Hay’ada DRC ee Degmada Farawayne oo ku wareejiyay Buuga Qarshaha Horumarinta Saddex Tuulo

0
161

44Hargaysa ( Waaheen)-Hay’ada DRC oo guud ahaan ka shaqaysa degmada farawayne, ayaa waxaa ka warbixiyay waxqabadkeeda iyo mashaariicda hurumarineed ee ka socota degmada,Mudane Abdirashid yousuf Omer oo ka mida hawl wadeenada Hay’ada DRC ee dagmada farawayne.

1491075_10151878516399021_2064516452_nWaxa kale oo uu faahfaahin dheeraada ka bixiyay faa iidada uu u leeyahay buuga qorshaha horumarinta tuulada, kaasi oo faah faahinaaya baahiyaha kaladuwan ee tuulada .

Mashruucan oo ka mid ah mashaariicda horumarinta oo ka socda toban ( 10 ) tuulo, ayaa waxaa buugtan lagu wareejiyay  Saddex ( 3) tuulo oo kala ah Garabis, Caramadaw, Cabdisamad.

Mashruucan oo ay Maalgalisay DANIDA ayna si wada jira ah u fulinayaan Hay’ada DRC iyo bulshada ka faa,iidaysta yaasha. waxaa iyaguna goobtaasi ka hadlay cuqaal ,waxgarad culuma awdin ka soo jeeda deegaamadaasi waxayna u mahadnaqeen hawl wadeenada Hay’ada DRC iyo cidkasta oo ka gacan gaysatay dhamaystirka buugan.