Al-shabaab oo bogeedii Twitter-ka dib u furtay

0
120

Somaliya(Waaheen) Sarkaal u hadlay kooxda islaamiga ah ee  Al-shabaab  ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegay inay dib u furteen khaanaddii ay Twitter-ka ku lahaayeen kaddib laba bilood markii dhowr jeer laga xidhay khaanado ay ka furteen shabakaddan ay dadweynuhu ku xidhiidhaan.

Afhayeenka u hadlay Al-shabaab ayaa Isniintii u sheegay Al-Jazeera TV in boggooda cusub oo lagu magacaabo @HSM_INFO ay ku baahin doonaan wararka ku saabsan dagaallada ay Soomaaliya ka wadaan.

hadaba sarkaalka  oo sheegaya sababta ay u furteen marlabaad ayaa waxaa uu yidhi “Ujeeddada aan boggan cusub u furannay waa inaan ku baahinno wararka  ku saabsan jihaadka aan ka wadno Soomaaliya, kuwaasoo ay reer galbeedku aad u dhibsadeen si ay u qariyaan wararka aan baahinayno,” ayuu sarkaalku u sheegay Al-Jazeera isagoo magaciisa qariyay.

Xukuumadda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-shabaab ayaa ku baaqday in la xidho  boggan cusub ee ay Al-shabaab ka furtay Twitterka, si wararka ay ku baahinayaan loo hakiyo.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo la hadlay Al-jazeera TV ayaa sheegay in xukuumaddu ay dalbanayso in la xidho page-kan  ay Al-shabaab ka sameysatay Twitter-ka.

waxaana uu yidhi “Dadkan kuwan oo kale ah uma ogolaanayno inay mar kale u istaagaan inay dhallinyarada Soomaaliyeed marin-habaabiyaan. Waana in la xidho ,” ayuu Inj. Yariisow ku sheegay wareysiga uu siiyay telefishinka Al-jazeera.

Bishii September ee sanadkan ayaa laga xidhay Al-shabaab bog ay Twitter-ka ka sameysatay, kaddib markii ay ku baahiyeen war ay ku sheeganayeen weerarkii lagu qaaday Westgate Mall oo ay ku dhinteen 67-qof oo shacab iyo askar isugu jira.

Maamulka Twitter-ka ayaa horay u sheegay in siyaasadaha ay u dajiyeen shabakaddooda aysan ka mid ahayn in cid gaar ah loogu hanjabo, taasoo keentay in bogaggii ay Al-shabaab ku lahayd dhowr jeer la xidho.

Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay ku biirtay Twitter-ka sannadkii 2011 kaddib markii ay dowladda Kenya kumannaan askarteeda milateriga ah u soo dirtay Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan kooxda Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay weerarro xad-ka-tallow ah iyo af-duubyo loo geystay dalxiisayaal iyo shaqaalaha hay’adaha samafalka qaarkood.

Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno ku yaalla Soomaaliya ayaa  waxaa sannadihii lasoo dhaafay dagaallo ay horumuud u yihiin ciidanka AMISOM lagaga  qabsaday deegaanno badan oo muhiim ah, kuwaasoo ay ku jiraan Kismaayo iyo Marko oo saldhigyo waaweyn ay ku lahayd.