Wasiirka Maaliyadda oo Digreeto ku dhaqan geliyey Miisaaniyadda 2014-ka iyo qaabka ay u shaqayn doonto

0
73

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ayaa soo saaray Digreeto uu ku dhaqan gelinayo Miisaaniyadda 2014-ka isagoo ku soo lifaaqay qaabka ay u shaqayn doonto Miisaaniyaddaasi.

Qoraal rasmi ah oo uu Wasiir Samaale ku socodsiiyey dhamaan Hay’addaha Dawladda ee ay khusayso Miisaaniyadu oo Nuqul ka mid ah waaheen heshay waxa ay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo Dhaqan Gallinta Miisaniyada Qaranka ee 2014.

Anagoo Fullinayna Go’aanka Ansixinta Miisaniyadda 2014 ee golaha wakiiladda, LR.GW/WAK/04/147/2013. Ee 24/11/2013 iyo Xeer madaxweyne JSL/M/XERM/249/2172/112013 ee 24/11/2013 iyo xeer madaxweyne Lr.0369/112013 ee 24/11/2013 oo lagu baahiyey dhaqan galka Miisaniyada Sanadka  2014.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa nidaamkii iyo tilmaamihii lagu dhaqmi lahaa miisaniyada sanadka 2014 oo ka kooban dakhli iyo kharashba.

1.Dhakhliga.

Dhammaan wasaaradaha dawlada dhexe iyo hay’adaha dawliga ah ee u xilsaaran dakhli ururinta  waxa lagu adkaynayaa  in ay u hawlgalaan qiyaasta dakhli ee laga rabbo inay soo xareeyaan eek u tilmaaman  shaxda deegamaynta  halkan ku lifaaqan idinkoo raacaya shuruucda tacriifadaha iyo hab xisaabeedka dawlada, kuwaasi oo wareegtooyin gaar ah la idiinku soo gudbiyey.

Wax kale oo xusid mudan in madaxda sarre ee Hay’adaha dakhli ururintu iska saaraan xil dabagalka, soo xareynta iyo ogaanshaha heerka dakhliga (kor u kaca iyo hoos u dhacaba) Sida ku cad qodobka Lr.22 ee xeerka kastamada badeecad kasta oo kootarabaan lagu qabto waxa lagu macaamili doonaa sidan:-

·        Marka hore wax lagu ganaaxi doonaa saddex jibaar cashuurta ku waajibtay oo loo geeyey cashuurta dhabta ah.

·        marka labaad 6 jibaar cashuurta ku waajibtay oo loo geeyey cashuurta dhabta ah, iyo maxkamada oo loo gudbiyo.

2. Kharashka:-

Kharashka Miisaniyada sanadka  2014 waxa uu ku salaysnaan doonaa, hadba inta uu yahay dakhliga ina soo galla taasoo la idinku wargalin doono wareegto hadba xaaladu siday tahay saddexdii billoodba hal mar.

Iyada oo lagga duulayo qaabkaasi ah isku dheelitirka Dakhliga, Kharashka  iyo cashuuraha Maaliyadeed, waxa la raaci doonaa qodobadan hoos ku qoran:.

A: Kharashyada la hakiyey illaa bisha Julay:

·        Kharashka Dhismayaasha

·        Kharashka Iibinta Hantida raagta.

·        Kharashka Mashaariicda ku jirta.

B. waxa reeban in la galo kharash dheeraad ah (Over Expenditure) oo ka baxsan Miisaniyadda, sida ku cad xeer nidaamiyaha xisaabaadka dawlada Qodobkiisa 17aad Xubintiisa 1aad.

C. Waa in Isticmaalka kharashyada aan lagu koobin Magaalo madaxda oo kali ah   ee lagu fidiyo, laguna baahiyo dhammaan xafiisyada Gobolada, Degmooyinka Dalka, iyada oo la raacayo habka waaranadda si loo  af-jaro Cabashooyinka ka yimaada gobolada iyo degmooyinka.

D. in awooda kharashka (Warrant) ay gaadhaan dhammaan gobolada iyo degmooyinka, saddex billood walba bisha u horeysa, una soo diraan xisaab celinta xaruntooda maamul saddex billood walba.

E. sida ku cad qodobka 54 aad ee xeer nidaamiyaha xisaabaadka, waa in wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladdu saddex billoodkiiba hal mar u soo gudbiyaan xisaab celintantooda  guud wasaarada maaliyadda gaar ahaan waaxda miisaniyadda iyo xisaabaadka guud, isla markaana aan loo sii deyn doonin waaranka kharashaadka Saddex billoodka ka danbeeya ciddii keeni wayda.

F. Biilasha Taagan ee ka soo hadhay sanadkii hore ee 2013, waxa loo bixin doonaa qaabka ay ku baxaan kharashyada miisaniyadu.

G. cid kasta oo lacag gacan ku hayn ah qaadata (Imprest) waa in ay ku soo xarayso khasnada dawlada inta ka horeysa 31 December waxaana laydin xasuusinayaa in ciddii hore loogu lahaa lacagta Impres-ka ah aan loo ogolaan doonin mid danbe illaa inta ay ka soo xareeynayaan kii hore, xisaabiyaha guudna waxa laga codsanayaa in uu waaxda miisaniyadda u soo gudbiyo Liiska Wasaradaha iyo hay’adaha ee aan illaa hadda soo xareyn Imprest-kii ay qaateen.

H. Agaasimaha waaxda miisaniyada, xisaabiyaha guud ee dawlada iyo hantidhawrka guud waxa lagu wargalinayaa in waaranada kharashka ee soo gaadha hawshooda ka gutaan muddo ku siman saddex cisho guddahood oo ka billaabanta maalinta loo soo gudbiyo, Dabagalka hawlaha la xidhiidha waxa ka masuul ah cida waaranka kharashka leh.

3. Kala wareejinta Miisaniyadda (Budjet Variation).

Sidda uu qeexaayo Qodobada 16 aad xarafkiisa 3aad ee xeerka maamulka Maaliyadda iyo xisaabaadka, wixii kala wareejin ah madax xigayaashu waxay ka bilaabi doonaan 1 July illaa November, waxaana awood kala wareejinta leh wasiirka wasaaradda maaliyadda sida uu tilmaamayo qodobka 6aad xarafkiisa B ee xeer nidaamiyaha xisaabaadka dawlada, waxaana ka reeban in kharashka shaqaalaha iyo hantida raagta wax laga wareejiyo.

Fulinta Siyaasada 2014. Sida ku cad go’aanka golaha wakiilada ee kor ku xusan waxa lagu ansixiyey lifaaqa siyaasada miisaaniyadda 2014, waxaanan halkan idinku soo gudbinayaa qodobada ugu muhiimsan ee u baahan in aynu si wadda jir ah u fulino waana siddan. In wixii hay’adaha caalamiga ahi ku caawiyaan hay’adaha dawlada heshiisyadooda loo soo gudbiyo wasarada maaliyadda iyo wasaarada qorshaynta qaranka sidoo kalena xisaab celintooda lix billood kasta loo gudbiyo wasarada maaliyadda.