janjeedhka xukumada siilaanyo iyo jaah wareerka togdheer‏

0
89

anigoo kamida siyaasiyiinta dhalinta yar ee reer s/land 

gaar ahan gobolka togdher waxan halkan baaq uga dirayaa guud ahaan shacabka

ku dhaqan gobolka togdheer gar ahaan degmada burco waxanan

usoo jeedinaya inay ilaashadan nabadooda iyo wada noolaansha hooda

 

anigoo dadkii waxayeeloobayna ilaahay uga baryaaya caafimad

kuwii ku naf wayayna inuu u naxariisto 

 

hadaan intaa kusoo dhaafo waano duco iyo soojeein

waxa mudooyinkii udabeeyay kadhacaayay gobolka togdheer

iyo guud ahaan dalkaba waxyaabo nusqaan ku ah sumcada qaranimad s/land iyo dawldnimadab

iyadoo arimahaas inagu soo kurdhayna laga dareemi karo shucuurta dadka iyo dalkaba

oo maalin walaba aad arkysaan mudaharaadyo beelaysan iyo buuq siyaasiya oo dalka kataagan

 

kuwaasi oo dhamaantood ay horseedo xukumada dalka katalisa ee uu m/weynaa ka yahay 

mudane siilaanyo iyadoo xukumada uu hogaamiyaa kayahayna caadaysatay fadqalalooyin

joogta oo taabtay rabac kasta oo bulshada s/land kamida haday tahay saxaafada madaxabanaan

ee dalka oo maalin walba ay xukumadu kula kacdao tacadiyo aan caadi ahayn oo horseedi kara

 

isku dhac iyo kacdoon dadwaeyne hadaan tusaale usoo qaato dhacdadii ugu dabaysay

waxay ahayd weerarkii waxashnimada ahaa ee ciidamada rrudu ku galeen

xarunta wargaysaka madaxa banaan ee hubaal weerarkaas oo ahaa weerarkii 2aad

ee noocaasa ee loo gaystay wargayska hubaal

iyadoo aynu wada ogsoonayn in mar hore falkaas oo kale in inta lagula kacay

 

oo masuuliyiintii wargayska xadhig iyo jidh dil loo gaystay oo ay rag cadaan loo garanayaan

ugaysteen aan oodh laga qorin oo weliba wax loo qabto daayoo dabiilayashii falka

gaystay si badheedh iyo ulla kaca loo sii daayay 

 

hadaba iyadoo ay waaxsi oo dhami jiraan oo ay yihiin wax umadda sicada ugu muuqda

hadaan usoo noqdo tan maanta kadhacday magaalada burco oo ahayd kacdoon shacab 

isla markaana sababay dhimasho hal ruux iyo dhaawaca laba ruux

kacdoonkaasi wuxuu bilaabmay saaka subixii waanu gabal dhacsaday isagoo mudaharadkii

isu bedelay qaab aan qurux badnayn oo lawada oayahay hadab waxa saaka ku sugnaa

magaalada burco wasiiro xukumadda socda oo aanan hada iska saxayn hawshay u tageen

hadab somalida ayaa ku maahmaahda raqba waa ku rageed ilaa hada lamma oga wax

kala dejina iyo waan waana oo ay arintaa ka guteen  waxaanleeyahay xukumadu waxay gabtay wixii loo igmaday ee loo doortay dhamaantood way dayacday

waayo wixii loo doortay waxay ahayd danaha guud ee umadda oo ay kaw katahay xalinta khilaafaadka iyo ilaalinta nabad gelyada xoriyatul qawlka dimuqraadiyada  

 

midna lamaga hayo iskadaa inay nabad gelyada ilaalisee iyadaaba indhaha kasii ridaysa

oo dee waxynu ognahay in inta xildhibano suuqa lagu toogtay oo weliba rag police ka katirsani toogteen ay tvyada ka qirteen oo ilaa hada ay rag wasiirii ku eedaysanyiin

 

tan maanta dhacdayna waxa keentay isu dheeli tiraanta la.aanta masuuliyadeed ee xukumadu 

samaysay oo halkaas ka fad kudisay arinta la wada arkaayana waxaba laga yaaba inay cid ku eedayso

war waxan leeyahay dalka sidan ku wadi maysaan dakuna idinku eegan maayo ee waa ku fashilanteen hogaamintii umadee ha hodin calankan waa loosoo dhintee

 

waxaan sidaa uleeyahay wuxuu siilaanyo inyii uu m/weynaa ahaa meesha kasaaray dhaan wixii dalkani ku dhisnaa oo aan manta waxaynu ognahay inuu yidhi xisbiyada mucaaradkaa madaxdoodu magaalooyinka ma tegi karaan oo wada tashi iyo cid wax iswaydiin kartaa majirto oo saxaafada hadli kartaa ma jirto 

oo gole baarlamaan oo shaqaynayaa ma jiri karo intuna inay jirana maaha wax anigu aan keligay ogahay ee waa wax caama oo caruur iyo ciroole dadka reer s/land wada ogyiin 

 

hadaba ugu danbayntii waxaan shacabka s/land usoo jeedinayaa oo aan weliba cod dheer ugu sheegayaa waar qaranimadiina iyo wada jirkiina si wada jira u wada ilaashada cidaa masuuliyad ku halaysan meesha ma joogtee 

gabay uu laha alle haw naxariistee maxa.ed c/raxmaanlugooyo

ayaa waxa kamid ahaa tuducan 

nin haduu qabool iyo sarcado quule iyo jeerin

ileen geed quwaax uma bixiyo qariyo saytuun

 

waata maanta ina haysata hadaynu nahay reer s/land ee bal wixii dabe aynu aad uga fiirsano

waa bilaahi towfiiq

by sacad cali kaahin raamaly