Dhagayso: Labbada Guddomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiilada oo Guddomiyahooda ku Eedeyey in uu Golaha ka dhex Hurinayo Muran Siyaasadeed.

0
139

 

hfhfhf

News10

 

 

Hargeysa(Waaheen) Guddomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada ee Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo guddomiye kuxigeenka Labbaad Cali yusuf Axmed ayaa si kulul u dhaleceyey Gudomiyaha Golaha Wakiilada Cirro iyaga oo ku eedeyey in uu Qas iyo Qalalaase uu ka dhex hurinayo Golaha Wakiilada, waxa kale oo ay sheegen in Golihii wakiilada uu Cirro ka dhigay Xaruntii Xisbiga Waddani oo kolba Garabyada haweenka ee xisbigiisa uu kula kulmo, iyaga oo xusay in muddo dheer iyaga ku qaadato in ay la kulmaan guddomiyahooda.

Sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa, id oo ay ku qabteen Xarunta Golaha wakiilada Maanta Duhurkii.

Waxa kale oo ay sheegen in Maxkamada Sarre u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Guddomiyahooda.