Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha cusub ee Somaliya oo isku haya Liiska wasiiradda cusub

0
55

Muqdisho(Waaheen) Iyadoo xalay lagu dhawaaqay in dib loo dhigay kulan maanta baarlamanka Somalia lagu horgeyn lahaa raisul wasaaraha dhowaan la magacaabay C/weli Shiikh Axmed si uu u helo codka kalsoonida ayaa waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha keenay dib u dhacaasi.

xasXoghayaha guud ee Baarlamanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa saxaafada u sheegay shalay galab in arrimo farsamo awgood ay sabab u yihiin dib u dhaca ku yimid kulankan oo horey loo shaaciyey in maanta la qaban doono, isagoo xusay in 21-ka bishan uu qabsoomayo kulanka.

Hase ahaatee waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in dib u dhacan uu salka ku hayo arrimo kale, kuwaasoo qaarkood ay sheegayaan iney ka mid yihiin qorsheyaal lagu magacaabayo golaha cusub ee wasiirada si hal mar iyaga iyo raisul wasaaraha loo horgeeyo baarlamanka, loona ansixiyo.

Arintan ayaa waxaa la sheegay inuu ku taliyey madaxweynaha, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in raisul wasaaraha cusub oo ka biyo diiday liiska gole wasiiro oo uu u soo gudbiyey madaxweynaha si uu ugu dhawaaqo.

Ilo wareed ku dhow madaxtooyada ayaa dayniile.com ayaa sheegaya in raisul wasaaraha uu doonayo in golaha wasiirada la magacaabo ka dib marka isaga la ansixiyo, isla markaana beelaha lagala tashado shaqsiyaadka ku metelaya.

Wararka qaar waxay sheegayaan in arintan ay waxoogaa ismaandhaaf ah ka dhex dhalisay madaxweynaha iyo raisul wasaaraha iyadoo haatana laga wada hadlayo suuragalnimada in hadda la magacaabo gole wasiiro iyo in dib laga magacaabo.

Liiska golaha wasiirada qaarkood ee madaxweynuhu sameeyey ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan iney ka dhex muuqdaan xubno ka tirsanaa xukuumadii la riday ee Saacid kuwaasoo xulafo dhow oo siyaasadeed la ahaa madaxweynaha intii uu socday ololihii lagu riday xukuumadii Saacid, dhinaca kalena ka tirsan koox diimeedka Damujadiid.

Lama oga in raisul wasaaraha cusub uu aqbali doono in xubno ka tirsanaa xukuumadii la riday ay ka mid noqdaan golihiisa wasiirada iyo in kale, hase ahaatee baarlamanka ayaa dhowaan ansixiyey qodob ka tirsan xeer hoosaadkiisa oo dhigaya in xubnaha golaha wasiirada mid mid loo ansixiyo halkii ay horey u ahaan jirtay isku duub.

Dhinaca kale, warar ayaa iyana jira sheegaya sababaha dib u dhaca keentay ay sii xoojisay go’aan ay qaateen xildhibaanada ka soo jeeda beesha Direed oo ahaa ineysan ka qeyb galin fadhiyada Baarlamanka, inta wax laga qabanayo dagaalada ka socda gobolka Sh/hoose.