Fawzia Yusuf oo qaabishay Ambasador Linda Thomas-Greenfield oo booqasho ku timid Soomaaliya .

0
47

Muqdisho,14 December ,2013- Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa maanta ku qaabishay Muqdisho Ambasador Linda Thomas-Greenfield oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika oo booqasho ku timid Caasimadda , waxa ayna H.E. Fawzia ay tiri “ waxaan aad u soo dhoweynayaa booqashada ay Ambasador Linda Thomas-Greenfield ay ku timid maanta Soomaaliya , waxa ay ina tuseysaa xiriirka xoogan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka”.

Madaxweynaha dowladda Mareykanka Barrack Obama ayaa taageeray dowladda cusub ee Soomaaliya bishii January ee sanadkan, taasoo keentay taageerada ugu badan beesha caalamka ay u muujiso Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay ku tilmaamtay taageerada siyaasadeed ee Madaxweyne Obama uu siiyay Soomaaliya ay horseed u noqotay in safaarado badan iyo ururo caalami ah ay xarumo ka furtaan Muqdisho , waxa ayna tiri “ waa isbadal soo dhoweyn leh, qurba joogga Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen iyana inay dib ugu soo laabtaan wadanka , waxaana ka muuqata Soomaaliya ifafaalo weyn”.
Ra’iisul wasaare kuxigeenku , waxaa kulanka ay la yeelatay Ambasador Linda Thomas-Greenfield Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika ay kala dooday arrimo badan oo diiradda saaraya Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal , amniga , shaqaaleynta,horumarinta iyo xaaladda siyaasadeed ee wadanka uu hadda ku sugan yahay .
Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa ka codsatay dowladda Mareykanka inay kaalin hogaamineed oo muuqata oo xoog badan ay ka cayaarto sidii Soomaaliya ay ku heli laheyd taageera maaliyadeed oo toos ah .
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Ambasador Linda Thomas-Greenfield ayaa uga mahad celisay Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam sida diiran ee ay ugu soo dhoweysay Muqdisho , waxa ayna balan qaaday in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya .
Ra’iisul wasaare kuxigeenka ayaa iyana dhankeeda kaga mahad celisay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Ambasador Linda Thomas-Greenfield codkeeda xoogan ee ay ku taageerto Soomaaliya, waxa ayna tiri “ waxa aan aad ugu qanacsannahay hogaankiina iyo taageerada aad siisaan shacabka Soomaaliyeed”.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda