Ma Dhab baa in Xukuumada Siilaanyo Raadinayso Somaliland oo waddan caalamka ka mid noqoda:

0
75

Saddex iyo labaatankii sano ee an ka soo gudubney waxa baadi goob loogu jirey yagleelka wadan madax banaan, Dimuraadi ah oo sida koonfurta Suudaan adduunka ku soo biira. Xaqiijinta himiladaasi oo dariiqa loo marayaa qodax badan, caqabado iyo miino halis ahi daadsan tahey oo in si fudud loo maraa adag tahey ayaa noqotey in beerka loo dhigo cagtana la saaro buur iyo banaan bad iyo barri meel kastow inala gashaba la jiidh oo dib looga soo maagin.

Sahayda iyo qalbka jidkaa halista, caqabadaha, miino baadhka, jararka iyo qodoxada badan lagaga gudbayo ee wax ka tari Kara ka midha dhalinta himilada ummadda caalamkana kaga gadi karo loo asteeyey qodobo la cuskado uguna muhiimsan yihiin:

(1) Hirgalinta dib u heshiisiinta dhammaan beelaha dalka wada degga (2) Ku fidinta maamulka degmo iyo tuulo kasta oo dalka ka mid ah. (3) Saami qeybsi loo dhan yahey oo Cadaalad ku dhisan (4) Suggida nabadgelyada dalka guud ahaan, dadka, hantidooda, (5) Dhawrista xaqa iyo xuquuq al-insaanka iyo xoriyada fikirka (hadal ama qoraal)(6) Ku dhaqanka iyo Ilaalinta Datuurka iyo xeerarka inoo yaal (7) Dhisme dawlad dimuqraadi ah oo golayaal kala madax banaan iyo maxkamad is dheeli tira iskuna ilaaliya ku dhaqanka dastuurka iyo sharciga.

Arrimahaas oo dawladihii hore in kasta oo aaney wada hirgalin ay wax badan ka fuliyeen (taaba galinta dimuqraadiyada) caalamkana kaga heley sumcad iyo qadarin aad u weyn. Laga yaabee, haddii aanu xawaarihii hoos u dhac ku iman oo dawlada Siilaanyo horey ugu sii talaabsan laheyd dhameystirka iyo xaqiijinta inta harsan; ay suurta gal noqon laheyd in dawladaha qaar Ina aqoonsan lahaayeen ama ku dhawaan laheyn.

Haddaba, waxa isweydiintu tahey; Halkee baan mareynaa? Maxaa qaldamey? Ma awoodney in jidkii caqabadaha badnaa baneyno? Saheydii ma inagu filan tahey; mise; si xun baan u isticmaaley oo waan ka fara baxney?

Wager! Fari Kama qodna. labo talaabo hore u soco, shan dib u qaad, waa jug jug meeshaada joog; maxaa daal la korodhsadey. Jawaabta oo duubani waa geedi hor leh iyo hayaan cusub oo u baahan in si fiican loogu sahan tago. Qalab iyo sahey waxii dayacmeyna dib loo yabyabo. Waxase hubaal ah nabarada Ina soo gaadhey ma hawl yara oo daaweyntuna wey fog tahey! haddeynaan isdaba qaban oo sooma jeestayaal daacad ah loo xulin.

Waxa laga sugeyey Maamulkan Siilaanyo in uu dhameystiro qodobadii u asteysnaa hayaanka geedi socodka dheer. Waxa looga fadhiyey oo cod buuxa loogu dhiibey aheyd 🙁 1) Fidinta maamulka iyo sugida xuduudaha; in uu gaadhsiiyo ha joogtee intaan heysanuu lumiyey qaar!

(2) Nabadeynta beelaha siiba bariga. Dagaal iyo cadaawad cusub baa ka sii holacdey. (3) Sii adkeynta Dimuqraadiyad ha joogtee, cabudhin, xadhig, cagajugleyn  iyo diktaatooriyad baa badaeshey.

(4) sugida amniga; waxa badeley in suuqa Hargeysa dharaar cad la isku toogto.(5) cadaalad daro, Eex, qabyaald,musuq, hanti boob iyo takoorida beelaha kale oo faraha ka baxdey,halkii ay taagneyd boqol lab ka hoos martey.(6) Iibgeynta qadiyada qaran madax banaan. Nasiib daro halkii horey loo gaadhey; ayaa gogosh dib looga soo laalaabtey.

Waa maxey sabta keentey in hayaankii dhabihii u ku socdey ka leexdo oo dib ugu noqdo halkii sannado badan ka hor hayaanka qaranku ka soo bilawdey. Ma dirawalka ayaa jaha wareerey oo dham’ay. Ma go’aankiibaa wax iska badaleen oo wax inaga qarsoon baa jira. Ma gadhwadeenkii an igmanaan wadin?

Ma garan karo waxa badeley; ninka shaley, wuxuu ka dagaalamayey maanta dhex fadhiya ee waliba ay la qurux badan tahey!

Hab dhaqan iyo maamul noocan ah qaranimo raadin miyaa!

 

Islaan ay isu qaban kari waayeen turuq-yada (xoogga) Wiilka ay sodohda u tahey iyo dhalmo la’aanta Gabadheeda; baa tidhi; “Ninka xooggaa leh, Gabarteyda kama dhali waayine, uu hakranayaa!”  Sidoo kale,” Gadhwadeenku Garasho Kama ah”,

Waxa ii muuqta in la xaalufinayo si caalamku dhabarka inoo soo jeediyo ka dibna karaama la’aan qofba meel ka huleelo, haddii la isdaba qaban!

 

Wa bilaahi tawfiiq.

 

       Abdi Geireh.

  ageereh@yahoo.com

xisbiga wadani

 Seattle,WA, USA.