Qareen Foosi Maxkamadda ha horkeeno waayey Cidaan ka Qaatay Magtii Inankayga

0
119

Aniga oo ah aabaha dhalay Marxuum la odhan jiray C/raxmaan Cawil Xasan oo si badheedh ah uu toogasho ugu dilay Edaysanaha Magaciisu yahay Maxamed Aw Cabdi Jaamac Taariikhdu markay ahayd 29/08/2012 eedaysanaha oo wakhtigaa ahaa Taliyaha Saldhiga Daloodha oo ahaa masuulkii loo igmaday inuu sugo nabad-gelyada  Xaafada 26 Juun.waxaan doonayaa inaa jawaab ka celiyo qoraal uu ku soo qoray gudoomiyaha qareenada Somaliland Wargeyska Haatuf  ee ku Taariikhaysnaa 23/12/2013 Cadadkiisuna ahaa 348, Qareen Foosi waa Qareenka difaacayay Eedaysanaha.Qareenku Waraysigiisa laba Mawduuc oo kala ahaa Waaranka Maxkamada sare  ciidamada JSL  ku soo qabanayso , mawduuca labaadna waxa uu ahaa in dilkaa laga heshiiyay oo mag la kala qaatay hadaba waxaan jawaab ka celinayaa qaybta aniga I khusaysa oo ah mag qaadashada.Hadaba aniga oo ah aabaha dhalay Marxuumka Magacayguna yahay Cawil Xassan Xuseen waxaan ummada reer Somaliland iyo inta cadaalada jecelba u sheegayaa madaama aynu dad muslim ah nahay Dilkuna yahay Xuduudaha lllahay Gooyey, Cidii Illahay siiyay mooyaane cid kale aanay go’aan ka qaadan Karin  waxaan halkan ku cadaynayaa inaanay jirin cid aan mag ka qaatay  iyo heshiis aan cid la galay.hadaba qareenka iyo cida kale ee ay khusaysaaba ha  u soo bandhigaan Saxaafada iyo Maxkamada sare ee Ciidamada ee wakhti xadirkan ka garnaqaysa dacwadan wixii cadaymo ah ee ay ku Cadaynayan inaan mag qaatay ma aan heshiis cid la galay Anigoo ah Aabaha Marxuumka dhalay.Hadaba waxaan ummada reer Somaliland u sheegayaa in Maxkamadii Darajada koowaad ee dacwadani ka soo bilaabantay  bishii sagalaad 2012 inay igu heshiiyeen Qareen Foosi iyo Gudoomiyaha Maxkamada Derajada koowaad iyo Xeer Illaaliyaha guud oo ahaa Ninkii Xuquuqdayda iyo qaranka u doodi lahaa. waxaan ku cadaynayaa in xukunkii Maxkamada Derajada koowaad aan ka codsado inuu Anbiil iigu qaado Maxkmada sarre Xeer Illaaliyaha GuudCodsigaygaas oo uu si toos ah iiga Horjoogsaday Xeer Illaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland iguna yidhi waanu ku qanacanay Xukunkaa Shanta sanadood ah ee lagu xukumay Gacan ku dhiig laha sida badheedhka ah  dil ka u geystay.Ummada waxaan u cadaynayaa inay saddexdaa masuul ee aan soo sheegay ay u heshiiyeen inay lumiyaan xuquuqda Marxuumka iyagoo dan gaar ah ka lahaa Xuquuqdaa ay iga duudsiyeen.Dacwadan oo Dhegaysigeedii ka socodo  7 Bilood ee u danbaysay  Sanadkan 2013  lana mudeeyay dhegaysigeeda Dacawada Lix jeer, Lixdaa fadhi ee ay Maxkamadu yeelatay waxa carqalad geliyay Qareen Foosi  isagoo caadaystay inuu mar walaba ka gudbo xuquuqdii Qareenimo ee uu ku difaaci lahaa Eedaysanaha.Qareenku wuxuu isku dayi jiray inuu na cadho geliyo si aanu nabada galyo darro u gaysano kiiskan xasaasiga ah  Arrimaha uu sameeyay Aakhirkii Maxkamada sare ee JSL waxay gartay in Qareen Foosi  Qaareenimadiisii uu wakiilka uga ahaa Eedaysanaha markii uu fadhigii lixaad ka soo qayb gali wayay  ay ka qaaday masuuliyadii uu ugu doodayay  Eedaysanaha kuna amartay Eedaysanaha inuu soo doorto Qareen u dood Xuquuqdiisa. hadaba waxaan ummada u sheegayaa inaanay jirin cid ka qaadi karta Xuquuqda Illahay, Cid aan u daba fadhiisanayaana aanay jirin.