somaliyeed 1969 ay jabiyeen heshiiskii ay wada galeen labadii dal ee isku biiray 01-07-1960 ,  A-markii ay nadaamkii doorashooyinka ku dhisnaa ay xidheen .. EE  B-ay xisbiyadiina xidheen   C- baalmaankiina albaabada u laabeen       D-distuurkii dalka u yaalayna ay laa laabeen …
sidaa awgeed iyagaa ka baxay  wixii labada dal saldhig u ahaa ,ee ay qaybo kaga heshiiyeen ,inkastoo wax badan la kala saxeexan  …………. paolo contini report kiisii 1969 eeg.
qodobadan iyo qaar kale oo fara badan oo xaq ay somaliland u leedahay waa in ay sii diyaar sadaan oo ciddii u dhaxaysa u sii gudbiyaan ,qaarna la hadhaan waxii farsamo sharci ku lug leh (…….sida…) .
maxkamamadda  aduunkana waa in loo gudbiyaa dacwadan iminka    (…………..) . maxkamadda africa na  iyo maxkamadaha kale ee loo baahan yahay in loo gudbiyo iyo hay adaha ku shaqada leh ba ….
7- qadyadan markan waa in lagu guulaystaa , waxaanay ku xidhan tahay sida loo galo ,looguna diyaar garoobo .
8-waxaa  muhiima in la ogaado waxa ay xukuumadda somaliyada koonfureed ay la imanayaan .. (arinkaasuna wax aad u adag maaha ) maanta
9-waa inaynu garanaa ,fahanaana waxa aynu doonaynaa sida ay noogu hirgelayaan ,iyo sida aynu uga guulaysanayno  …
10 -arinkanu uma yaalo wasaaradda arimaha gudaha iyo madaxwaynaha oo qudha iyo xukuumadiisa , ee waa  arin qaranka somaliland oo dhan ka dhaxeeya
waa masiirkii umadda somaliland iyo aayihii dalka somal;iland oo dhan ,markaa yaan la fududaysan … laguna guul daraysan … khalad danbena yaanu dhicin  …
wabilaahi altawfiiq
cali maxamed biixi                      caliwwelli@hotmail.co.uk