Ciise Muuse iyo Gabooye waa Dad Wallaalo ah wixii dhex yaalayna Odayaashoodaa dhameeyey

0
53

waxaan ugu horeyn u mahadcelinayaa Odayaasha Dhaqanka ee 2da beelood, Taliyaha Ciidanka Boliska Somalialnd, iyo xukumada oo xil weyn iska saartey dhameynta dhibaatadii ka dhex dhacday dadka wallaalah ah,

mid-gaan yareWaxaa ay kamid tahay Sunnada Nolosha in markasta uu dhaco khilaaf u dhaxeeya Aadamaha ama bulshada ku wada nool deegaan kaliya, waxaa hubinti ah iney bulshada somaliland tahay kuwo ku caano maalay nabad iyo wada noolaansho saldhigna u tahay isa saamaxaada wixii dhaxdooda ka dhacay iyaga oo markasta cuskada Cabsida Alle iyo Diinteeda sharafta badan.

Waxaa dhawaan ka dhacay Xaafada Daami ee Magaalada Hargeisa kana tirsan waaxda gacan libah isku dhac dhex marayey dhalinyarada xaafadaas kuwa nool kuwaas oo ka soo kala jeeday 2da beelood ee Gabooye iyo Ciise muuse

Waxaana xoog u soo kala dhex galay ciidama amaanka kuwaas oo ku guuleystay iney si fudud u kala kaxeeyaan dhalinyarada iyada oo isku dhucuna soo noq-noqday dhowr habeen haddana akhirkii waa lagu guuleystay daminta danbiyadaas, waxaa mashaqadani ka kacday dhimashada Alle ha u naxariiste Marxuumad Muluug oo ku geeriyootay xaafada daami taas oo lagu aasay magaalada Hargeisa iyada oo aan tacsi tiiranyo leh uga dirayo qaraabadeeda iyo ehelkeeda.

Waxaa intaas kadib ciidamada amaanku xidheen dhamaan cidii loo tuhunsanaa dilka gabadhaas sidoo kalena waxay soo qabqabteen dhalinyaradii ka soo kala jeeday 2da beelood kuwaas oo shalay laga soo wada daayey saldhigyada kadib markii Madax dhaqameedyada 2da beelood si sharaf leh ku dhameysteen wada hadalo dhaa dheer oo ugu socday Hargeisa laguna damineyey dhibta ka taagneyd xaafada.

Waxaan si sharaf, milgo iyo maamus huwan ugu mahad celinayaa odayashaasha labada dhinac kuwaas oo masuuliyada weyn iska saaray dhameynta dhibtaas dhacday waxaanan leeyahay waad ku amaanan tihiin hawshaas iyo heshiiskaas aad sameyseen.

 

Haddaba waxaan aad iyo aad ula yaabay kuwa sheegta iney ilaaliyaan xuquuqda aadamaha oo soo saaray wax ay ku sheegeen warbixin balse aheyd xaalad abuur iyo kicin ay ku sameynayeen bulshada dhexdooda waxaanan leeyahay kuwa waxaas caadeystey maaha wakhtigii aad umada ka dhex hurin jirteen mashaakilka iyo qaska balse waa wakhti ay somaliland bulshadeedu ka bislaatey waxyaabo badan, Ciise Muuse iyo Gabooyana waa dad wallaalo ah oo reer somaliland ah oo meel wada dagan iskana kiin jecel ee kala dhex baxa balaayadaad ku wadaan

Waa la isku dhacaa, waana la heshiiyaa.

Haldoor Barkhad Jama Hirsi Batuun

Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland

Hargeisa Somaliland