“Xukuumadda ayaan ka mid ahay waxaanan ku shaqeeyaa taladeeda” Cali Xoor Xoor

0
53

Berbera(Waaheen) Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor Xoor ayaa soo saarayw ar-saxaafadeed uu kaga jawaabato war warbaahintu ka qortay oo sheegayey in Madaxtooyadda loogu gar-qaaday isaga iyo wasiir ku-xigeenka Amniga, iyo waliba in ay Madaxtooyadda isku khilaafsan yihiin Heshiis ay kula galayso Dekedda Berbera Shirkadda Balor, arrintaas oo ay diidan yihiin masuuliyiin uu ka mid yahay.

War-saxaafadeedka Maareeyuhu ka soo saaray labadan arrimood waxa uu u dhignaa “Maanta oo ay Taariikhdu tahay December 22, 2013 waxaan beeninayaa war been abuur ah oo shalay ka soo baxay Jaraa’idada iyo website-yada qaar. Ma jiro khilaaf na dhex maray Wasiir ku-xigeenka Aminga iyo heshiis dhex gal ah oo madaxtooyadda lagu qabtay iyo wax caqabad ah oo igaga yimi gelitaanka madaxtooyadda, waanan ka shaqeeya wasaarad ahaan madaxtooyadda. Arrinta kale ee ku saabsan Shirkaddaha Ajaanibka ah ee doonaya heshiis maalgelineed oo dekedda ah,waxay xukuummadda Somaliland doonaysaa horumarin iyo ballaadhin dhakhso ah oo loo helo maal-gelinta dekedda. Marka la helo cid buuxisa horumarka aynu rabno xukuummad ahaan ayuun baa la gelayaa heshiis, anna xukuummadda Ayaan ka mid ahay, waxaannan ku shaqeeyaa tallada xukuumadda.” Ayuu yidhi Cali