Golaha wakiiladda oo Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyey jawaab celintii ay ka sugaysay

0
83

6257 (1)Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ayaa Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah u gidbiyey jawaab celinta Dacwadii ay ku-xigeenada Golahaasi u gudbiyeen Maxkamadda ee ay ka soo saartay Hakinta go’aankii isku-shaandhaynta Guddiyadda.

Lama oga Nuxurka jawaabta uu celiyey Guddoomiye Cirro hase yeeshee sida uu ku dooday waxay u egtahay mid ku lidi ah ka Gar-naqida khilaafka Xeer hoosaadka ku salaysan ee u dhaxeeya Shirguddoonka iyo Golahaba, taasoo uu horeba warbaahinta uga sheegay in aanay Maxkamaddu Xaq u lahayn.

Guddoomiye Ciroo sida uu ku dooday markii uu helay Dacwada waxa uu sheegay in ay si waafaqsan sharciga uga jawaab celin doonaan, isagoo ku hanjabay in Waaxda Garsoorku faraha kala baxdo Golahooda, taasoo ka muuqata hab-dhaqanka Golaha oo hawlihiisa si caadi ah u wata tan iyo intii ay maxkamaddu Dacwada soo gaadhsiisay.

Illaa hadda Maxkamadda sare wax jawaab ah kamay soo saarin Dacwada ay hayso Eedeeda iyo jawaab celinteeda toona, hase yeeshee waxay u muuqataa in sida ugu dhakhso badan ay uga soo saari doonto Go’aan maadaama ay furtay Dacwadaasi.

Khilaafka shirguddoonka Golaha wakiiladda ayaa illaa hadda aloosan mana jiro xal la isugu soo dhaweeyey dhinacyada illaa imika, waxaana muuqata labada dhinac midkoodna inaanay waxba u dhaqaaqin maadaama ay kala taagan yihiin laba dhinac oo kala fog.

Guddoomiye Cirro ayaan wax talaabo ah ka qaadin labadiisa ku-xigeen, waxaanay u muuqataa in uu sabaale ku wado arrinta maadaama sida ay xildhibaano badani ku doodayaan aanu awoodi Karin in uu cod u qaado si uu awooda shirguddoonimo uga qaado.

Labada ku-xigeen ayaan iyana dhinacooda waxba u dhaqaaqin marka laga reebo Dacwada ay Maxkamadda Sare go’aankeeda ku sugayaana ma jiro natiijo uga soo baxday Dedaaladda la wado ee lagu dhex dhexaadinayo labadooda dhinac.