Liverpool Oo La Wareegtay Hogaanka Premier League Iyadoo Kabtan Suarez Shabaqa Laga Celin La’ Yahay.

0
120

Sua7ezLiverpool ayaa la wareegtay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay 3-1 kaga takhaluseen kooxda Cardiff City oo marti ugu aheyd Anfield, iyadoo Luis Suarez uu labo gool kula dabaaldegay heshiiskii mudada dheer ee uu shalayto qalinka ku duugay.

Tababaraha Liverpool ayaa ciyaartaan ku soo galay line-up la mid ah midkii uu kaga takhalusay Tottenham isbuucii hore, iyadoo Luis Suarez uu mar kale ku soo bilowday isagoo kabtan ah, waxaana labadaan kooxood ay markii ugu horeysay isku arkayeen horyaalka muddo haatan laga joogo 54 sanadood ah.

Furdsadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heysay Cardiff City daqiiqadii 14aad markii Noone uu kubad gantaal ah meel 25 yard u jirta goolka ka tuuray, laakiin waxaa labada gacmood la helay goolhaye Mignolet.

Wixii intaas ka danbeeyayna ciyaarta waxaa maamulkeeda la wareegtay kooxda Liverpool, iyagoo hogaanka u qabtay ciyaarta daqiiqadii 25aad, Henderson ayaa kubad uu soo qaaday waxaa sideeda kula qabtay Luis Suarez oo xilli ciyaareedkan la celin la’ yahay isagoo kubada shabaqa cusjiyay.

Coutinho ayaana ku dhawaaday inuu u labeeyo Liverpool ka dib markii ay kubad birta ka beenisay isagoo xagal adag ka soo tuuray.

Daqiiqadii 42aad ayaana Liverpool ay hogaanka dheereysatay markii Suarez kubad loo dhex bixiyay uu si deeqsinimo ah ku siiyay Sterling kaasoo si sahlan shabaqa ku dhex dhigay, waana goolkiisii seddexaad ee uu horyaalka ka dhaliyo xilli ciyaareedkan.

Seddex daqiiqo ka dibna Super Suarez ayaa mar kale shabaqa soo taabtay markaana waxa ay aheyd kubad si qurux badan loo soo dhameystiray iyadoo Henderson uu cirib u reebay islamarkaana uu Suarez si fantastik ah shabaqa ugu qaaday.

Luis Suarez ayaana noqday ciyaaryahankii ugu horeysay ee ugu yaraan labo gool dhaliya afar kulan oo isku xigta Premier League.

Suarez ayaa sidoo kale dhaliyay 10 gool kaliya bishaan December waana rikoor cusub isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee hal bil gudaheed horyaalka Premier League 10 gool ku dhaliya.

Suarez ayaana gooldhalinta horyaalka Premier League ku hogaaminaya 19 gool isagoo lix gool ka sareeya ninka ku soo xiga ee Aguero inkastoo xiddiga reer Uruguay uusan ciyaarin shantii kulan ee horyaalka ugu horeysay.

Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 3-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa.

Daqiiqadii 58aad ayaana Cardiff City ay gool soo ceshataty iyadoo Sakho uu wada xeran wayay labo ciyaaryahan xilli laad xor ah ay soo tuuranayeen kooxda reer Wales, waxaana madaxa kubada la helay Mutch oo dabamariyay Mignolet.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Liverpool kuwaasoo hogaanka horyaalka Premier League ku qabtay 36 dhibcood, waxaana ay hal dhibic ka sareeyaan Arsenal oo isniinta martigelineysa Chelsea oo iyadana leh 33 dhibcood.