Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Deeq isku jirta Gaadhi Ambulance iyo Dawooyin Gaadhsiisay Salaxley.

0
107

31 22Salaxley (Waaheen)-Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo wefti balaadhan oo ay hogaaminaysey  ayaa Maanta  waxa ay ka qaybgaleen xaflad balaadhan oo ka dhacday degmada salaxlay.

 

Xafladan oo ujeedadeedu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada dhakhtarka salaxlay iyo Dugsiga Boodhinka ah ee Degmada Salaxlay halkaas oo Maanta ay marwada madaxweynuhu gaadhsiisay cusbitalka deeq kala duwan oo ay ugu talo gashay in lagu kaabo hawlahaasi iyo ta umulisooyinkaba, waxaanay deeqdaasi oo ka kooban qaybaha kala duwan ee daruuriga ah balse ay ugu sii muhiimsanaayeen 50 bustaha dhaxanta ah iyo 3000 oo Dollar oo madaxweynuhu  ugu talay in lagu kaabo baahiyaha dugsiga boodhinka ah ee degmada salaxlay.

Lacagtaasi oo ay wasiirka waxbarashadu ku wareejiysey ururka degmada salaxlay ee loo yaqaan gaaroodi.

Dhinaca kalena waxa marwada madaxweynuhu ay hay’adda bisha cas ka gudoontay dawooyin aad u qaali ah oo isugu jira qalabka dhiciska lagu koriyo iyo kuwa qaliinada degdega ah loo adeegsado oo loogu talo galay in dhakhtarka lagu horumariyo iyo Gaadhi Ambulance ah oo model kiisu yahay 2013 kaasi oo cusayb ah KM kiisuna uu socday uun inta u dhaxaysa berbera iyo salaxlay oo keliya hay’adduna ay toos uga dalbatay shirkada baabuurta ee TOYATA dawooyinka iyo gaadhigan oo qiimahoodu uu ku joogo $79,454 lacagta loo yaqaan USA dollar.

Intaasi ka dib waxa halkaasi ay marwadu ku wareejisay gaadhigaasi isla maamulka degmada iyo kuwa dhakhtarka oo goobjoog ahaa dhamaantood sidoo kalena waxa halkaasi hadalo mahadnaq ah ka soo jeediyey masuuliyiinta iyo madaxdhaqameedka degmada salaxlay.