DADKA REER BERBERA GOORMAY BARAARUGI‏

0
107

Marka hore waxaan salaanta islaamka ku salmaya dhamaan maamulka iyo hawl wadeena hadhwanaagnews iyo akhristayasha sharafta leh

waxaan qormadaydan baraarug ku bilaabaya fariin boholyaw oo ay magaalada berbera uso gudbinayso dadkeeda taaso ay ku dareensinayso baylahda iyo dayac dishooday ee ay  maanta ku sugantahay waxay tidhi berberi
Baryaan aamusnaayo
Buus anan odhanon
Beegsanayay samiron
Baxnaano uun ku jiraye
Baylahday dushayduye
Dayartiyo barbaartiyo
Bulshadaydan huruda
Goormay baraarugii
Baabaday aqoontii
Duruustiyo wax barashadu
Dayartii basaato
Bayhoof daraadii
Badhna way tahriibeen
Baaqigiina xeebaha
Bahaluhu ku laayeen
Boqolaal haweena
Bayhoof daraadii
Biimeeyey nolosho
Badahaa aduunyada
Bakhigooda laga helay
Baylahday dushayduye 
boob ila duljoogo
Bogcadaad istaagtaba
Baayac dhulkiino
Badihiina iibsho
Baabiya hantidoo
Buuxsada caloosho
 
Biishada dadkii noo
Dakadayda bilan iyo
Baasiinka haamaha 
Balaayinka lacageed
Barjihiina weeye
Bay ha ii manbaynina
 
Waxaan baaq u dirayaa
Dayartiyo barbaartiyo 
Bulshadaydan hurudoo
Waxay berberi leedahay
Bi waaye tooso
iska baadha raganimo
Qayrkiin la baratama
Hadaan inta ku dhafo fariintii magaalada  berbera ee xambarsanayd dareenka naxdinta leh iyo iftiimin waayaha dhabta ah ee ay ku sugan tahay
akhristee sida aynu wada og nahay waxaa jira dayac iyo baylah badan oo dishooday degmada berbera sida runtiiya waxa dibu dhac ku yimii dhamaan adeegyadii nolosha bulsha mu huraanka u ahaa sida biyaha waxbarashada caafimaadka laydhka iyo wixii la mida
hadaba hadaba yaa ka masuul ah oo dayacay iyo baylahda taagan ee maanta ka jirta degmada berbera
Bal aynu eegno Xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka jamhuuriyada somaliland
Xeer no  23 QODOBKIISA 36AAD
XILKA GOLAHA DEEGAANKA
1 Golaha deegaanku wuxuu awood buuxda u leeyahay hawl kasa oo ka mid kuwa ku tilmaaman qodobkan oo loga fadhiya ka midha dhalintiisa inta ku jirta xadka degmada
a) xoojinta iyo kor u qaadista nabad galiyada deganaanshaha kala dambaynta iyo wanaajinta xukunka dawliga ah
b) kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha
c) Kobcinta iyo kor u qaadista Arrimaha Bulshada, sida
waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Laydhka, Nadaafadda
I.W.M.
d) Wax ka qabadka iyo hagaajinta deegaanka, Dhiraynta, Xoolaha
iyo fulinta Awoodda kaabayaasha dhaqaalaha I.W.M.
e) Aasaasida suuqyo badeeco, xoolaha iyo Kaluunka
f) Kormeerka dhismooyinka cusub, kuwa la cusboonaysiinayo iyo
kuwa u baahan in la dumiyo.
g) Ka hor tagga dhibaatada abaarta, duufaanada, dabka halista ah iyo
dhibaato kasta oo wax u dhimi karta dadweynaha .
h) Daad guraynta dadweynaha hadii aafo dhacdo.
i) Diyaarinta iyo fulinta barnaamijyada iyo Mashaariicda
Horumarinta Fank, Isboortiga iyo Suugaanta.
Horumarinta Fank, Isboortiga iyo Suugaanta
k) Dhismo goobo biyood oo magaalooyinka iyo tuulooyinka
dhexdooda ah.
l) Samaynta iyo dayac tirka wadooyinka.
m) Soo jeedinta iyo codsiga wax ka beddalka iyo habaynta Naqshadda
magaalooyinka Degmadu ka kooban tahay.
n) Diiwaan gelinta dadweynaha Degmada.
o) Diwaan galinta hantida ma guurtada ah ee dadweynaha
Degmada ku nool iyo tan Dawladaba.
p) Habaynta iyo aasaasida goobo ganacsiga iyo farsamo oo
loogu danaynaayo dadweynaha.
q) Noolaynta Shacaa’iirta Islaamiga ah, wadaniga iyo
Caalamiga.
r) Diyaarinta iyo oggolaanshaha dib u eegista Miisaaniyadda
D/Hoose.
s) Daryeelka Horumarinta Miyiga iyo dhiirigelinta wax soo
Saarka iyo abaabulidda
t) Dhiirigelinta Mashaariicda isku tashiga Bulshada.
u) Habaynta Hawlaha aaska ( Qubuuraha ) astaynta dhulka
Qabuuraha.
v) Samayn goobo nasasho, wax akhris iyo Daawasho.
w) Isku dheeli tirka baahida shaqo xadaynta, qorshaynta iyo
jaangoynya shaqaalaha ka hawl gelaya waaxyaha D/Hoose,
iyadoo laga duulayo hadba heerka shaqaale iyo Darajada Degmo
kasta.
x) Ilaalinta iyo Daryeelka Goobaha taariikhiga ah.
y) Dhiirihorumarineed
hada ba akhriste hadad tahay reer berbera waxaad dooratay gole deegaan ka ka masuul ah baahidada iyo daryeelka nolosha
dad duunyo iyo deegaan ba
waxaa se maanta muuqata in ay gabeen xilkii iyo waajibaadkii lo doortay golaha deegaanka ee degmada berbera
sida darteed waxaan ugu baaqaya bulshada reer berbera inta aqoonta iyo dareenka fayaw inta garashada iyo waayo araga ah
inta wadaniyada iyo dareenka damqasho leh dadkiisa iyo deegaankisa ba u damqanaysa
waxaad aragtaan maanta xildhiban maxamed cali dheere oo ka mid ah xubnaha u dul qaadan wayey boobka hantida dadwaynaha
markii uu ka hadlay in maanta la qorsheeyay in xilka xubinimo ee golaha deegaanka la xayuubiyo
maxaa inagu waa jiba hadaynu nahay dhalinyarta iyo aqoon yahan ka reer berbera ilayn sidaani maha wax lo dul qaadan karo ee
sida uu dhigayo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmoyinka XEER NO 23
.QODOBKA 29’aad
KALA DIRIDDA GOLAHA
1. Marka ay (3) kalfadhi oo is xiga sabab la’aan, Degmooyinka Darajada “A” &
“B” fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan. Degmooyinka Darajooyinka C, & D
hadii 4 Kalfadhi oo isku xiga sabab la’aan u qabsoomi waayaan.
2. Marka ay (1/3) xubnaha Goluhu soo jeediyaan (2/3) Na ansixiyaan.
3. Marka Guddi qaran oo gaara ah oo madax banana oo madaxweynuhu u
magacaabay xilka kala diridda ay soo baadhaan gefafka dhacay ee lidka ku
ah xilgudashadooda warbixin iyo talooyin cadna ka keenaan.
4.Marka dadweynihii soo doortay ee Degmooyinka Darajada “A” (5,000) Shan
Kun oo Qof Maxkamadda Gobolka iska diiwan galiyaan kuna hor saxeexaan,
soona jeediyaan in la kala diro Golaha sidoo kale Degmooyinka Darajooyinka
“B” “C” & “D” na waa 2000 oo Qof.
5. Dadweynaha soo jeedinaaya Codsiga kala dirida wax u shardi ah inay
deggan yihiin Degmada kana diiwaan gashan yihiin, isla markaana
buuxiyaan shuruudaha Codeynta Ee sharciga doorashooyinku jideeyeen.
6.Marka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu uu ku qanco, hubiyana
xaqiijinta inay jebiyeen ama ay ku sifoobeen Arrimaha ku xusan Qodobkan Ee
sababta kala dirida Golaha, wuxuu Wasiirku Awood u leeyahay, in uu soo
jeediyo kala dirida Golaha, una gudbiyo Madaxweynaha oo leh Awoodda
kama dambaysta ah ee kala diridooda, iyada oo loo marayo maxakammadda
awooda u leh kala diridooda ee Heer
waxaan ugu baaqayaa oo aan cod dheer ugu baaqaya si waafaqsan xeerka in aynu kalsoonida kala noqono
maadama ay ku guul daraysteen wajibaadkii loo igmaday ee xilku ka saarna
dhamaan dhalin yarada reer berbera wa in ay iska diiwaan galiyaan maxkamada gobolka si aynu kalsoonida ugala noqono
aniga ayaana ugu horaynaya
WA BILAHI TAWFIIQ
FROM LIIBAAN AXMED CIGAAL (DANKALI)