Damanow Indhawaydba, Gugan daahyada faytay, Dadku waa u sinnaaye , Daryeeloow shacabkeenna, Dooddan loo qabanaayo, Maxaa kaaga daliila?Warkaad daalacanaysay, Bal maxaad ka dareentay? Yaa danguud ku helaaya? Yaase looga danleeyay, Inay duubka wanaaggiyo, Darajooyin ku gaadho?!!! Yaase daadihinaaaya?!!! Danjiroow bal dhagayso, Xogtu maanay ku daarin? Waxa dooddan ad sheegtay, Ku dhawaaqay dad gaara, Danta ay ka wataanna, Waxa ay ka damc eenna, Wali maannu dareemin, Damanow bal dhagayso, Daayinkaa oge heedhe ,Marka aanse dareemay, Ifafaalaha dooddan, Waa siyaasad la daahay, Waa dabuub rag duraysa,Ragna doobi ka maalo!!!Oo dadwaynuhu manta,Wax danooy ku qabaana, Dayi maayo xiskaugu!! Waxse taa dawadeeda , Lagu doojin karaana, Waa dadkoo dhexdhexaadin, Ugu deeqa kaskoodee,Dulucdaydu wa taase , Dammanoow ka kac boodhka!!!
Danjire: Xaax!!!!! Waar shaah ii dhiib , ala qabooba ayey, kurba aariyo ayaa ku galaysa. Waar kii damane mukhaayadii waakan aan joogine, tallow ma dhaxamuhuu ka hoyday
Damane: War Danjire, bal waran, waxaan nabad iyo dhaxan ahayn, soo lagama ladna .
Danjire: waar haayoo, wadankii baraf ayaa ku fadhistee, imikaaban niyada kugu hayee waar cimri dheridaa,bal soo fadhiiso oo shaah cab
Damane: maalin horaa iskugu keen danbaysoo, orod ayaynu isku dhafnee, soo warka ma haysid halka shirkii dooda qaran ku danbeeyay iyo inaanu guulaysanay
Danjire: kkkkk……… Mayee waxaa ogahay in khibrad iyo waayo aragnimo siyaasadeed la isku naafeeyay, dawladuna guul ayay joogtaa mar hadii ay gacmihiinii ka fara maroojisay shirkii dooda qaran ee aad ku khuukhinayseen
Damane: Gaw! Waar dawladu sowdigii ogaa inay fooq isa saartay, miyaanad arkayn inaanu dhulka keenay oo ay aqbaleen shirkii dooda qaran ee ay diidanayeen
Danjire: War sidii xalku ahaa ayay timide , waxaad iiga warantaa, hurtu gudoomiyaha golaha wakiiladu ahna gudoomiyaha xisbiga wadani, ma kacaankii shuuciga ahaa ayuu si aad aha ula shaqayn jiray
Damane: Wadhaadu maxay tahay, Shuuciyadii odayga wadanka haystaa uga gacan dhuubnaaye
Danjire: Mayee waxaan ka wadaa, wakhtigii siyaad bare ayay ahna ahnadu aad u shaqayn jiree, inta Somaliland imikaaba iigu horaysa, gudoomiye mucaarid, utartame madaxwayne, ahna gudoomiyaha wakiilada
Damane: waar nin yahow, miyaanad u jeedin xukuumadan hantidii umada ku dhamaysay kursigan gudoomiye nimo ee golaha wakiilada, halka umadii ka bakhtiyayso, wadankiina goboladii barigu faraha ay ka baxeen , Miyaanay gardaro cad ahayn oo loola badheedhay Xisbigii Wadani Iyo abdirahman ciraba, soo isaguna wuxuu doono ha sameeyo maaha, murankii iyo is qab qabsigiina ha sii xoojinaysto maaha
Danjire: Waar gobolada barigu, kursigaa abdirahman ciro ayay ku xidhan yihiin xaaladoodu,ye ee miyaanad u jeedin in abdirahman ciro nasteexo loo sameeyay, oo bambo gacmeed kii dhagaraysnaa ee madashu u soo dhiibtay laga gaadhay intaanay isaga ku qarxin, lagana fara maroojiyay.
Damane: maan fahmin ee maxaad ka wadaa
Danjire: Waar waxaan ka wadaa, madaxwaynaha iyo gudoomiye ciro markay kulmeen, madaxaynuhu wuxuu u sheegay in ciyaartan la yidhaahdo qaaxiyoolaji, waxbana aanu ka fahmayn, nimankan mujaahidiinta ahna ay soo wada dhigi jireen markay qaaxo joogeen, sidaas ayaa wax loo fahansiiyay oo shirkii dooda qaran looga fur furay.
Damane: xog la’aantu waa ta kaa hadashiinaysee, war miyaanad ogayn in gudoomiyihii guurtida saleebaan Nuur iyo Xaaji abdikariim oo wadanka iyo dadkaba ixtiraam gaar ah ka mudani, inay ergo ugu tageen, isaguna aqbalay odayasha cul culus, garsheegasho ka bacdi, mida kale maxaad ka wadaa markaad leedahay gobolada barigu kurisgaa abdirahman ciro ayay ku xidhan yihiin xaaladoodu
Danjire: Waxaan ka wadaa mar hadii uu isa soo dhiibay oo lagaga adkaaday fara ku hayntii shirka dooda qaran, madashii wada tashiga ee ay madaxwaynaha is faryaqaaneena banaanka la dhigay, waxa hadhay waad garan kartaa, imikaa xaabada loo sii badinayaa, dabkana lagu sii shidayaa qiiqana lagu kordhinayaa, kursigii golaha wakiilada, Xogogaal ayaad tahaye in badan ayay tabashada gobolada barigu taagnayd oo ay lahayeen beelaha dhexe iyo galbeedka ayaa wadanka isku koobay , balse imika dawladu xaqii beelaha soomaliland ayay simaysaa qorshuhuna waa in baashe loo ololeeyo inuu noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada.
Damane: Cajab! Waxa iga wareerisay dhumashadaa dhabarku muuqdo, waar adeerow adeer dawladu waa ku quman tahay inay xaqii bariga ee maqnaa raadiso iyadoo awoodaha wadanka ugu waawayn wax ka siinaysa, balse miyay garan waayeen inay gudoomiya nimada golaha guuritida u baneeyaan reer sool ama sanaag bari, Beel kaliyaa isku haysa madaxwaynihii iyo gudoomiyihii guurtidee, balse hadii abdirahman booskiisaa la gil gilo, faysal cali waraab hore u dhameeyee, kursiga madaxwaynaha iyo ka ciro way isku xidhan yihiin
Danjire :Waar nin yahow , suaal kale, Abdirahman ciro muxuu la qoslaa xaalad walba oo lagu jiro, hadii uu wax tacsiyadanayo waa qoslayaa, hadii wax dhalecaynayo waa qoslayaa, hadii uu hanjayo sidoo kale , hadii uu murugaysan yahay maca daalik, dadku arintaasi fajicso ayay ku abuurtay- arintani ma dublamasiyada ayay la taxaluqdaa
Damane: Gaw !!! Miyaad ilowday diiwaankii qosolka, Mise Waxaad rabtaa Inuu afka buuro oo uu afka taago
Danjire: waxan ku su’aalay Damanow, Malaga yaabaa in mar dhaw la arko xisbiyadii mucaaridka ahaa oo dhaleecaynaya akadamiyada, iyagoo ku eedaynaya in shirkii dooda qaran midabaynayo.
Damane: wax walba ka yaab!! Wax walba waa dhici karaane, balse waxaan ku waydiiyay
xamarahan dagaagee
Dalagiyo hadhuudhkii
Dam ka siiyay beerihii
Ninka wadhaf u daydayay
Ma haduulinbad tidhi
Danjire: Saaxiib igama aha, inaan dhinac la jiree, ee waxaa ii muuqda in:
Waxa laysku dilayaa
Umad doojinteediyo
Dad u hiilin maahee
Genyadan dakaanka ah
Ana aan dulbuuxsho\
Dal’asado markaygoo
Daadka haanku dhaafee
Iga soo deg weeyaan
Xaalku markuu Sidaa yahayna, harageeda waxay ku dhaanto malaha, dadku imika way oohin iyo yaab dhamaysteen, ee oohin cusubi dhimashay ku keenaysaa.
Damane: Nimaan waxa jooga garan, waxa soo socda ma garto!!Waar dadkaa la jahawareerinayaaye, Shirka dooda qaran wuxuu xoojinayaa dimuquraadiyada, Xaqiiqduna waxay tahay inay noo muuqatay in dawladu ka cago jiidayso doorashadu inay wakhtigeedii qabsoonto, Sidaa tii xisbigoodii kulmiye aanay wakhtigeedii u dhacayn , odayguna mudo kordhin ayuu naawilayaa , doorashadana dib in loo dhigo ayuu damacsan yahay.
Danjire: Waar waa inoo iyo wiiga danbe, dhaxamaa jiree, balse waxaan ku sheegayaa in odayaashii soo dhaq dhaqaajiyay shirkan dooda qaran, ee islahaa bal aad madaxtooyada ku gashaan , lagu albaabay, ciyaartu waa 1- 0
Damane: Ok habeen wanaagsan .
W/Q: Mohamed Abdikarim Omer