Xukuumadda oo qaadacday doodii sadexda Xisbi isku raaceen in Akadamiyadda Nabadu qabato

0
88

Hargeysa(Waaheen) warar hordhac ah ayaa sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Axmed latestMaxamed Maxamuud Siilaanyo qaadacday doodii sadexda Xisbi Qaran isku raaceen in ay si dhex ah u qabato Akadamiyadda Nabada iyo Horumarka.

Illaa had si rasmi ah Xukuumaddu ugamay hadal mawqifkeeda ku aadan ka biyo diidista ay ka biyo diiday in Dood Qaran ay Akadamiyaddu qabato, hase yeeshee tibaaxaha ka soo baxaya ee laga helayo xayndaabka Madaxtooyadda ayaa sheegaya in ay diiday Doodaasi.

Ilo wareedyo u dhuun daloola go’aanka Xukuumadda ayaa Waaheen u sheegay in ay ka timi kadib markii labada Xisbi mucaarad iyo hogaanka Kulmiye ay ajandihii doodaas ee ay xukuumaddu aqbashay markii ay kulmeen Ergadii dhex dhexaadinta iyo Guddoomiye Cirro in waxyaabo kale oo ay kualnkaasi ku diiday ay warbaahinta ka sheegeen in dooda lagu soo qaado doono kuwaas oo ay ka mid yihiin xaaladda dalka oo ay ku jiraan dhamaan arrimaha Mucaaradku ka cabanayaan.

Ilo wareedyo u dhuun daloola kulankii Cirro, Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal ayaa Waaheen u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay oo kali ah in dooda lagaga hadli doono oo kali ah arrimaha Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta sidii loo qaban qaabin lahaa, hase yeeshee inta kale ee ay warbaahinta ka siidaayeen Mucaaradka iyo Xisbul xaakimka (Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin) ay yihiin waxa sababay in Xukuumaddu ka biyo diido Doodaasi.