Xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarad oo bilaabay Gor-gortan Siyaasadeed oo ay ku Heshiinayaan

0
92

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Guddoomiyaha Guurtidda oo kulamo joogta ah wada

Guddoomiyaha UCID iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda oo kulan ku yeeshay Maan-soor

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland iyo Labada Xisbi Mucaarad ayaa bilaabay wadahadal toos ah oo ay ku dhamaynayaan Xurgufta siyaasadeed ee dhex miranaysay bilihii ugu danbeeyay, taasoo ka dhalatay shirkii talo Qaran iyo waliba isku-shaandhayntii Guddiyadda Golaha Wakiiladda.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe iyo wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland ayaa shalay markii ugu horaysay kulan aan ujeedadiisa la ogayn ku yeeshay Hotelka Maansoor ee magaaladda hargeysa, kaasoo ay isku kaliyeysteen labada Siayaasi.

Kulanka labada dhinac ayaa u muuqda inuu daba socdo hadalo ay Feysal iyo Maxamed Biisi kala siiyeen warbaahinta, kaasoo ku qotomay in labada dhinacba muujiyeen dabacsanaan iyo in khilaafaadka u dhaxeeya lagu dhameeyo wadahadal.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Feysal cali Waraabe oo aan ka hadal mudaharaadkii Xisbigiisa ee maalintii xuquuqal Insaanka ayaa Idaacadda Afka Somaliga ee Maraykanka VOA u sheegay in xaaladda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee xukuumadda majaraha haysaa yahay mid halis ah isla markaana mucaarad ahaan ay diyaar u yihiin dhinacooda in ay dabciyaan khilaafka isagoo walaac ka muujiyey haddii lagu sii adkeeyo in dalku qarka u saarmi karo burbur.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa isna dhiniciisa mar wax laga weydiiyey dhibaatooyinka ay Xukuumadda uu ka tirsan yahay ku hayso Mucaaradka iyo Saxaafadda ayaa sheegay in ay wadahadal la furayaan Mucaaradka haddii ay wado sharci ah u soo maraan isagoo meesha ka saaray gabi ahaanba in aanay haboonayn in saxaafadda la xidh xidhaa.

Labada Hadal ee Wasiirka iyo Guddoomiyuhu warbaahinta mariyeen ayaa u muuqda kuwo hordha u ah Heshiis iyo wadahadal toos ah oo aya Mucaaradka iyo Xukuumaddu wada yeeshaan.

Dhinaca kale, waxa socda wadahadal u dhaxeeya Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, kuwaasoo si joogto ah meelo kala duwan uga dhacay wallow aanay labada dhinac illaa hada soo saarin go’aan rasmi ah oo ay ku caddeynayaan wax aka soo baxay kulamadooda.

C/raxmaan Cirro ayaa la sheegayaa Mucaaradku (UCID iyo Wadani) in ay si toos ah ugu wakiisheen wadahadalada u dhaxeeya iyaga iyo Xukuumadda, iyagoo u maraya Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo xiligan u muuqda in uu si toos ah u maamulo hawlihii Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, maadaama dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee u Lugta kula jiraa yihiin kuwo u muuqday in ay waayeen cudud midaysan oo wakhtigan la odhan karo waxa laga helayaa dhinaca Xukuumadda.

Si kasta ha ahaatee dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee socda ayaa u muuqda in aya meesha ka saari doonaan Doodii ay mucaaradku abaabulayeen.