Durba Miyaad Illowdeen?

0
93

boobe

                                                                                                                Durba Miyaad Illowdeen
miyaa illowdeen,   durba

Adigoon dembiba gelin,

Jeel-u-daaddahayntii?

 

Durba miyaa illowdeen,

Adigoo dibbiray cadho,

Ku sii digashadiisii?

 

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

 

19/12/2013ka, Hargeysa,

 

Oo Hubaal ma hilin iyo…..Waddo halaq-mareen baa?

Ninkii doobta weynaa ee Timacadde ayaa laga hayaa: “Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye.”. Nimankii aynu lahayn waa ay idiin sahan-tegi doonaan, ayaa innagii isku keen soo rogay. Curin iyo hal-abuur midnaba lama ay iman. Duruus hore loo soo dhigtay iyo aflaam hore loo soo daawaday ayay wax dux leh moodeen oo ay meel madow inoogu shideen. Reer iyo wax baas oo laga hayaamay oo hortood-jireba dheef ka waayay ayay ku meeraysanayaan dadkana dib u barayaan. Markaas ayay mar xisbi aanay ahayn dabada-gelinayaan. Marna dhallinyaro aanay ahayn ayay ku raad-gadanayaan. Intaa waa ay doobinayaan. Waxay dadkiiba ku dilayaan: “Maxaa guulahayaga loo sheegi waayay.”

Dadkuna wax-qabadkooda deyrarka, daaraha, dawyada, dariiqyada iyo dulmiga aan dhaafsiisnayn ma diiddana, waxaanay u yaqaannaan xukuumadda maanta dhisan ‘Da’-jecel oo xarafka ‘Da’da wax-qabadkeedu ma dhaafo. Guul-darrooyinka iyo dibudhaca aynaan galabsan ee ay ina badeen ayaa wax walba ka daran. Waa tan iyo ilaa aammanuu. Gabayaagii waddaniga ahaa ee Axmed ismaaciil Qaasim ayaa laga hayaa:

“Halkii aan dad ii soo kordhiyo, darar ka eegaayay,

Iyaba waa darxumo ii maqane, dacar miyaan leefay,

Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay,

Sidiiyoon dayaysnahay miyaan, dawgi ka habaabay”

 

Qaasim 1965kii ayuu sidaa lahaa. Bal ka warrama tan maanta taagan ee aynu kala kulannay xukuumaddeenna Kacaan-u-eg Keli-nool.

 

Tan iyo intii aynu la soo noqonnay madax-bannaanideenni, 18kii 1991kii, maanta ayaynu maraynaa marxaladihii ugu darnaa ee ku habsada saxaafadda madaxa bannaan iyo xorriyatul-qowlka guud ahaan. Laga soo bilaabo bishii Abriil, 2013ka, waxa si joogto ah ay weerarradu ugu dhacayeen wargeyska maalinlaha ah ee Hubaal. Bishii Abriil 2013ka waxa la sheegay oo meelo badan laga qiray in laba nin oo hubeysani soo weerareen xarunta wargeyska Hubaal. Maareeyihii Guud, Maxamed Axmed Jaamac “Calooley” gacan ayaa laga jebiyay. Nimankaa weerarka geystay waxa la sheegay in ay xabbado rideen. Mid ayay colkii wargeysku qabteen midna waa uu baxsaday. Kii baxsaday lama soo qaban, kii la xidhayna 8 bilood ka dib ayay Maxkamadda Ciidammadu dammiin ku sii deysay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada oo TV-ga HCTV ka hadlayay habeen dhaweyd wuxu sheegay in uu ugu taag waayay dhibbanayaashii Hubaal in ay Maxkamadda yimaaddaan, sidaana uu eedeysanihii dammiin ugu sii daayay.

 

Su’aasha is-weydiinta lihi waxay tahay ma Hubaal oo keliya ayaa Dhibbane ahayd. Mise Qaranka iyo ummadda Somaliland ayaa ah Dhibbanayaasha dhabta ah? Waa su’aal da’ weyn oo dadweynaha u taal.

 

Bishii Juun, 2013ka intii ay dacwaddani socotay mar kale ayaa ciidammo hubeysan mar kale  la geliyay xarunta Wargeyska Hubaal oo albaabbada loo xidhay, Maareeyihii iyo Tifaf-tirihiina xabsiga loo taxaabay. Muddo iyo tamarba waa ay qaadatay in xaruntii Hubaal dib loo furo isla markaana dadkii xidhnaa la soo daayo. Waxaan filayaa haddii aanan qaldanayn in hawshaas lagu maareeyay ilaa heer Madaxweyne. Subxaan!

 

Habeen dhaweyd oo aan sidaa u sii fogayn, waxaynu daawanaynay Taliyaha Booliska iyo Ku-xigeenkiisa oo ka jawaabayay wargeyska Hubaal oo qoray in khilaaf xooggani ka dhex jiro Hoggaanka Sare ee Booliska. Labada Taliye si wanaagsan ayay u hadleen iyaga oo sheegay in aanu wax khilaaf ahi jirin, wargeyska Hubaalna looga fadhiyo in ay eeddaas Maxkamad horteed ka soo caddeeyaan. Hadal wanaagsan oo aan naxli iyo turxaan midnaba lahayn ayuu ahaa; in kasta oo aan anigu ka door-bidi lahaa in aanay ka jawaabin Taliyayaashu ee ay iska aammusaan. Ka-hadalka iyo ka-jawaabidda waxyaabaha qaarkood ayaa mar mar marag u noqota in ay run tahay xan la isla dhex mushaaxayay.

 

Gulufka Hubaal lagu hayay intaas kuma dhammaan. 13kii bishan Diisambar ee 2013ka, galabnimadii Jimcaha ayay ciidammo badani ka dul degeen xarunta wargeyska Hubaal oo albaabbada loo xidhay isla markaana, laba wiil meesha laga kaxeeyay, in kasta oo markii dambe wiilashii la sii daayay. Muwaaddin in loo yeedho iyo kaalay mudan ama tilifoonba loo diri karo ayaa Kaare iyo Komaandoos loo kaxaysanayaa. Sidaas ayaa milgihii ciidankana lagu qiimo tiayaa oo hadhow aanay cidina qof bilays ah u soo raacayn ilaa taangiyo loo dalbado.

 

Dawlad iyo dadweynaba bar-barad ayaynu wada nahay. Meel kasta qabyo ayaa ka jirta. Waxa saxaafadda madaxa bannaan ka dhiman ayaa booliska ka dhiman. Dulqaad iyo isu-tanaasul ayaynu ku wada deggen nahay, ku wada joognaa isla markaana la inaga rabaa in aynu ku sii wada joogno. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa: “Geel duq baa loo tumaa.” Dawladda iyo xukuumadda ayaa dulqaadka laga rabaa marka hore. Ciidammada ayaa dulqaadka laga rabaa. Dulqaadka ay intaasi yeelan weyday aaranka saxaafadda in laga sugaa waa gar-darro.

 

Heer kasta oo aynu joognaba gefku waa ka dhacayaa. Madaxtooyada oo dalka ugu sarreysa ayaa gefku ka dhacaa. Safar-xumadii Jigjiga ka dhacday ayaa 2011kii Jubba ka dhacday. London ayay Feeberweri 2012kii ka dhacday. Aaskii Qaryaan Macallin Dhoodaan ayay ka dhacday. Isla berrito ayay taas mid la mid ahi dhacaysaa oo aan waxba la iska weydiin doonin. La is-ma xisaabiyo. Markaasaa wargeyska Hubaal loogu yaacaa sidii wax ceelal dheemman ah laga helay. Maxaa Hubaal loogu durdurinayaa ee loogu dardaar-werinayaa ma deyrkii Maka ayay gubeen?

 

Jiritaankeenna, nabadgelyadeenna iyo sii-joogitaankeennu wuxu ku xidhan yahay is-qaddarin iyo is-tixgelin is-weydaar ah. Waa in aynu isu dulqaadanna, is-tilmaannaa. Keenna gef geysta waxa ku filan in Maxkamadda looga yeedho oo dacwaddiisa lagu qaado. Dacwaduhu Madani iyo Ciqaabba waa ay nqoon karaan. Garan meynno waxan loogu ordayo RRU-da ee sida argaggaxa leh tallaabooyinka loo qaadayo. Garan maayo sohdimaha ama jiidaha mas’uuliyadeed ee RRU-da, bal se tallaabooyinkani waxay qiimo tirayaan ciidanka RRU-da iyo booliska labadaba. Ka soo qaadba in Hubaal eed gashay. Maxaa ku jabnaan lahaa in Makamadda dacwad madaniya looga furo oo iyaga oo dibadda jooga kiiskoodu socdo? Maxaa taas loo diidayaa? Waa maxay naca iyo nacaybka intan le’eg ee jiraa ee loogu durdurinayaa?

Waxa wax walba inagaga daran saamaynta caalamiga ah ee ay tallaabooyinkan tabani inoo leeyihiin. Aqoonsi iyo ictiraaf ayay madaxdeennu ku dawakhday iyaga oo ka dheregsan tallaabooyinkan ay qaadayaan. Meel wal oo adduunka ahba waxa gaadhaysa in aanay Somaliland xaq-dhowrin xuquuqda muwaaddinka isla markaana ay gabbood-fal ku samayso Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Beni-aadamka ee adduunyadu wada aqoonsan tahay. Xukuumaddeenna gabbood-faalladan samaynaysaa kama war-hayso dhaawaca ay tallaabooyinkani dal iyo dadba soo gaadhsiinayaa. Iyaga waxa u daran in ay qofkii wax ka sheega ciqaabaan oo weliba inta aanay qedo doonan la soo qabto. Ciil-baxaas dadnimo-ka-baxa ah ayaa wax walba kala weyn.

Tallaabooyinka caynkan ahi waa kuwii aynu eednay ee aynu dagaallaay. Waa tallaabooyin loo baahan yahay in ay xukuumaddeennu ka waantowdo. Nin yidhi dadka ayaan qab-qabanayaa, waxay ka dhigan tahay qof yidhi dabaysha ayaan qab-qabanayaa. Saxaafadda xorta ah ayaa sidaas oo kale ah oo aan la qab-qaban karin.

Ciidammadan sida khaldan loo adeegsanayo ee cir-ka-soo-dhaca laga dhigayana   waxaan ka baqayaa in ay noqdaan Duqsigii Cabdi Iidaan Faarax sheegay ee uu lahaa:

 

“Duqsi caano meel yaal,

Ku dabbaal bartaa jiray,

Maalin buu dalxiis tegay,

Disdi fuud ku jiro buu,

Dalaq yidhee ayaa dilay?”

 

 

Bad bad aan la gelin ayaa jirta, waana badda dadweynaha. Qof kasta oo wax is-bidaba iyaga ayaa jilbaha u dhiga.

 

Aan ku soo xidho Cali Sugulle Dun-carbeed iyo tuduc ku jiray Deelleeydiisii, waxaanu yidhi:

 

“Diric keli ahaantii,

Daleed guusha kama helo,

Dadkaa geesi lagu yahay,”

 

Dhammaad. Waa inoo Khamiista dambe iyo Tirsiga 3aad, haddii Eebbe idmo.