Madaxweynihii aan ku faaneynay aqoon yahan weeyaan aan ku hanweyneyn ha iga hadho

0
96
Waxaan salaamayaa mareegaha xorta ah warka u tabiya aragtida caafimaadka qabta bulshada ayaan waxaan u dirayaa salaan.
 
dhawaantan qalin maan qaadin kumaan cabirin waayo afkiibaa juqda gabay maalin walba wax kaa yaabiyo ayaad arkeysaa. xukumadan qoraladii aan horay uga qoray waxay kuli ku hoorayeen shacabka in ay sida tahriir tagaan iyagoo isku duuban Siilaanyo Madaxtooyada na dhaafo inta laysku dilin dalkaa waayo inta ay iyada oo xukumad ah lexjecelo gali laheyd ay ceeb ka carari laheyd waxaad moodaa in xisbiyadii ay cagta dhulka haloo dhigo laleeyahay, umaddu way yaaban tahay.
 
waxaa dalkan soo maray sadex Madaxweyne sadaxda ba cigaal ugu horeeyey cod kaliya ayuu ku bad baaday sida taariikhdu ay sheegtay. 
 
Daahir Riyaale isagoo ka cararay Impeachment in aduunyada u baxdo waa laga xayuubiyey ayuu wada hadal galay xushmad barlamaanka uu ka cabsanaayo codkiisa aduunka u baxo ayuu quful ku dhuftay waa sharaf.
 
Bals waxaas waxaaba iiga daran ninka aan culeysba ku heyn Siilaanyo maxuu damacsan yahay.
way cadahay dalkaan halays ku dilo isaaq qabiil ha noqdo waxii lagu soo tacab beelay reer halaga dhigo dabadeed xamar ina geeya sow maaha nin walba magaaladiisa calan haka taago sow maaha.
 
Odayga aniga waxaan qabaa in uusan fayoobeyn waayo siilaanyahaan aqaanay maaha waxa dalka maamulayo umad yaaban sharcina waxba ka garaneyn.
 
Waxaase yaableh Siilaanyo oo oran jiray askari ayaa na maamula in uu maanta dib taariikhda loo milicsado bal askarigii iyo isagoo aqoon yahan dhaqaalaha isku sheegay keebaa maamul iyo protocol wacnaa weeye xisaabta Daahir Riyaale iyo isaga way cadaha muran badan ma taagna.
 
Dulucda hadalkeygu waxuu daaran yahay hadaba Xukumada maanta jirtaaa haddiiba ay baarlamaanka Golaha shacabka la soo doortay ay awood u leeyihiin in ay maamuus xayuubin ku sameeyaan.Xukumada maanta jirtaa maxay oran laheyd. waa suaal furan ileyn waa sharci maxay oran laheyd. Dunidaan la soo macaamilay aqoon yahan ayaan ahay Madaxweyne hanaga harto shareeco islaam iskuma xukumeyno waxaan isku xukunaa waa lagislation gole baarlamaan shacabka codkiisa oo dhan ayaa ku dhan markaad diido aad tiraahdo maxkamada sharcidaro ayey sharciyeyn karaan maxkamadanna kama hadli karto sharciyada baarlamaanka soo ansixiyaan ayey maxkamaduhu wax ku xukumaan.
 
 
Muddanne Madaxweyne karaamadii kursiga umada kugu saartay xitaa waxuu ka hoos maray talo garadag talo jaahilnimo ayaa meesha ka socoteeee adeer hadaad daashay waqtiga dada ku heysa gabow ku hayo iscasil umadan inta madaxaaga laysku dilo Siyaad Barihii labaad ha noqon waan kuu digeynaa ileyn dalka military kuma heysatideee qoryaha yaan laysku cabeysan.
 
Ummadan waxaan u sheegeynaaa Xukumada maanta jirta taladii way ku fashilantay waa jahwareer waa dowlado is barkan keebaa talada laga qaataa ma xirsi ma cali mareexaan, ma Amina waris .wiilka sodohda loo yahay, ma samsam ,wasiirka macdanta wasiirka duulista waa su’aal weyn yaa horta ina xukuma oo awood u leh maxkamada u yeedhay maanta maxkamada awood ma u leedahay in gole sharci wax baasgareeyey in uu faraha la galo xitaa gudaha golaha ma gali karaa war inagaa wax aragnay……………..
 
Mudanne Madaxweyne waxba kuuma harineee beelaha qoryo isugu dhiib wax kuu haray ma jirteee sida Maxamed siyaas hubka umada u qeybi walaal. Halagu kala tago salaan iyo kala tag ka dhig haddii ayba shacabka kaa qaadan waayeen xilkooda.
 
 
Ahmed Bashiir Mohamed (Ahmed,Safari)
CHAIRPERSON OF UCID PARTY KENYA
somalilandfirst@live.com
+254722819048