Wasiirka Warfaafinta oo sheegay Xukuumaddu inay Ogoshahay Dooda Qaran ee ay Axsaabtu ku baaqeen

0
31

 Cukuse1-300x173“waanu soo dhawaynaynaa in xisbiyada qaranku isu tagaan oo kawada hadlaan danaha dalka, doorashooyinka iyo danaha nabad galyada oo xukuumaduna gacan ka siiso” Cukuse

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda warfaafinta, waygalinta iyo dhaqanka Somaliland. Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa bayaamiyay in xukuumada Somaliland ay ogashahay qabashada dooda qaran ee xisbiyada mucaaridku ku baaqeen qabashadiisa, waxaanu tilmaamay in xukumadu gacan ka siin doonto sidii ay tallo saalix ah uga soo saari la haayeen.

Wasiirka warfaafinta, oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo arrimahaasi ku faah-faahinayo waxa uu yidhi, “Anagu (xukuumada) wadatashi waanu ogol nahay, howsha uu gacanta ku hayay golaha guurtidu si fiican ayaanu u soo dhawaynaynaa, akadamiyada waanu soo dhawaynaynaa, waanu soo dhawaynaynaa in xisbiyada qaranku isu tagaan oo kawada hadlaan danaha dalka, doorashooyinka iyo danaha nabad galyada oo xukuumaduna gacan ka siiso wax kasta oo u fududeynaya inay talo saalaxa dhiiban”.

Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxa kale oo uu sheegay in dalka uu ka socdo horumar iyo dib u dhis ballaadhan, isla markaana aanay maanta jirin balaayo qarankeena taala oo gurmad iyo ka soo kacaay u baahan waxaanu yidhi “xukuumaddan ayaa loo doortay in ay hogaamiso dalkan, dalkana horumar iyo dhisme ayaa ka socda, maanta ma ogi anigu balaayo qarankeena taala oo gurmad iyo ka soo kacaay u baahatay. dooddani waxay noqon doontaba akadamiyada ayay u taalaa oo u magac bixin-doonta laakiin dadka yaan lagu dawakhinin waa dood qaran waa dood ficiis ah, howl inaga inoo taala maaha, waxay u taalaa akadamiyada, golaha guurtida iyo xisbiyada qaranka ee wada hadlayay”.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, waygalinta iyo dhaqanka Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxa kale oo ka hadlay muranka maalmaham dambe ka taagnaa golaha wakiillada Somaliland, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan loo baahnayn waxaanu yidhi “laba gole oo murma ma doonayno, gole gudihiisa murmana ma jeclin, qarankeena had iyo jeerraale muranka waxaa lagu dhameeyaa wadahadal, is-qancin iyo isu-tanaasul. Maxkamadba yaanay idinka tagin’e orda oo waxaa tihiin odoyaashii dalkan mudada dheer u soo dagaalamayay’e sidii aad ku wadeen ee quruxda badnayd ee aad saaxiibka u ahaydeen u ahaada, xeerarkiina hoose iyo nidaamkiina ku dhaqma oo is qanciya wax allaale wixii aad isla qaadataana xukuumad ahaan diyaar ayaanu u nahay”.

Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaa uu tacsi u diray marxuum ku dhintay mudaharaad rabshado watay oo dorraad ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanu shacbiga reer Burco u soo jeediyay inay nabad galayada illaaliyaan.

“Waxaan tacsi u dirayaa cid kasta oo dhimasho ama dhaawac ka soo gaadhay mudaharaadyo ka dhacay Burco. mudaharaadkaas oo sababta uu u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay aanay islahayn aad baan uga xumahay. Illaahayna waxaan ka rajeynaya in naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu marxuunku ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa dhaawacmayna Illaahay ha u sahlo, waxaan ku hambalyaynayaa madaxda gobolka iyo wasiirada halkaasi joogaba howsha ay qabteen iyo duqayda, waxgaradka iyo waayeelka oo ka talinaysay nabada waxaan iyagana ku dhiirinayaa in howsha halkaa ka sii wadaan, waxaan shacbiga reer Burcona u soo jeedinaya inay nabad galayada illaaliyaan”. Ayuu yidhi, Wasiirka warfaafinta Md. C/laahi Cukuse,